Sign in to follow this  
General Duke

Breaking news reshuffle of Cabinet:

Recommended Posts

BAYDHABO: Prof. Cali Maxamed Geeddi oo xalay isku shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa

Posted to the Web Feb 07, 07:01

 

 

Baydhabo (PP) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa xalay saqdii dhexe isku shaandheyn ku sameeyay Dowladdiisa, waxaana xilalkii laga qaaday wasiirro, iyadoo xubno cusubna lagu soo daray golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya.

 

Isku shaandheyntaan oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa waxay magacaabista u dhacday sidan:

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), iyadoo Xuseen Maxamed Caydiid laga qaaday jagadaan loona magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

 

Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacabay Madoobe Nuunoow, iyadoo laga qaaday Cali Axmed Jaamac (Jangeli), waxaana loo magacaabay Jangali jagada Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

 

Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka ayaa waxaa loo magacaabay Saalim Caliyoow Ibroow oo laga qaaday Jagada Wasiirka Xannaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa.

 

Wasiirka Dib u heshiisiinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo aan isagu ku jirin golihii wasiirrada ee dambe oo ka kooban 31-ka wasiir, waxaana jagadaan laga qaaday Wasiirkii hore Sheekh Aadan Mad-Deer oo aan isagu wax jago ah loo magacaabin.

 

Wasiirka Caddaaladda ayaa loo magacaabay Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame oo aan isagu ka mid ahayn golaha wasiirrada cusub ee ka kooban 31-ka xubnood, waxaana jagadaan laga qaaday Wasiirkii hore oo haatan ah Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Buuba is still in from this list. I think there was a number of open positions from the speakers race, Salim Calyow , Adan Madobe's vacated two positions. There is a new comer Xasan Dhimbil [Guriceel clan] as well as a return for Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

 

Also Hussain Aydeed got demoted from the interior ministry.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was expecting a little more then this, I don't see any improvement, maybe the changing of the minister of the interior. By the way, Gheedi would be very foolish to replace the foreign minister, he is only the most competent member of the cabinet.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More news coming out..

 

Qamar Aadan Cali ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada Caafimaadka waxaana xilkasi horay u hayay Dr Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf.

 

This is a good move..

 

Sidoo kale isku shaan dheyn waxaa lagu sameeyay wasiirkuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha wasaaradaha iyadoo wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal dhowr ah ay xilal koodii ku waayeen halka xubno cusubna ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirada Prof Geedi;waxaana xubnihii xilal kooda waayay kamida Cabdi Kariin AXmed Cali;SahroCabdul qaadir Cabdiraxmaan;Muqtaar maxamed Yuusuf oo ahaa wasiiru Dowlayaashii Wasaaradaha Maaliyada; Warfaafinta;iyo Boostada iyo isgaarsiinta.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaare Prof. Geeddi oo wareegto uu xalay soo saaray kala shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa xalay wareegto uu Magaalada Baydhabo ka soo saaray kala shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

 

Isku shaandheynta uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyay Golihiisa Wasiirada ayaa aheyd mid xalay saqdii dhexe dhacday waxaana xilalkii laga xayuubiyay xubno wasiiro, iyadoo xubno cusubna lagu soo daray golaha Wasiirrada Xukuumada Soomaaliya.

 

Wasiirada cusub ee la magacaabay

 

1) Maxamed Maxamud Guuleed Gacmadheere wasiirka arrimaha gudaha.

 

2) Xuseen Ceydiid wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta.

 

3) Salim Caliyow Ibrow wasiirka hidaha iyo tacliinta sare.

 

4) Madoobe Nuunow Maxamed wasiirka warfaafinta.

 

5) Cali Jaamac Jangali wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.

 

6) Maxamed Cabdi Maareeye wasiirka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha.

 

7) Maxamed Nuuraani Bakar wasiirka macdanta iyo biyaha.

 

8) Xasan Dhinbil Warsame wasiirka cadaalada.

 

9) Qamar Aadan Cali wasiirka caafimaadka.

 

10) C/raxmaan Jaamac wasiirka dib udhiska iyo dib u dejinta.

 

Wasiir ku xigeenada la magacaabay

 

 

1) Xasan Cabdi Suuri wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha.

 

2) Axmed Maxamed Cabdi wasiir ku xigeenka warshadaha.

 

3) Ibraahim Abiikar wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

 

4) Cabdi Xaaji Yariis wasiir ku xigeenka ganacsiga.

 

5) ***** Maxamed Maxamud wasiir ku xigeenka wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta.

 

6) C/raxman Xaaji Ismaaciil wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha.

 

7) Cabdi Axmed Xaaji Faarax wasiir ku xigeenka maaliyada.

 

8) Yuusuf Geelle Ugaas wasiir ku xigeenka warfaafinta.

 

9) Xasan Abiikar Maxamed (Japan) wasiir ku xigeenka hidaha iyo tacliinta sare.

 

10) Maxamed Cabdi Xuseen (Beekoos) wasiir ku xigeenka batroolka iyo tamarta.

 

11) ***** Maxamed Nuur Daqarre wasiir ku xigeenka beeraha.

 

 

Wasiiru dawlayaasha cusub ee la magacaabay

 

 

1) Farxan Cali Maxamud wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga.

 

 

2) Cabdalla Boos Axmed wasiiru dawlaha wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta.

 

3) Maxamed Axmed Kulan wasiiro dawlaha wasaarada beeraha.

 

4) Khaalid Cumar Cali wasiiru dawlaha golaha wasiirada.

 

5) Axmed Cumar Gaagaale wasiiru dawlaha boostada iyo isgaarsiinta.

 

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

No wonder Qalaad was given what should have been his. Ileen odeyga jagaa loo balanqaaday otherwise coup de'tat baa tolka dhexdiisa ka dhex dhici lahayd. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No Mareeye is also from Somaliland, so is the minister of planning Faxiye, I think there are as many SL ministers as there are those from Puntland.

 

SL, has the foreign ministry, planning and reconciliation, not bad..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this