Sign in to follow this  
King_Sasa

EVENT in USA- Maakhir University

Recommended Posts

Shirkii mudadii u dambeysay uu ka socday Ololihiisu Minnesota Ee Cariga Maraykanka Ee lagaga hadlayay Sidii loogu sameyn lahaa Jaamacad heer Caalamiya Gobolka Sanaag gaar ahaan Xaruunta labaad Ee Gobolkaas Ee Badhan ayaa Xalay kusoo idlaatay Minnesota Waxaana kasoo qeyb galay dhamaan Bulshada kasoo jeeda Gobolada Sanaag, Haylaan iyo Bari ee ku dhaqan Minnesota.

 

Waxaa magaalada Minneapolis kadhacay shir beryahanba lasugayay oo ku saabsan Jaamacad larabo in laga hirgeliyo ama laga aasaaso Somalia, gaar ahaan Gobolka Sanaag. Jaamacadan ayaa Gudiga ama Boardku isku raacay in loobixiyo Maakhir University kadib markii ay yeesheen shir u khaas ah habeenimadii jimcaha. Xalay oo ay bishu ahayd 12/26/2009 ayaa lagu qabtay shir aad u balaadhan oo ay dadwayne u dhashay gobolada Haylaand iyo Sanaag ka qeybaleen iyagoo tilmaamey iney u heelan yihiin yagleelka jaamacaasi laga hirgalinaaya gobolka Sanaag.

 

Arinkan samaynta Maakhir University ayaa ahaa mid shucuurta dadku muujisay farxad iyo jacayl ama rabitaan sidii loo samaynlahaa Jaamacadaas wakhtiyada fooda inagu soo haya. Sikastaba ha’aatee waxaa goobtaa lagu casuumay inay khudbado dhaxalgal ah ka jeediyaan dad iyagu u dhashay gobolada aan kor ku xusnay kuwaas oo ka jeediyay goobtaas hadalo aan is orankarno waxayba noqonkaraan in qaybtood Jaamacadaa larabo in ladhiso laga dhigo ama ardayda labaro. Dadkaa hadalka jeediyay waxaa kamida Dr. Ali A. Hersi oo isagu ahaa nin shirka uga yimi Soomaaliya.

 

Dr. Ali kadib markuu khudbad dheer halkaa ka jeediyay isagoo tilmaamay muhiimada iyo waxa loobaahanyahay in layeelo si jaamacadan loo hirgeliyo wakhtiyada soo socda sidhakhsa ah, ayuu ku tilmaamay inay tahay in wadashaqayn lagahelo dadka oo dhan khaasatan dadka iyagu khibrada u leh samaynta ama hirgelinta Jaamacadeed.

 

 

Dadka uu tilmaamayo ama leh aqoontaa hirgelineed ama fududayneed habka Jaamacad lagu dhiso, ayaa iyana islagoobtaa ka hadlay oo uu kamidyahay Prof. Abshir Aw-yusuf. Abshir wuxuu tilmaamay kadib markuu isna khudbad dheer jeedshay in muhiimku yahay in Jaamacad lasameeyo si’aan ubadkeenu waxbarasho la’aani ku dhicin iyo inay gobola kale u aadaan iyagoo doonanaya waxaynu inaguba u samaynkarno oo ah inaan u hirgelino Jaamacad aan guryaha ay leeyihiin ka agfogayn islamarkaana kharash badan u baajinaysa taas oo macnaheedu yahay in Maakhir University loo sameeyo sida ugu dhakhsaha badan. Sidoo kale Prof. Abshir wuxuu tilmaamay inuu kashaqaynaayo samaynteeda inkastay ku qaadato iyo goorwalbay noqoto si ay Jaamacadaasi u hirgasho.

 

 

Maakhir%20University%20044.jpg

 

 

Waxaa isna sidoo kale kahadlay Prof. ama Abwaan Siciid Salah Ahmed oo kasheekeeyay khubbadiisii dheerayd habkii uu tacliinta usoo maray iyo sidii uu ugu safray gobolo kale isagoo keliya usocday inuu waxbarasho kororsado. Dhulbadan ayuu tilmaamay Siciid oo ay kamid yihiin goobo ay Sanaag lafteedu kamidtahay, Hargeysa iyo waliba Muqdisho. Wuxuu tilmaamay xanuunka ay leedahay u safrida waxbarasho oo aanay dadka qaybtood awoodikarin inay helaan cid taageerta ama wada amaba kuhaysa meelaha ay u safrayaan, saas daraadeed ayuu hadalkiisa ku xoojiyay inaay muhiimtahay hirgelinta MaakhirUniversity.

 

Waxaa kamid ahaa isna Dr. Siciid Fahia oo isna tilmaamay qaababka lagu hirgelinkaro Jaamacada isagoo taariikhda dib ugu noqday iyo wakhtiyadii uu hogaaminayay Jaamacadihii umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii Muqdisho ku yaalay. Siciid wuxu tilmaamay inta kuliyadood iyo qaabka loosamaynayo Jaamacada. Ugu danbayntiina wuxuu tilmaamay baahida looqabo in lahirgeliyo MaakhirUniversity. Prof. Mohamed Jebril Caateeye ayaa isna hadal kiisii ku muujiyay in dadka gobolada Haylaand iyo Sanaag degaa ay yihiin ama ahaayeen dadkii iyagu ugu aqoonta badnaa gobolada Somalia maantana ay muhiim tahay inay noqdaan safka hore taasina waxa lagu helikaraa ay tahay in lahirgeliyo Maakhir University.

 

 

Maakhir%20University%20064.jpg

 

Dr. Ali A. Fatah oo isna aad hadalkiisii ugu dheeraaday tilmaamayna in dhulka maakhir yahay dhul hodonku ah waxyaalo badan lehna wax aan gobolada ama wadamada kale lahayn oo ay kamidtahay dhirta calmadoow ayaa tilmaamay in Maakhir University laga hirgeliyaa ay tahay wax aad u wanaagsan oo muhiim ah uuna kaqayb yahay hirgelinteeda. Waxaa sidoo kale isna kahadlay Jiif Caaqil Caabi Farah Ali Ashuur oo isagu hadalka furay dadkana kusoo dhoweeyay madasha shirka tilmaamayna maanta baahida loo qabo furida ama hirgelinta Jaamacada Maakhir University. Waxaa isna kahadlay Col. Mohamed Abdi Qaac oo isaguna tilmaamay muhiimada ay Jaamacadu u leedahay marka dhinaca siyaasada laga eego dhulka Maakhir iyo region kaba. Sidoo kale waxaa kahadlay Abdirashid Ali Warsame oo ah madaxa Schoolka shirku ka dhacay ee Twine Cities International Elementary and High shcool.

 

 

Abdirshiid wuxuu soo dhoweeyay dadwaynihii goobta yimi wuxuuna tilmaamay muhiimada waxbarashadu leedahay in ubadka wax labaro. Waxaa isna gabayo dheer oo aad u cajiib ah kajeediyay Abwan sheikh Cawil Siciid Ali Waraabe oo ah abwaan da’yar.

 

Abwaanka hadaladii gabayga uu ku mariyay waxay ahaayeen kuwo uu ku tilmaamay goobta shirka iyo dadbadan oo uu Dr. Ali kamidyahay iyo waliba dhulka larabo in Jaamacadan laga hirgeliyo ee Waxaa isna kahadlay Gudoomiyaha Maakhir Development Group Abdullahi Salah tilmaamayna isagoo marka hore hambalyo usoo jeediyay reer Maakhir mahadna ujeediyay dadkii shirka kasoo qaybgalay ee uu Dr. Ali A. Hersi kamidyahay iyo dadka kale ee iyagu kahadlay ama kaqaybqaatay shirka. Waxaa isna kahadaly oo dhinaca dhalinta waxbarata metelayay Isse Ali Jama tilmaamayna aqoontu waxay tarto dhalinta iyo muhiimada ayleedahay.

 

 

Waxaa sidoo kale tilmaamay muhiimada dhalinta waxbarashadu u leedahay dhalinta Abdirisaq Busta Yare.

 

Sidoo kale Abdirisaq wuxuu tilmaamay in arinka loo istaago oo laga dhabeeyo muhiim inay tahay. Casha Mohamoud oo ku hadashay maga Hooyooyinka ayaa iyana tilmaamtay muhiimada in dhulkii waxlaga qabto ay leedahay iyo in aan lafadhiisan ee meesha laga kaco dadkiina wax looqabto.

 

Maakhir%20University%20057.jpg

 

SAWIRO...

 

Maakhir%20University%20044.jpg

 

Maakhir%20University%20035.jpg

 

Maakhir%20University%20049.jpg.

 

Sources- Dhahar.com

 

Maakhir%20University%20021.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heart warming event indeed, much respect to the MN community for hosting the event, and for the Makhir development group for their tireless work to improve the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Would I have loved if the maakhiri community would focus on seeing through the Laas Qoray port and utilize what ever resource left on beefing up the existing educational institutions that already exist

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

NN, Laasqoray Port will be built InshaAllah. Security challenges, esp Piracy, is its chief obstacle right now and that's a matter of time to deal with it and eliminate. There had been two incidents of such case caused by a network of gangs, some from the region and others from distant regions. With the creation of strong administration, well-paid and trained army and police, we would be able to restore confidence of the security sector in the region.

Sanaag is one of the peaceful regions of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

Would I have loved if the maakhiri community would focus on seeing through the Laas Qoray port and utilize what ever resource left on beefing up the existing educational institutions that already exist

a good Idea, smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

lakiin why would they not built it in ceerigabo, if they going to built a university for the whole gobol as it is the capital of the region and has very larger population, or is it tribal university.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudhac,

 

It would be nice the university to be built in Erigavo, but the problem with Erigavo is that is unsafe for larger development to take place, basically a single argument between to clans can destroy the whole thing, and since Badhan locates more of central to other parts of the region, this idea came to the conclusion of the university being based in Badhan and with dormitory the other students from outside Badhan can settle down.

 

Another fact is that Badhan host 4 Secondary schools while Erigavo has only 2 secondary schools.

 

 

I hope this has answered you question.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

no i would think it needs more of better standard primary schools and secondary schools rather than a university in middle of small town that lacks alot of basic service such as water, sanitation, jobs so maybe that money can be spent on that port which would improve the lives of inhabitants, whats university going to do with semi nomadic people with over 90% illiteracy.

 

 

king

 

thats allot of excuse sxb, erigabo is the largest and by far most safe city in sanaag....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudhac'

 

now you talking like NGO, 90% illiteracy!!! were did you get your facts from? UN or Oxfam books? No brother, the region has excellent schools, even the Eil Afwayn has enough primary schools[2].

 

Another point is what is going to happen the school leavers? you want them to go to Hargeisa for their Higher education?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

king sasa

 

i didnt say built primary schools i said improve the quality of lower and upper schools that already exist so quality rather than quantity as somalis usually think of, i mean most of these areas lack basic resources such as teachers, good books, desks etc etc, education for remote areas...

 

spending allot on money one institute that will benefit so few when there so many more social issues that money can be spent on doesnt not make sense at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this