Sign in to follow this  
Che -Guevara

Faysal Cali Waraabe on Shiekh Sharif

Recommended Posts

Faysal Cali Waraabe “Sheekh Shariif wuxuu ka damqan lahaa Haweenka Yaanyada iibiya ee maalin walba ciidamada AMISOM ay ku xasuuqayaan Suuqayada ”

 

Faysal Cali Waraabe oo dhawaan looga guuleystay doorashooyinkii ka dhacay maamulka Somaliland ayaa wax laga weydiiyey xaaladda Soomaaliya iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub ee la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in ninka uu soo wado uu yahay nin dambiyo waaweyn ka galay maamulka Somaliland iyo waliba isagoo qayb ka ahaa dadkii ka dambeeyey xasuuqii ka dhacay deegaanka Jaziira xiligii uu madaxda ahaa Max’ed Siyaad Barre, waxa uuna Faysal Cali Waraabe uga digay Sheekh Shariif in ninkaasi uu u magacaabo ninkaasi Ra’isul Wasaare isagoo sheegay in uu dambiyo ka galay ummadda Soomaaliyeed.

 

“Waxaa wanaagsanaan lahayd in uu Ra’isul Wasaare u magacaabo nin aan dalka iyo dadka dambi ka gelin ummaddana samatabixiya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo wax laga weydiiyey sida uu u arko dadka xubnaha ka ah Dowladda Sheekh Shariif ee ka soo jeeda Gobalada waqooyi waxa uuna yiri “Dadkaasi waa kuwo dhankaas u shaqo tagay, marka wax la yaab leh ma ahan in ruuxu uu u shaqo tago meeshii ay dantiisu ku jirto”, sidoo kale Faysal ayaa wax laga weydiiyey sida uu u arko Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uuna yiri “Taariikhda baal madow ayuu ka galay, waayo waxa uu ka damqan waayey Haweenka yaanyada ku gada suuqa Bakaaraha ee ay maalin walba madaafiicda la dhacayaan ciidamada Afrikaanka ah”, waxa uuna sii raaciyey “Xitaa waxa uu hilmaamay aakhiradiisii, waayo waxa uu noqday madaxweyne aan warba ka hayn bulshadiisa balse maalin walba dalxiis ku mara adduunka”.

 

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa ku hawlan sidii uu u soo magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare cusub oo bedela Ra’isul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, waxaana xilka ra’isul wasaarenimada isku haysta xubno fara badan, waxaana ugu cad nin la yiraahdo C/qaadir Xaaji Cali Diini, sidoo kale waxaa ku jira ragga ugu cad cad nin la yiraahdo Saacid waxaa kale oo ka mid ah nin la yiraah C/qaair Iraad iyo ninka haatan sii haya xilka Ra’isul Wasaarenimada C/waaxid Cilmi Cumar Goonjeex iyo ninkale oo isna lagu magacaabo Siciid Qoorsheel, waxaana xarunta Madaxtoonyada ka socda olole aad u weyn oo ku aadan magacaabista Ra’isul Wasaaraha, waxaana Sheekh Shariif soo gaaraya fariimo fara badan oo uga imaanaya dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, iyadoo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif la sheegay in uu si aad ah ugu jahwareersan yahay magacaabista ninka uu u xulan lahaa ra’isul wasaarenimada Soomaaliya, waxayna maamulka Puntland laga soo xigtey in ay sheegeen in haddii aan la siin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka.

 

W/D Aiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hebel Waraabe waa soo dibcay. Finland muu kusoo neefsaday mise the reality uu ogaaday miyaa. He sounds like almost a moderate, a reasonable guy. Wixii lagu yaqaanay waa iska dhaafay. Good for him and unlike maraxaan ay isku hadal ahaan jireen oo wali qabyaalad ka korin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Allah ha u naxariisto intee ku dhimatey gacanta AS iyo hubka AMISOM tuurto.

 

Dadku maxayse u dhex taagan yihiin suuqaan maalin walba? waa yaab runtii.

Ugandeeskaasna Bajiye la dhaho waa in xilka laga bedelaa maxkamadna la horkeeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this