Sign in to follow this  
General Duke

Seeraar an MP again? Indacade's clan support TFG

Recommended Posts

LOL. First I guess you will never learn, a few weeks back you all where certain the clan courts would rout everyone and nayone, now you talk about "Ethiopia" was it not in your calculation before that truck driver IndaCADE and lack of basic milliary training Sharif where in over their heads?

 

Now the fake secesionist Mujahid, lol, in Hargaysa they call the SNM fighters Mujahid's.

Maybe he is one of these ones.

 

Che, stop the bull brother, the side you supported lost both politically and millitarily. Now the Ethiopian troops will leave as soon as possible, without any fuss. They have defeated their old enemy Eritrea yet again.

 

The AU troops are on their way as the UN stipulated. But you know that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Kulan ka dhacay Hotel Global ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yiimaadeen Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi iyo nabadoonada iyo siyaasiinta Beesha Ceyr, kaasoo albaabada u xirnaa balse warar ilo xog ogaal ah ayaa sheegayey in looga hadlayey sidii beesha ay ula shaqeyn lahayd dowlada Federaalka oo Prof. Cali Maxamed Geedi uu ra'iisul Wasaaraha ka yahay.

 

Prof. Geedi ayaa ka codsaday beesha inay si dhaba u taageeraan dowlada Federaalka isla markaana ay hubkooda u wareejiyaan dowlada fkmg isagoo u balan qaaday in dowladu sugi doonto amaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Somalia oo dhan oo aysan ka cabsan wax dhibaato ah oo kasoo gaara qabaa'ilada kale, wuxuuna u sheegay in dhamaan qabiilooyinka kale laga qaadi doono.

 

Kulankankan ayaa Prof. Geedi waxa hareer fadhiyey Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Maxamuud Salaad Nuur oo aan wali loo dhaarin xilkiisa, Xildhibaan Xasan Dhinbil Warsame, iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, waxaa hadaba dhanka beesha Ceyr u hadlay Ugaas Cali, gudoomiyaha Beesha Md. Xaashi Maxamed Kulane iyo xubno kale waxayna dhamaantood ka sinaayeen in ay ka go'an tahay inay kor u qaadi doonaan la shaqeynta dowlada Fkmg.

 

Sidoo kale warqad qoraal ah oo ay beesha soo qortay ayaa gacanta loo galiyey Ra'iisul Wasaaraha isagoo ka gudoomay warar ilo xog ogaal ah oo kasoo baxay shirkaasi ayaa ii xaqiijiyey in warqada ay ku qornayd Talo loosoo jeediyey Ra'iisul Wasaaraha.

 

Mid ka mid ah ka qeyb galayaasha shirkan oo aan ka wareystay qodobada lagu heshiiyey kuankan ay la yeesheen Ra'iisul Wasaaraha ayaa ii xaqiijiyey in kulankooda uu ku dhamaaday guul iyo isfaham.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa baryahanba waday kulamo uu la yeelanayo Beelaha kala gedisan ee daga magaalada Muqdisho isagoo ka dhaadhicinaya inay hubkooda wareejiyaan si nabad ah iyadoo inta badan isku afgartay inay wax walba ku dhamaan doonaan sida ay dowladu doonayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Che, dont wish for war, and violence becasue your side lost. But you never was a nationalist, just a disciple of hate.

The era of warlords is over, the era of wars is over, the era of fake wadaads is over.

Even the leaders of today will be gone soon, insha ALLAH. A new Somalia is emerging.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Iyadoo maallintii shalay ra'isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu shaaciyey in dadweynaha magaalaada Muqdisho ay hubkooda isugu geeyaan muddo 3-da cisho gudahood ah dekeda weyn ee Muqdisho iyo xaruntii Villa Baydhabo ayaa maanta oo aheyd maalintii 1-aad ee mudadaasi ay ka bilaabaneysay aan xarumnahaasi la geynin wax hub ah haba yaraatee.

 

Xarumaha Villa Baydhabo iyo dekeda oo maanta ku sugnaayeen saraakiil ciidan oo ka kala tirsan dowlada federaalka iyo Itoobiya, kuwaasoo doonayay inay la wareegaan hubka ay qeybaha kala gedisan ee dadweynaha keenayaan goobahaasi ayaa ku hungoobay, kadib markii aysan soo xaadirin wax dad ah oo doonaya inay hubkooda wareejiyaan, iyadoo qaar ka ka mid ah dadka Muqdisho oo wax laga weydiiyay sida ay u arkaan inay hubkooda wareejiyaan ay dhaliilay qaabka uu ra'isal wasaaruhu u soo gudbiyay codsigiisa.

 

Sidoo kale, qaar ka mid ah maleeshiyooyinka ku sugan Muqdisho ayaa iyaguna sheegay in aysan marnaba hubkooda dhiibi doonin xili ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha oo isla markaana ay dhici karto in Itoobiya ay qorshe kale wadato.

 

Qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii ay horey uga ceyriyeen magaaladan Muqdisho maxkamadaha islaamiga ah hadda mar kale soo laabtay ayaa sheegay iney diyaar u yihiin hubkooda iney ku wareejiyaan dowladda federaalka lana shaqeeyaan, hase ahaatee ma jiro ilaa hadda hogaamiye kooxeed ka dhabeeyey balanta uu qaaday, iyadoo dhinaca kale ay soo baxayaan shakiyo fara badan oo dadka qaar ay ka muujinayaan qaabka ay arintan ku socoto

Share this post


Link to post
Share on other sites

you never was a nationalist,

Of all people in SOL, you should the last to accuse others of not being nationalist. Your idea of nationalism is to march with our nemesis to the city of Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

G

i have a hunch you may be righ that "Geedi has no moves what so ever"..

Hower, nuur cade and the fat guy to the left look like they 'could bust'up some some serious moves

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The Disco dimm lights was a nice touch..Any one familiar with hotel Global.

 

Che, you are no nationalist, long ago you choose to defend the oppressor over the oppressed, you used to deny the plight of the lower Shabbele as they where not your clan Now you pretend to care about Ethiopia take over, saxib hiding behind raw emotions does not disguise your former stance towards the majority unarmed people of the south.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qaraxii galabta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyadoo lagu soo warramayo in xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ay ku geeriyoodeen.

 

Sida ay ku warramayaan dad goobjooggayaal qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo, isla markaana ay ku sugnaayeen dad isugu jira xildhibaanno iyo shacabka magaalada Dhuusamareeb ayadoo goobtaasina uu isku qarxiyey qof naftii halige ah oo qaraxa iskusoo xiray.

 

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku geeriyooday laba xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya waxaana xildhibaannadaasi ay kala yihiin Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/weli Aw-Maxamuud ayadoo sidoo kalena la xaqiijiyey in goobta dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

 

Xildhibaan C/qaadir Caddaawe ayaa Radio Muqdisho u sheegay in uu ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen, isla markaana xaaladdu ay tahay mid aan laga sheekeyn Karin, isagoo xusay in jiraan masuuliyiin qaraxa wax ku noqotay, basle illaa iyo iminka aan la xaqiijin Karin.

 

Qaraxan oo ay geysatay malleeshiyaada argagixisad ah ee Al-Qaacidda sida ay ku warramayaan saraakiisha ASWJ ayaa la sheegay in ay la danacsanaayeen goob ay shir ku lahaayeen xidhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha Bulshad magaalada Dhuusamareeb.

 

Dhinaca kale ciidamamda Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa isku gamaaday guud ahaan halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay hadda baaritaanno ka wadaan gudaha magaalada, waxaana kacsan jawiga, iyadoo saraakiisha ASWJ ay dadka deegaanka u sheegeen in ay isdajiyaan.

Tiisaa soo gishay maanta marxuumka. Rabi ha u raxmado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dukey can never be trusted...i rather trust a xalimoos with her period than him!! Also, seeraar is sil's cousin.....so this situation will put him in a sticky situation at next election.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this