Sign in to follow this  
Juje

Abuu Mansuur oo si dirqi uga fakaday qarax

Recommended Posts

Juje   

Abuu Mansuur oo si dirqi uga fakaday qarax xalay gil gilay Xarun Caafimaad Shabaabka ku lahaayeen Bakaaraha

 

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa qarax xoog leh oo xalay bur buriyay xarun caafimaad oo Al-Shabaab ku lahaayeen suuqa weyn ee bakaaraha, waxaana wararka horu dhaca ee soo baxaya sheegayaan in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Shabaabka

Qaraxa oo ahaa Miino la rumeysan yahay in ay tiil xarunta ayaa gebi ahaanba ay bur burisay, waxaana inta la og yahay ku dhintay ilaa saddex ruux oo ka tirsan Shabaabka halka toban kale ay ku dhaawacmeen.

Guriga uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow Suuqa daawada ayaa ahaa goob caafimaad ay lahaayeen Al-Shabaab, iyadoo uu qaraxu dhacay daqiiqado kadib markii uu goobtaas ka tagay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Shabaabka

Lama oga qarax qaabka uu yahay iyo sababaha uu u dhacay, waxaan wararka qaar ay tilmaamayaan in uu ahaa miino Isbitaalka u taalay Al Shabaab iyadoona warar kale ay tibaaxayaan in weerar uu ahaa qaraxa.

Xoogaga Shabaab oo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa nawaaxiga halka qaraxu ka dhacay, iyadoo dadka u diiday in ay maraan, waxaana suuqa daawada ee bakaaraha maanta uu yahay mid aanay wax shaqo ah ka jirin.

Dadka ayaa loo diidayaa in ay maraan wadada guriga ku yaalo, sababo ku aadan in aanay macluumaad uga helin, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Alshabaab oo ku aadan qarax.

Ma jirto ilaa iyo iminka war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha shabaab ee ku aadan qaraxa ay ku le'deen, kaas oo gebi ahaanba bur buriyay goobtii ay lahaayeen, waxaana magaalada si weyn looga hadal hayaa qaraxaas.

 

Xafiiska wararka midnimo webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.comcom

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Qarax xoog leh oo bur buriyay xarun Saraakiil ka tirsan ku lahaayeen Suuqa Bakaaraha

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo bur buriyay Hoy Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab ku lahaayeen Suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu sheegay in ay aheyd goob caafimaad oo ay si gaar ah u leeyihiin.

Wararka ku aadan qaraxan oo isa soo taraya ayaa sheegaya in qaraxa oo loo maleynayo in ay ka dhasheen walxo qarxa oo goobta yaalay ayaa waxay galaafatay ugu yaraan labo ka tirsan xoogaga Shabaab iyo dhaawacyada 10-kale.

Guriga qaraxu ka dhacay oo ku yaala bartamaha Suuqa Bakaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu dhulka ku darsamay, waxaana ka hor inta uu qaraxu dhicin goobta ka baxay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Lama oga in qaraxa ahaa mid la dhigay goobta oo loogu tala galay in lagu qarxiyo iyo inuu ahaa walxo qarxa oo si farsamo xumo u qarxay, ha yeeshee markii qaraxu dhacay ayaa Suuqa Bakaaraha lagu arkayay Xoogag ka tirsan Shabaabka oo isku gadaamay goobta si aan macluumaad looga ogaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Shabaab oo ku aadan qaraxa ka dhacay, waxaana arrintan si aad ah looga hadal hayaa Suuqa Bakaaraha oo qof walba ay si hoose uga hadlayeen dhacdadii xalay.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ha dhinto ma dhaheen lakin xoogaa dhaawac ah inuu odayga gaadho bey aheyd si uu ogaado xanuunka qaraxyada uu ku sameeyo dadka masaakiinta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^^

i think that is not far away Zack - there is a big and heavy feud within Shabab themselves and this goes beyond the Jordanian who was killed in North Mogadishu about a week ago.

Last nite explossion was not an error and it happened inside a building resided by Shabab inside suuqa Bakaraha - and it happened just about as Mansoor was to enter the building.

Coincidence is no longer an excuse in here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Haa Maaddeey weey qaxeen goor hore. Dee kuwani hadda nin bakaaraha cimaamad ku illaawey ayey wehel u ahaayeen. Cimaamad la'aantu waa mushkilee ma garatay? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Jacphar, waxba kama jiraanoo,waxay isaga bareejeynaayaan qaraxii Xalane

Waxan ku maleyn jirey mise waxa aad igu noqotey mise waxa aan mar dambe lo noqon donin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

Halkaan Madeey ah tartiib-tartiib ayuu u soo xuubsiitay. Hadda warkiisu wuu cad yahay balse weli kalsoonidaa ka xun. Aaway shaakirullaah & war kii kale muxu ahaa magaciisa ayaantan wuu maqan yahaye haa Kashafe raggaas hadduu mar isku heli lahaa show zone dhan ayeey SOL ka xiran lahaayen.. wada cimaamad guduudan Xiin & Jacphar iwm meesha malagu arkin lahaayn waa la didin lahaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this