Sign in to follow this  
General Duke

Somali President returns the motion back to the parliment: Uses the constitution

Recommended Posts

Nairobi:Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu celiyey baarlamaanka KMG ah qorshihii ku aadanaa keenitaanka ciidammo nabad ilaalin ah ee Soomaaliya ,xaqse ma u leeyahay?

- Sunday, March 20, 2005 at 17:43

 

Nairobi(Allpuntland)-Wararka aan ka helayno ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu qoraal u qoray baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ,isagoo ku soo celiyey go'aankii muranku ka dhashay ee dhowaan guddoomiyaha baarlamaanku sheegay in la ansixiyey diidmada keenitaanka ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda wadammada safka hore,taasoo Ra'iisal Wasaaraha DFKMG ah mudane Cali Maxamed Geeddi uu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo aan sharci ahayn.

 

Si kastaba ha ahaatee iyadoo aan la fiirin sharci ahaantiisa ama qalad ahaantiisa ayaa madaxweynaha DFKMG ahi waxa uu u cuskada qoraalkaan uu u qoray baarlamaanka qodobka 36aad ee Axdiga KMG ah oo qoraya sidan:

 

-Marka Golaha shacabku uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.

 

-Madaxweynahu labaatan iyo kow(21) maalmood gudahood ,marka sharciga loo soo gudbiyey si uu u ansixiyo sida ku qeexan qaybta (1),waxaa uu u cadaynayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogolaaday ama diiday sharcigaas.

 

-Haddii Madaxweynuhu diido inuu ansixiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14)maalmood gudahood,wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga bedelo uu u gudbinayaa Guddoomiayaha Golaha Shacabka.

 

-Golaha Shacabku wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyagoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna:

 

a)Ogolaanayaan soo jeedinta Madaxweynaha iyagoo wax ka bedelay ama aan wax ka bedelin,kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado,ama

 

b)Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yarayn 65% xildhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynuhu ogolaan doono sharciga afar iyo toban maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.

 

-Faafinta Sharci uu sameeyey Golaha Shacabku ma dhaqan geli karo ka hor inta aan lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowladda.

 

Haddaba waxaa laga sugayaa jawaabta ku aaddan soo celinta madaxweynaha ee go'aankii ansixintiisa sharci ahaan muranku ka taagnaa ee u dhowaan Guddoomiyaha baarlamaanku sheegay inuu muuqaal ahaan ku ansixiyey gacan taag uu ku sheegay in intii badnayd ay gacanta u taageen diidmada keenitaanka ciidammo ka socda wadammada safka hore,xilli uu buuq iyo dagaal ka dhex socdey baarlamaanka dhexdiisa.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu Golaha Baarlamaanka uu ku ceshay Go'aankii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

Nairobi :- Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Qoraal ku aadan Go'aankii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhaawaqay Khamiistii lasoo dhaafay ayadoo Madaxweynaha cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed oo sheegay in uu adeegsanayo awooda Dastuuriga ah ee Madaxweynaha in uu ka codsanayo Baarlamaanka Soomaaliya inuu markale ka doodo Go'aankii la xariiray Mooshinkii dowlada Soomaaliya ku codsatay ciidamada nabad sugida ee shisheeye.

 

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulankii ay mooshinkaasi ka yeesheen khamiistii lasoo dhaafay uu ku dhamaaday dagaalka iyo gacanka hadal keenay in ay dhaawacmaan qaar kamid ah xildhibaanada.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo asagu ku dhawaaqay in Golaha uu codkiisa u batay in aan la keenin ciidamada safka hore ayaa hada waxaa loo gudbiyey codsigan ka yimid Madaxweynaha oo uu ku codsanayo inuu dib ulla noqdo go'aankaasi.

 

Arrintan ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Nairobi ayadoo ay dadka isweydiinayaan sida ay u suurto geli karto in markale Baarlamaanka uu ka doodo Mooshinkii keenay in golahaasi uu dhiig ku daato.

 

Waxaa ayaguna jira xubno kale oo kamid ah Baarlamaanka oo isweydiinaya muhiimada ay leedahay dood cusub oo Baarlamaanka ka yeesho ciidamada safka hore ayadoo ay IGAD go'aansatay Jimcihii lasoo dhaafay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Sudaan iyo Yugaandha.

 

Waxaa ayaguna jira kooxo kale oo sheegaya in go'aankii uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha uu yahay mid aan la qaadan karin maadaama uu dagaal ka dhacay Baarlamaanka wakhtigii codka la qaadi lahaa isla markaana go'aanka Guddoomiyaha uu yahay mid u baahan in dib loogu noqdo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaan asagu weli wax war ah ka soo saarin codsiga iyo qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo asagu sida dastuurka qorayo awood u leh codisgan uu hada soo saaray.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The MPs said once they start leaving Nairobi any day this week, they will give Yusuf 45 days to join them in Mogadishu, failure to which they will assume he has relinquished his position and "Act Accordingly".

 

The Speaker of Somalia Parliament, Mudane Shariif Hassan Sheikh Aden, is the one sources say was leading the renegade MPs.

I eagerly wait what will be Cabdulahi Yusuf's retort to this.

 

Duke, do you now see that Cabdulahi/Gheedi opened up a pandoras box by accusing the noble Shariif?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Horn the noble Sharif damaged himself by his actions which the whole world saw as a sign of incompetence om his part. The MP's who spoke to the kenyan paper are the usual suspects, Jini, Casha and few others who if they want are free to relocate to Xamar at this time.

 

As for the reply the cabinet has decided today relocate temporarely to Baidoa and Jowhar at the same time the PM will open up an office in Mogadishu.

 

I am sadened by the infighting between the PM and Parliment speaker, insha Allah it will be resolved soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

noble Sharif damaged himself by his actions which the whole world saw as a sign of incompetence om his part.

^^^Loool I think sxb you assume the 'whole' World's eye circles around that of yours and Yeey. Wake up Duke and start believing things are crumbling around your 'mesiah'... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

OK let me speculate what is likely to happen if this threat of these MPs materialise. Half or less than that will relocate to Mogadishu claiming to have impeached the president and nominte another president, the other half of the MPs and the president, the primeminster will relocate into Baidoa and Jowhar. The latter group will vote to bring IGAD troops to the country including Ethopia and after few months will vow to return low and order and will attack Mogadishu with full force. There will be bloody war ofcourse and many Somalis will die. The situation will then depend on if some group of the two come out as a winner, if not things then go back to square one and new warlords will emerge taking the country into further fiefdoms. Let us pray we never wake up into this scenario and these ****** sort things out for the sake of the poor people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu celiyey baarlamaanka KMG ah qorshihii ku aadanaa keenitaanka ciidammo nabad ilaalin ah ee Soomaaliya ,xaqse ma u leeyahay?

 

 

Sideedaba waxa aytahay in uu madaxweynaha iyo baarlamaanku ilaaliyaan dastuurka iyo sidii markii horeba uu baarlamaanku go'aamiyay. Madaxweynuhu xaq ayuu wax badan u leeyahay balse xaq umalahan inuu go'aankii ka soo baxay baarlamaanku is badel ku sameeyo, tani waxay abuurikareysaa bubur ku yimaada dastuurkii u yaalay baarlamaanka. Anigu waxaanan garan u jeedada uu madaxweynuhu ka leeyahay dib u soo celinta arintan, ma waxa uu doonayaa inuu ku soo daro Ethopia, or inuu u helo fursad uu ku keeno ciidamo Ethopian ah? Mise la ii sharxikaraa his motives ee ku aadan arinta ah inuu keeno Ciidamo Ethopaian ah dalka. Waxaan jeclaanlahaa inaan maqlo madaxweynahay oo ka hadlaya arintaan oo aan dhagaheyga ku maqlo rabitaankiisa ku wajahan arintan ayada ah..

 

 

Salaama Ka Dheh:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

OK let me speculate what is likely to happen if this threat of these MPs materialise. Half or less than that will relocate to Mogadishu claiming to have impeached the president and nominte another president, the other half of the MPs and the president, the primeminster will relocate into Baidoa and Jowhar. The latter group will vote to bring IGAD troops to the country including Ethopia and after few months will vow to return low and order and will attack Mogadishu with full force. There will be bloody war ofcourse and many Somalis will die. The situation will then depend on if some group of the two come out as a winner, if not things then go back to square one and new warlords will emerge taking the country into further fiefdoms. Let us pray we never wake up into this scenario and these ****** sort things out for the sake of the poor people.

What I predicted happened after two years!!!Did I dream on it, asked myself. Or may be I should change my career and become a political analyst?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this