Sign in to follow this  
General Duke

Have Abdiqasin and Adow made a deal with Abdullahi Yusuf?.Other News from SNRC

Recommended Posts

Dr.Cabdiqaasim Salaad iyo Cabdulaahi Axmed Cadoow oo isbaheysi hoose lagalay Col .Cabdulaahi Yuusuf Axmed .

Nairobi

 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraayo magaalada Nairobi in ay isbaheysi hoose lagaleen labada masuul aan kor ku soo sheegnay Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo asagu ah ninka kaliya ee ugu cad cad dhinaca beesha ******* xaga tartanka .

 

Labada Masuul ayaa moodaa in ay quudareynayaan n in ay la xirtaan Col.Cabdulaahi yuusuf heshiisyo hoosaadyo ka dib markii ay arkeyn in rajadoodu siiyaraneyso xaga ku guleysiga darajada ugu sareyso ee dalka .

 

Dr Cabdiqaasim Salaad ayaa goor hore heshiis hoosad la galay Col. Cabdulaahi Yuusuf in ninkii ku guleysta labadooda midka kale ka dhigo Wasiirka Koowaad taas oo keyntay in Cabdulaahi Axmed Cadoowna raadsho heshiiska Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed asagoona ka dhaadhicinaya in reer Gaalkacayo helaan labada jago ugu sareyso wadanka ,asagoona u soo jeediyey in kii codkiisa yarado kan kale ugu shuba codka si aynan u lumin fursada qaaliga ah ey heley dadka ku abtirsada golada Mudug .

 

Col. Cabdulaahi yuusuf ayaad moodaa in loo soo kala dhuumanaayo si ni uu asagu haayo awooda dalka

 

Dhanka kale Isbaheysiga Samata bixinta Qaranka ayaa ku eedeeyey Dr. Cabdiqasim Salaad Xasan in uu ku biirey golaha SRRCda hadana uu kamid yahay raga u ololeynayo in jagadasi ku guleystaan isbaheyga SRRC, asagoona horey heshiis u lagalay Col. Cabdulaahi Yuusuf Hadana la heshiiyey Raga ugu cadcadaa golahasi Sida Maxamed Dheere iyo Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil.

 

 

Heshiisyadaan ayaa loo aaneynayaa in ay wado dowlada Itoobiya si ay ugu guleysto hadafkeydii ahaa in ay talada dalka Soomaliya gacanta ku dhigaan golaha SRRCda

 

 

 

webmaster@dayniile.com

 

www.dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuseen Aydeed speaks out against Abdullahi Ahmed Adow, reaction from this is the article below...

 

............................................................

Xildhibaan Xuseen Ceydiid Oo Wareysi Siiyay Idaacadaha Muqdisho Qaarkood.....

 

 

Hobyonet.Muqdisho.Axad Oktoobar 03,2004.

 

Xildhibaan Xuseen Caydiid ayaa waraysi uu siiyay xalay qaar ka mid ah raadiyayaasha Muqdisho ku sheegay inuusan marnaba aqbali doonin in madaxweyne loo soo doorto Dr. C/lahi Axmed Cadow. Wuxuuna ku eedeeyay Cadow inuu yahay nin dambiile ah oo wadanka qiyaanay maadaama uu la soo shaqeeyay taliskii hore. Wuxuna cadeeyay inuu halganka halkiisa kasii wadi doono hadii la soo doorto Cadow. Waa markii labaad ee Xuseen Caydiid uu warbaahinta u sheego inuusan aqbali doonin madaxtinimada Cadow, isagoo aan wali magacaabin qof kale oo uu diidan yahay madaxtinimadiisa. Dhanka kale mar wax laga waydiiyay kulamo uu dhawaan la yeeshay C/qasim Salad Xasan iyo inay samaysanayaan isbahaysi cusub ayuu sheegay Xuseen Caydiid inaysan wax dhib ah ku jirin inuu la kulmo C/qasim Salaad xasan maadaama uu yahay “nin abtigay ahâ€.

 

Waa yaabee Abtiga uu sheegayo iyo ninka uu ka tala qaato ee Puntland waa Col Cabdullahi Yuusuf, labaduba sow kama dembi badna Dr.Cabdullaahi Axmed Cadow , Dadka reer Muqdisho ayaa sidaa yiri, iyagoo hadalada Ina Ceydiid ka soo yeeray u arkayaan kuwa maadeys ah oon micna dheer sameyneen, lagana filan karin nin siyaasi ah ama hogaamiye kooxeed ah, waxayna hadalkoodii ku soo

gebagabeeyeen Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada u dhashay Somaliland oo ka digay Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi Yusuf.

 

 

Somaliweyn.com( Nairobi 02/10/04)

 

Xildhibaanada ka soo jeeda dirta woqooyi ee Soomaaliya ama Somaliland ayaa dhamaantood waxaa ay ku tilmaameen labo musharax in aysan xiligan wada hadal la gali karin maamulka Somaliland oo loo baahanyahay in wada xaajood lala galo marka la dhiso dawladda cusub ee madaxwayneheeda loo balansanyahay 10ka bishan.

 

Waxaa kaloo ay tilmaameen in loo baahnyahay shakhsiyado cusub oo bulshada rayidka ah sida shariif xasan oo ah gudoomiyaha Baarlamanka iyo Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiyaha labaad ee baarlamanka soomaaliya.

 

Xildhibaanada ayaa ku sheegay labadan musharx in ay kala yihiin Col. Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan oo labaduba kamid ah siyaasiyiinta aad uga soo horjeeda maamulka somaliland isla markaan marar badan uu dhex maray khilaaf siyaasadeed.

 

Xildhibaanadan waxaa ay sheegeen in ay muhim tahay xiligan in dalka Soomaaliya uu hogaamiye shakhsi ka bad qaba bur burkii dalka iyo siyaasad xumo , isla markaan waxaa ay muhim ku tilmaameen in la helo hogaamiye wada wada hadal la gali kara Somaliland, aqoon iyo waaya aragnimana u leh siyaasadda Soomaaliya.

 

Mohamed Cali

Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tartanka jagadda madaxweynimada oo si rasmi ah hadda u bilaabantay ... 2/10/04

 

 

Iyadoo saadaashu ay horey ugu badnayd in musharaxiinta ay ugu cadcad yihiin labada musharax ee Cabdullaahi Maxamed cadow iyo cabdullaahi Yuusf ayaa arintan hadda u muuqataa in ay wax iska bedeshay..

 

Waxaa adag in la saadaaliyo cidda ku guulaysan doonto iyadoo xildhibaano aan la xidhiidhnay oonu weydiinay cida ay u codeenayaan ay noo sheegeen in weli aanay si rasmi ah u go,aansanin cidda ay taageerayaan.

 

Xog waraysi aanu soo ururinay ayaa sheegaya in ay isbedeli karaan aragtida xildhibaanadau ilaa saacada u dambaysa doorashada ka hor.

 

Eng. Maxamed Xuseen Cadow oo isagu gadaal kaga soo biiray musharaxnimadda madaxweynaha ayaa carcartan cusub la soo baxay taasoo u muuqatay in uu ka badaiyo rag markii hore la filayaya inay soo baxayaan.

 

Soo gelida Eng. Maxamed Xuseen ayaa ka naxiyay rag baddan oo ay isku beel ka soo jeedaan.

 

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qanayre Oo La sheegayo Inay C/llaahi Yuusuf Isku Khad Noqdeen

 

Xildhibaan Maxamad Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida aadka uga soo horjeeday Col C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa lagu soo warramayaa in uu haatan ku biiray safka C/llaahi Yuusuf Axmad .

 

Sida ay sheegayan wararka innaga soo gaaraya wadanka Kenya xildhibaan Qanyare waxay isweydaarsadeen Maxamad dheere oo markii hore isagu ku jeel ahaa C/llaahi Yuusuf Axmad, laakiin maalmihii ugu danbeeyay heshiis la galay C/qaasim salaad Xasan kaa oo ku saabsan in beesha ****** iyadu xaq u leedahay xilka madaxwaynimada Soomaliya, halka uu Qanyare ka qabo in cid kasta oo muwaadin ah xaq u leedahay xilkaa oo beel loo gooyay oo loogu talagalay aysan jirin .

 

Isbeddalkan cusub oo ka dhacaya saaxada siyaasadda ee madasha shirka Soomaalida ayaa u muuqda mid haatan aan la saadaalin karin oo laga yaabo kooxo shalay is lahaa inay manta is faaruqaan kuwii shalay is inkaarayana maanta isku waddo noqdaan sidaba haatan dhacaysa .

 

Col C/llaahi Yuuusuf waxa ay haatan isku dhinac yihiin Maxamad qanyare Afrax, C/caziiz Sheikh Yuuusuf, Cabdalla deeraw , Sheikh Aadan Madoobe ismaaciil Buubaa, Xuseen caydiid, xasan Abshir iyo xubno kale inkastoo laga yaabo in saacadaha ugu danbeeyo wax isbedalaan.

 

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

Budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Who cares anyway.

 

I just wish that they would get on with it.

 

This whole process is based on tactics of corruption, but i prefer corruption than anarchy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Rahima:

but i prefer corruption than anarchy.

the latter is a by product of the former, and vice versa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

Literally speaking true, practically though not always, and mostly takes time.

 

All politics around the world is full of corruption, yet not every country is in a state of chaos.

 

Corruption is only eliminated in a true Islamic state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dear Xaraago, the world is coming to see the Somali President.. :D

 

 

Madaxda Caalamka Ee Caleema-saarka Madaxweynaha La Dooran Doono....

 

Sida ay xusayaan wararka ka imanaya magaalada Nayroobi ee dalka Keenya waxa la filayaa in xafladda caleema saarka ee madaxwaynaha dawladda federalka ah ee cusub ee Soomaaliya ay ka soo qayb galayan madax caan ah oo ka kala imaan doonto dafaha adduunka.

 

Ilaa haatan madaxda lahadal hayo in ay ka soo qaybgalayaan xafladda caleema saarka madaxawynaha waxa ka mid ah xogahyaha guud ee Q.M mr Koiofo Anan , ogahyaha guud ee Jaamacadda Carabta mr Camar Muusa , Madaxwayanha waddanka masar Maxamad Xusni Mubaarak, madaxwaynaha Uganda Uwari , Suudaan Alabshiir, Jabuuti Ismaaciil Cumar Gele ,yaman Cali cabdalla Saalax, Liibiya Col Qaddaafi, midawga yurub iyo madax kale oo kakala socota dunida si ay goobjoog ugu noqdaan waxa ka dhacaya Nayroobi iyo dhalashada dawlada soomaalidu ku dhantahay oo looga saaro sharci darrida iyo fawdada in mudda ah haysatay.

 

Doorashada madaxwaynaha ayaa iyadu dhici doonto 10-ka bishan aynu ku jiron, iyadoo musharraxiin fara badan ay soo gudbiyeen dukumentiyadooda la xiriira xilkan ay isu soo taageen .

 

C/llaahi Kahadar, Goobjoog, Muqdisho

 

Budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this