Sign in to follow this  
Emperor

Xubin ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta DFKM oo caawa lagu dilay Baydhabo

Recommended Posts

Emperor   

C/llaahi Cabdi Cigaal oo ahaa Xubin ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta DFKM oo caawa lagu dilay Baydhabo

Posted to the Web Jan 01, 21:26

 

 

Baydhabo:-Waxaa caawa lagu dilay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarun ta Gobolka Bay C/llaahi Cabdi Cigaal oo ahaa xubin ka tirsan gudiga dib u heshii siinta DFKM.

 

Koox dhalinyaro ah oo ku hubaysan bistoolado ayaa toogasho ku dilay C/llaahi Cabdi Cigaal xili uu marayey meel aan sidaas uga fogayn Bangiga dhexe ee magaalada Baydhabo.

 

Ilaa hadda ma cadda kooxda dilka u geysatay C/llaahi Cabdi balse magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahaanba waxaa soo foodsaaray amni xumo iyadoo magaalada lagu dilay masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka magaalada Baydhabo iyo iyadoo weeraro lala beegsaday goobo ay degan yihiin xilibaano ka tirsan Baarlamaanka DFKM.

 

Waa dilkii ugu horeeyey oo lagu fuliyo xubin ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta Qaranka, gudigaan ayaa waxaa laga aasaasay magaalada Baydhabo waqtigii ay DFKM ay ka dhigteen xarun magaalada Baydhabo, dhacdadaan dilka ah ayaa timid ka dib markii gudaha magaalada Baydhabo lagu dilay mid ka mid ah Golaha Wasiirada ee xukuumada Nuur Cadde.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kulaalay xoogagga Islaamiyiinta oo iyagu gacanta ku haya inta badan Gobolka Bay iyo Bakool,Xoogagga Islaamiyiinta ay

weeraro joogto ah ku hay ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

 

C/casiis Axmed

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Baidoa's peaceful days and stability is long gone, now its becoming worser than Mogadishu, every single day a government official, an innocent business person or a senior citizen is murdered. Rabinna Yasahal!

 

Inaa Lilaahi wa Inaa ilayhi raajicuun, Alla yarxam marxuumka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Shabelle: BAYDHABO

Xubin ka tirsan gudiga dib u heshiisiinta dowlada KMG Soomaaliya ayaa xilkiisii iska casilay kadib markii nin ay isku darajo ahaayeen xalay lagu dilay degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

 

 

Kadib Markii magaalada Baydhabo ay ku soo bateen ugaasriga lagu hayo laamaha kala kidisan ee dowlada KMG Somaaliya ayaa waxaa sii wiiqmaya maamuladii gobolka Bay iyo gudayadii kala kidisanaa ee ka howlgalayay.

 

 

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay Sheikh Xasan C/laahi (Sheekh Xasan Gaab) oo isagu xubin ka ahaa gudiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa Shaaca ka qaaday in uu iska casilay xubinnimadii uu ka hayay gudigaasi.

 

 

Waxaa uu shirkiisa jaraa’id uu ka cadeeyay in maanta waxii ka dambeeya uu yahaya Shaqsi rayid ah oo reer Baydhabo ka mid ah islamarakaana aan wax shaqo ah ku laheeyn danaha dowlada KMG Soomaaliya,isagoo meesha ka saaray in aysan jirin wax talaabo ah oo uu qaaday gudigaasi oo uu ku eedeeya waxqabad la’aan.

 

Is casilada Sheekh Xasan Gaab ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa xili xalay fiidkii Bartamaha magaalada Baydhabo kooxo hubaysan ay ku toogteen C/laahi Cabdi Cigaal oo ka mid ahaa gudiga dib u heshiisiinta qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya,waxaana uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee ka tirsan gudigaasi oo shaqadiisa isaga taga.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka

 

 

 

 

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites

24-kii saac ee lasoo dhaafay oo Muqdisho iyo Baydhabo ay dilal kala duwan ka dhaceen.

 

Friday, 02 January 2009 11:24 BXM

Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamdi ah Dalka dilal kala duwan oo loo kala geystay dad katirsan shaqaalaha maamulka TFG-da.

 

Habeenkii xalay ayaa waxaa gudaha magaalada Baydhabo lagu dilay C/llaahi Cigaal oo kamid ahaa guddiga dib u heshiisiinta Maamulka TFG-da xilli bartamaha magaalada uu kusugnaa, waxaana dilkaasi geystay 3-ruux oo bastoolado ku hubeysan.

 

Sidoo kale maanta ayaa waxaa iska casilay xilka xubinnimada Guddiga dib u heshiisiinta mas’uul katirsanaa oo Baydhabo kusugan kaasi oo sheegay in uu isaga casilay kadib markii dilalka ay kusoo bateen Baydhabo guddigana hawshiisa uu gabay.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda Degamada Xamar weyne ayaa saakay lagu dilay gudaha degamada Xamar weyne, waxana dilkaasi u geystay labo ruux oo bastoolad ku hubesneyd waxaana markii dhuunta laga geliyay xabadda uu ku cararay guri halkaasi oo uu ku qurbaxay.

 

Ninkani oo lagu magacaabo Maxamed Xasan ayaa horey dhowr jeer loogu hanjabay sida ay GOOBJOOG u sheegeen qaar kamid ah eheladiisa lakin uu ka dhega adeegay, waxaana haatan kahor lagu weeraray Bam gacmeed uu ku dhaawacmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another one from Somaliland ,,,,, Let them all die in the same way.

 

That is what you get when you abandon your country and run to another one that is giving you a shot as a reward.

 

 

WHO IS NEXT ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

War dadkan cuqdada iyo xumaanta kujirta waynin badanaa, miyaa lagu soo ababidyay waa yaabee!

 

Qof Muslin ah oo xaqdaro lagu dilay, ilahay ha unaxariisto waxaan ahayn miyuu mudanyahay in ladhoho fikradi siyaasadeed uu doonaba ha aaminsanadeee... dhaqtar aada ilahay cafimaad ha idin siiyee.

 

As for the Marxuum, Ilaahay Ha unaxariisto, Aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khaa'inul wadan doesn't deserve a mercy from his people sxb ,,,,,, they are traitors and they will all die in that way if they don't repent and come back to their country.

 

 

Allah ha u naxariisto muslim oo dhan .......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer you are khaa'inul wadan to us and also from the departed bother's point of veiw. Who has more right to judge of what some else is, who gave you the authority to convict one as Khaa'nul and on what capacity, make your argument bal Mr confused seccessionist...

 

On what bases do you consider him to be a traitor-Somalilader, surely he had believed in the Unity and was pro-Somaliweyn, mase Sheekadu waa his clan is from Hargeisa and hence a Somalilander and his thoughts matters less ... the clan-fiefdom.

 

FYI, no such thing as SL. Marka cudurka iyo xiqdida dadka dhintay aad uqabtid xataa waxbuu iska ahaan lahaa hadii SL wax layira laguu ogyahay, wax laga xishooda jira ee baro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

inaalilaai wa inaa ilaai raajicuun

 

alooow unaxariiso marxuumka.

 

lakiin farbaa iitaagan why labo ruux iskumeelkasoo jeedo loogu dialya meesha ????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto. Confused lot wishing mayhem for Somalia so that they can get recognized. For this alone you do not deserve recognition and you will surely lose the peace if you keep wishing death for others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto marxuumka.

 

In a matter of one week, two people were shot dead in Baidhabo, and the two happened to be from same clan, one after another... aheey,,, can one say that a pure coincidence? I dont think so. Today's Somalia the chance for anyone including Yeyisters or even the secessionists or any anyone else can hire assassin(s) to eliminate anyone that they dont like is HIGH especially under the cover of darkness & lawless that South Somalia finding itself in these days. So in short blame on anyone else but please dont blame it on Alshababs this time around.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this