Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maamulka Cusub Ee Barack Obama Oo Ku Canaantay Qaramada Midoobay Inay Ka Gaabisay SL

Recommended Posts

Maamulka Cusub Ee Barack Obama Oo Ku Canaantay Qaramada Midoobay Inay Ka Gaabisay Aqoonsi Buuxda Oo La Siiyo S/Land

 

 

hadhwanaag 2008-11-23 (Hadhwanaagnews) Maamulka Cusub Ee Barack Obama Oo Ku Canaantay Qaramada Midoobay Inay Ka Gaabisay Aqoonsi Buuxda Oo La Siiyo Somaliland "Waxaa Miiska U Saaran Obama Aqoonsiga Somaliland" Rice

 

London (Hadhwanaagnews.com)-- barnaamij dheer oo xallay laga sii daayey telefishanka maraykanka ah ee CBS ee xaruntiisu tahay magaalada Newyork ee dalka maraykanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo sida maamulka cusub ee tallada dalka maraykanka la wareegaya ee uu hogaamin doono madaxweynaha la doortay Barack Obama uu ula tacaamili doono.

 

Warbixintani oo telefishanku ugu magac darray "Barack Obama madaxweynaha la doortay ee maraykanku waa inuu muhiimad siiyo xaaladda Soomaaliya" ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladda cakiran ee waddanka Soomaaliya ku jirto, wuxuu barnaamijku ka hadlay dagaalada, colaadaha iyo xasuuqa balaadhan ee ka socda gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale barnaamijka si weyn diiradda loogu saaray budhcad badeeda ka soo cusboonaaday xeebaha waqooyi beri ee dalka Soomaaliya.

 

Barnaamijkani oo socday muddo ku siman 45 daqiiqo waxaa lagu soo qaaday in xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee maraykanku sida weyn ugu daba jiro ay hadda ku suganyahiin dalka soomaaliya isla markaana ay gacan iyo gaashan siinayaan kooxda Alshabaab oo dagaal kula jirta maamulka uu madaxda u yahay Cabdilaahi Yuusuf iyo ciidamada Ethiopianka ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in si weyn looga shaki qabi karo in hogaankii sare ee ururka Alqaacida oo saldhigiisu ahaa dalka Afghanistan uu hadda usoo guurayo dalka Soomaaliya oo badiba ayey warbixintu tidhi gobolada koonfureed ay gacanta ugu jirto kooxda Alshabaan oo ay hogaanka u hayaan kooxo ku soo tababartay dalka Afghanistan.

 

arrinta budhcad badeeda ayey warbixintu sheegtay in ay sabab u tahay beesha caalamka oo Soomaliya iloobay 20-kii sannadood ee ugu danbeeyey, waxaana warbixinta lagu yidhi waxaa loo baahanyahay in maamulka cusub ee madaxweynaha la doortay ee maraykanku Barack Obama uu xoogga saaro sidii looga tirtiri lahaa isla markaana ammaanka bedda cas iyo gacanka cadmeed loo fulin lahaa, warbixintu waxay canaanatay siyaasadda madaxweyne Bush oo ay sheegtay in sannadkii 2005-tii saldhig militery oo ciidamada maraykanku ka samaysteen jamhuuriyadda Jibouti ku tallo galkiisuna ahaa in laga ilaaliyo Soomaaliya argagixiso soo geli karta aanu hawshiisa gudanin.

 

Haddaba Weriyaha barnaamijkani sii daynaayey ayaa wuxuu weraysi la yeeshay Susan Rice oo ahaan jirtay kaaliyahii wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsanayd waaxda afrika wakhtigii maamulkii Madaxweyne Clinton isla markaana Madaxweynahii hore ee Somaliland alla ha u naxariistee cigaal kula kulmay Washington sannadkii 1988-kii mar uu socdaal ku yimid dalka maraykanka, imikana lagu wado in loo magacaabo lataliyaha ammaanka qarranka maraykanka ayaa waxay tidhi "khaladka ugu weyn ee adduunyadu ka gashay Soomaaliya waa in laga dhigay meel la iloobay oo aan sidii loo baahna loola tacaamilin".

 

Mrs Rice oo hadalka sii wadata waxay tidhi "wakhtigii maamulkii Madaxweyne Clinton qorshaha wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanku kula tacaamilaysay Soomaaliya wuxuu ahaa mid diblomaasiyadeed oo aanu u maraynay qaramada midoobay, midda keliya ee aanu qoomamayna waxay tahay in aanu maraykanku si toos ah u taageerin goobaha ammaanka ah ee ku naaloonaayey xornimada" ayey tidhi Miss Susan Rice.

 

Iyadoo hadalka sii wadata waxay tidhi "markaan arrinta Soomaaliya iyo dhibta ka taagan aan dib u eego waxaan xasuusta hadal na dhex maray aniga iyo Madaxweynahii hore ee gobolka xornimada ku dhawaaqay ee Somaliland madaxweyne cigaal sannadkii 1998-kii oo uu igu yidhi haddii furaha xalka Soomaaliya la doonaayo waa in dabka ka shidan soomaaliya laga bad baadiya Somaliland, runtiina waxaan u arka fursadda adduunyadu ilawday waa taasi, waana mid ay canaanteda leedahahay qaramada midoobay oo ay ahayd in Somaliland si buuxda loola dhaqmo".

 

Mrs Susan Rice oo la weydiiyey sida maamulka Obama usoo celin karo rajadaasi ay sheegtay waxay tidhi "sida dareenkaygu yahay maamulka xilka la wareegaya ee Barack Obama waxaa miiska u saaran in Somaliland la aqoonsado, waa hanaanka keliya ee diblomaasiyadeed ee xal loogu heli karo Soomaaliya, dabadeedna waa in loo adeegsado Somaliland goob maslaxad lagaga dhalin karo Soomaaliya" ayey tidhi Mrs Rice.

 

iyadoo Mrs Rice arrintaasi ka sii hadlaysa waxay tidhi "waa khalad laga gallay mid xuquuqda aadamaha iyo mida xeerarka caalamiga ah in goob nabdoon oo iyadoo aan beesha caalamka taageero buuran ka helin iyadu lugaha isku taagtay kuna dhaqantay hab dimuqraadi ah loola dhaqmo sida mid ka mid ah kooxaha ka jira koonfurta soomaaliya, waa in adduunyadu ka qaado cunaqabataynta ay ku hayso Somaliland" ayey tidhi Mrs Rice

 

sidoo kale waxay Mrs Rice eed usoo jeedisay maamulka Madaxweyne Bush oo ay sheegtay in aanu ula dhaqmin siyaasadda Soomaaliya si masuuliyadi ku jirto, waxaana ay Mrs Rice ka hadashay ajande ay dhawaan ku kala qaybsameen waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka iyo waaxda gaashandhiga ee maraykanku oo taabanaysay aqoonsi la siiyo Somaliland waxay tidhi "maamulka Madaxweyne Bush waxay ula dhaqmeen Soomaaliya si aan masuuliyad badani ku jirin, waxaan ka qayb gallay dood ay soo qaban qaabiyeen waaxaha gaashandhiga iyo arrimaha dibadda ee maraykanku oo lagaga hadlaayey in Somaliland aqoonsi la siiyo xal uu u noqon karo arrinta Soomaaliya anigu runtii fekerkaasi waan la dhacsana, balse waxaad mooda in waaxahii maamulka Bush ay muran ka dhaliyeen arrintaasina noqotay uun wax dood gasha" ayey tidhi Mrs Rice.

 

barnaamijkani oo aad u dheera waxaa sidoo kale lagaga hadlay fal ay kooxaha alshabaab ee la dagaalamaya ciidamada Cabdilaahi Yuusuf iyo Ethiopianku ay kula kaceen gabadh la sheegay inay da'deedu ahayd 13 sanno jir oo lagu magacaabi jiray Sam-sam oo ay dhagax ku dileen magaalada xeebta ah ee Kismaanyo iyagoo ku edaynaya inay sinaysatay, waxaa arrintaasi fal waxshinimo ah ku tilmaamay John Kerry oo ka tirsan guddida arrimaha dibadda ee senateka maraykanka horana u ahaa musharaxii madaxtinimada ee sannadkii 2004-tii u tartamaayey xisbiga dimuqraadiga, wuxuuna sheegay in haddii xaaladda Soomaaliya lagu eego kooxaha argagixisada ah ayuu yidhi ay Soomaaliya xaaladeedu ka dari doonto tii afghanistan ee kooxaha argagixisadu saldhigyo ka dhigtaan.

 

waa markii ugu horaysay ee maraykanku si toos ah uga hadlo mawqifka ay ka taaganyahiin aqoonsi buuxda oo Somaliland la siiyo, Mrs Susan Rice oo lagu wado in dhawaan Madaxweynaha la doortay ee maraykanku u magacaabo la taliyaha ammaanka qarranka ee dalka maraykanka oo ah xilka labaad ee ugu miisaan weyn dalka maraykanka marka laga reebo xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa markii ugu horaysay waxay shaaca ka qaaday in maamulka Madaxweyne Obama ay miiska u saarantahay in arrinta qaddiyadda madax banaanida Somaliland lagaga hadlo guriga cad ee dalka maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

barnaamij dheer oo xallay laga sii daayey telefishanka maraykanka ah ee CBS ee xaruntiisu tahay magaalada Newyork ee dalka maraykanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee waddankii
la isku odhan jiray Soomaaliya

Any link or source sxb, would be nice to watch the video of CBS News.

 

 

Tried to find the CBS prgrammes on last night, failed it, maybe you could help adaa iga fara-dhuubanee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool.....Canaantay The UN. Obama already said there should only be one president so goormuu wax canaantay maba la wareegin xafiiskee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

the lady on the show is called Susan Rice and she will be foreign policy advisor, so i think what she says is very important.

 

one thing is certain with the tfg lot on the brink and piracy all time high and shabaab terrorist taking over somalia i believe soon within the next two years there may be large international millitary operation, in somalia.

 

but we wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

loool.....Canaantay The UN. Obama already said there should only be one president so goormuu wax canaantay maba la wareegin xafiiskee?

yeah afcourse somalia should have one president and not 2 adde muse and abdilahi yusuf waxasi wax suurta gall maha

 

Somaliland all ready have one president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

quote: barnaamij dheer oo xallay laga sii daayey telefishanka maraykanka ah ee CBS ee xaruntiisu tahay magaalada Newyork ee dalka maraykanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee waddankii
la isku odhan jiray Soomaaliya

Any link or source sxb, would be nice to watch the video of CBS News.

 

 

Tried to find the CBS prgrammes on last night, failed it, maybe you could help adaa iga fara-dhuubanee.
As usual what is posted on here is fabricated. They are referring, I do think, the 60 Minutes program, who did an interview with Obama and broadcasted on last Sunday. On the second segment of the interview, which mainly deals about his family, there is nothing about Soomaaliya as well. Not even Afrika.

 

If you check the link's official transcript, I don't see anywhere ee kaga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, let alone Waqooyi.

 

Mise they saw a news segment that we don't know. It should be there somewhere on CBS site then.

____________

 

Edited: I did find the article ee ka hadlaayaan. Here it is. I guess the two sentences about Waqooyi Galbeed kaga hadlaayaan soo jiidatay our separatist friends.

 

The article, however, was originally published by The New Republic magazine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Such haters, going great lengths to prove S/landers wrong...Socda waryaada gurigiina hagaajista, Obama canaantuu dhiibay waad aragteen yaan idinkana la idin canaanan e...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this