Sign in to follow this  
Che -Guevara

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Sheegay in Itoobiya ay Gumaysato Dhul iyo Shacab

Recommended Posts

Yuusuf Xasan Ibraahim(Yuusuf Dheeg) Wasiirka Arimaha Dibada ee DKMG oo Saxaafada Dibada la Hadley ayaa sheegay Gobolka Soomaali Galbeed ee dhaca Bariga Itoobiya, Xuduudka Soomaaliya kala dhaxeeya uu ku jiro Gumeysi, Shacabka ku noolna ay yihiin Soomaali xilligan ku hoos nool Gumeysiga Itoobiya.

 

“Gobolku Juqraafi ahaan waxa uu qeyb ka yahey Dhulka Soomaaliya, dadka degan 1977 dagaal ayey Itoobiya la galeen si ay isaga dul qaadaan, ugana tashadaan aayahooda, Maamulka Itoobiya nidaam ahaan arinta ah dadku Mustaqbalkooda iney ka arinsadaan waa ogal yahey, balse Dadka Gobolka si gaara arintaa uma ogala” ayuu yiri Dheeg.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yuusuf Dheeg oo sheegay Gobolka S/Galbeed inuu ku jiro Gumeysi.

Warkii 16-Jul-2010 iyo Qormadii: news

 

Yuusuf Xasan Ibraahim(Yuusuf Dheeg) Wasiirka Arimaha Dibada ee DKMG oo Saxaafada Dibada la Hadley ayaa sheegay Gobolka Soomaali Galbeed ee dhaca Bariga Itoobiya, Xuduudka Soomaaliya kala dhaxeeya uu ku jiro Gumeysi, Shacabka ku noolna ay yihiin Soomaali xilligan ku hoos nool Gumeysiga Itoobiya.

 

 

Wuxuu intaa ku darey:”Xuduudka Gumeystuhu sameeyay waa mid beena, ma jirto dabeecad is diidan oo Gobolka, Dalka intiisa kale ka goyneysa, waxaa jira xiriiro joogta ah oo Dadka Gobolku la leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed intiisa kale wayna sii jirayaan, dhaqaale ahaan Gobolku Soomaaliya inteeda kale ayuu ku xiran yahey kamana go’ayo, balse kama suulin wali inuu ku hoos jiro Gumeysiga Itoobiya”.

 

Hadalkiisan saameynta uu ku yeelan karo xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo DKMG mar wax laga weydiiyay waxa uu sheegay; Itoobiya iyo iyagu iney isku aragti ka yihiin Xarakada Shababul Mujaahidiin iyo dhaq-dhaqaaqyada Soomaaliya ay ka wado, xasilooni daro Gobolka ka dhacnada ay ka dhalan karto, arintaasina cabsi weyn ku tahey Itoobiya ooy ka baqdin qabto iney dhanka Dalkeeda oo Muslimiin badan ku nool yihiin u fidaan, sidoo kalena Nidaamka Al-shabab uu ku fido Soomaaliya, arintaasina dhib ku tahey Itoobiya, siduu hadalka u dhigey.

 

Mar la weydiiyay baqdin laga qabo Ciidamada Itoobiya, Soomaaliya iney dib mar kale u soo gelayaan, waxa uu ku warbixiyey, Dowlada Itoobiya iney u sheegtey xilligan Soomaaliya ciidamo hubeysan iney u soo dirto qorshaha ugu jirin, waxeyna ku tilmaamey talaabo noocaas ah ooy qaado dhibaato mid u hor seedaysa.

 

Shirka jaraa’id, Dheeg arimo kale oo dhowra ayuu uga Hadley, waxaana ka mida arimihii uu ku soo hadal qaadey, booqasho Isbuuca soo socda uu Sh Shariif, Madaxweynaha DKMG ku tegayo Dalka Masar, inta uu halkaa joogana uu Madaxda Masar kala hadlayo xiriirka kala dhaxeeya iyo gacan taageero oo loo fidiyo DKMG.

 

Isha; www.youm7.com

 

 

“Gobolku Juqraafi ahaan waxa uu qeyb ka yahey Dhulka Soomaaliya, dadka degan 1977 dagaal ayey Itoobiya la galeen si ay isaga dul qaadaan, ugana tashadaan aayahooda, Maamulka Itoobiya nidaam ahaan arinta ah dadku Mustaqbalkooda iney ka arinsadaan waa ogal yahey, balse Dadka Gobolka si gaara arintaa uma ogala” ayuu yiri Dheeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juqraafi ahaan gobolkaasi waa qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqana waxay sannadkii 1977 dagaal ku galeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen gumaysiga/joogitaanka Itoobiya, oo ay mustqabalkooda uga tashan lahaayeen. Inkasta oo xukuumadda Itoobiya ay nidaam ahaan aqoonsantahay in dadku ay mustaqbalkooda ka tashadaan, laakiin taas uma ogolaan gobolka ****** (Soomaali galbeed),” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Soomaaliya.

 

Waxana uu Wasiirku farta ku fiiqay xuduud beenaada gumasigii sameeyey ee u dhexaysa Soomaaliya iyo dhulka Itoobiya gumaysato, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Xuduudka macmalka ahi waa xuduud beenaad uu sameeyey gumaysigu, sababtoo ah ma jiraan wax calaamad ah uu dhexaysa dadka gobolka iyo Soomaaliya (inteeda kale), xiriir joogto ah ayaa jira iyo isu socod dadka gobolka, dhaqaale ahaana waxay la xiriiraan Soomaaliya, laakiin ilaa hadda dhulkaas waxaa haysata (gumaysata) Itoobiya.”

 

 

Somalitalk

Share this post


Link to post
Share on other sites

No doubt he will go sooner than later. Sources in Vila Somalia told me that the TFG ministers, the PM himself & Sharifka nin nin la hadlo malahan. no relationship btw them at all. No salaries were paid to the police force, the army & TFG employees. They not even on speaking terms. shariifka ugandhe uu isku soo wareejiyey iyagaa cuntada u kariya, wardiyeeya, Biggie the PM in his usual hotel room xalwadiisa & caanihiisa ayaa qolkiisa loogu geeyaa. ninka kaliya oo uu amino waa Shariif Sakiin oo ah his money manager & adviser. Marka haddi ninkaan la eryaa iyo haddii kaleba waa isku mid awal busan cidna shaqo u haynin. Shariifka isagaa ah the PM, wasiirka arrimaha Dibada kulli asagaa ku shaqo taga oo cid kale u ogalayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this