Sign in to follow this  
Juje

Sheekh Xasan Daahir Aweys “ siyaasadeenu waa in dagaalada aan sii wadnaa...

Recommended Posts

Juje   

Sheekh Xasan Daahir Aweys “ siyaasadeenu waa in dagaalada aan sii wadnaa ilaa dowlad islaami ah ay ka helayaan shacabka Soomaaliyeed”

 

xasan-daahir0.jpg

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu maanta sheegay in dagaalada ay sii wadayaan ilaa dowlad islaami ah ay ka dhalato dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta waxaa uu ka warbixiyay sababaha ay u dagaalamayaan Ururka Xisbul Islaam xili uu ka hadlayay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururkaasi islamarkaana ay kula kulamayeen odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay Ururka Xisbul Islaami u dagaalamayaan ay tahay sidii dalka Soomaaliya loogu heli lahaa dowlada Islaami ah oo ay ku kalsonyihiin shacabka Allana uu raali ka yahay.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Mar uu soo hadal qaaday wadahadal ay galaan Ururka Xisbul Islaam iyo dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladaani ay horay u soo dhiseen dad aan ka shaqeynayn Masaalaxada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay islamarkaana ay iyagu ku qanci karaan oo kali ah in Soomaaliya ay yeelato dowlad Islaami ah inta laga helayana ay dagaalka sii wadayaan Ururka Xisbul Islaam sida uu carabka ku dhiftay.

Inkastoo gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys uu hoosta ka xariiqay in ilaa ay ka garaayaan ulajeedka ay u bilaabeen dagaalada ay sii wadayaan dagaalada ayaa hadana inta badan dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa ay u badanyihiin in ay wadahadal la galayaan xoogaga ay isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho oo ay qeyb ka yihiin Ururka Xisbul Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xaq   

I don't understand this man. I have been trying to figure him out for the last few months. I don't know where to start.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ninkaan waa HALGAMAA WAYN!, waa Daacad qabyaalad ka fog, mintid hal adag oon aqoonin "LA JIIFIYAANA BANNAAN".

 

Dagaallada wuxuu ku soo jiray 1/3 cimrigiisa, mabda'iisa ayuu ku sigtay in loo dal-dalo (toogto), muddo badanna u xirnaa.

 

Dagaalkii 77, wuxuu ciidanka ku boorrin jiray inay salaadda tukadaan si Ilaahay guul u siiyo, hadday dhintaanna Jannadii galaan.

 

Asagoo kale,waa ragga Taariikhda lagu xuso,waase haddaan taariikhda la qal-maroojin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Asagoo kale,waa ragga Taariikhda lagu xuso,waase haddaan taariikhda la qal-maroojin.

Adaba hada qal-maroojinaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Maaddeey:

Ninkaan waa HALGAMAA WAYN!, waa Daacad qabyaalad ka fog, mintid hal adag oon aqoonin "LA JIIFIYAANA BANNAAN".Dagaallada wuxuu ku soo jiray 1/3 cimrigiisa, mabda'iisa ayuu ku sigtay in loo dal-dalo (toogto), muddo badanna u xirnaa.

Halka kan ayad ka qal-maroojisey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol.........dagaalka halla wado, muxuu ceelasha biyaha ka samaynayaa oo dumarka iyo carruurta qaxay ugu gabbanayaa hadduu dagaal gelayo...? Intuu ilmihiisiina nabad iyo Cairo geystey buu dadka Soomaaliyeed inuu dhammeeyo rabaa...Alshabaab baaba hadda ku daba jirto oo isagaa dhib kale haystaa!

 

lol...Maaddeey...dagaalkii 77? I heard he was askar gaalshire intuu dagaal ka galayna? Just a question.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

lol@ askar gaalshire!, Abwaanow, Thread-kii Siyad Barre ninka wax ka qoray ma Abwaan kaluu ahaa!, BBC-da xitaa Profile ayay ka qortay 2006-kii, taariikhdiisa waa tan iyadoo dheere ku raaxeysta:

 

Waa nin horay ciidanka oga tirsanaan jiray, waana nin adag oo waxa uu samaynayo ay dhab ka tahay, waxaan aaminsanahay intaa marka la isku daro in uu nin nabadeed yahay, Soomaaliyana nabad ka keeni karo" Xuseen Caydiid.

 

Sh.Xasan waxa uu ku dhashay Baadiyaha Dhuusamareeb ee Goboladda Dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1945kii.

 

Sh.Xasan waxa uu Xifdiyay Quraanka Kariimka yaraantiisii isaga oo jooga Baadiye, waxa uu xaadiri jiray yaraantisii xalaqadda Masaajidda, isla goobahaas ayuu ku bartay Culuumta Naxwaha, Sarfiga iyo Fiqiga.

 

Machadkii Diinta ee Al-Azhar ee Muqdisho ayuu sheekhu galay sanadkii 1965kii.

 

1971kii Ayuu ka qalin jebiyay machadkaa, isaga oo qaatay Shahaadadii Dugsiga Sare.

 

1973kii Waxa uu xubin buuxda ka noqday ciidankii xooga dalka Soomaaliya, isaga oo lagu qaatay darajadda Sargaal.

 

Dagaalkii 1977kii

 

Sheekh Xasan waxa uu ka qaybqaatay Dagaalkii 1977kii lala galay cadowga Soomaaliya ee Itoobiya, dagaalkan oo uu ku mutay bilad sharaf, Mujaahidiin ay dagaalka wada galeen ayaa soo weriyay in Sh.Xasan Daahir Aweys uu udardaarmi jiray goorwalba ciidankii uu taliyaha u ahaa, in hadii ay Illahay si wanaagsan ugu xidhmaan ay guushu xageena ahaan doonto.

 

Dagaalkan ayuu Sheekhu ku mutay Biladdo Sharaf iyo kuwo Geesinimo, raggii dagaalka la galay Sheekha oo ka sheekeeyay ayaa si wayn u tilmaamay siiradda xagga difaaca dalka ee uu leeyahay, waxay ku tilmaameen in uu yahay Soomaali halyeey ah, oo u nxariis badan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

 

Af-gambigii Dhicisoobay

 

Sanadkii 1978dii waxaa Sheekh Aweys loogu yeedhay in uu ka qayb qaato af-gambi lala damacsanaa Dowladii Maxamed Siyad Bare, oo isagu xoog ku qabsaday dalka waqti intii Gumaysigu oga tagay dalka sidii ay doonaan ka yeelan, iyagga oo dhaxalka keliya ee ay haystaan uu ahaa kitaabkii Talyaanigu u qoray in ay dalka ku maamulaan.

 

Xiligaa Sheekh Aweys waa uu iska soo taagay ka qaybqaadashadda Af-gambigaa, goortaa oo uu sabab oga dhigay, isaga oo aan aaminsanayn in xoog wax lagu bedelo, waxa uu doonayay marwalba sheekhu in wanaaga iyo wadahadalku uu shaqeeyo, yaase ka raaridaya cadowga umaddeena oo cadaan iyo madowba leh.

 

Xabsi Waqti Dheer Qaatay

 

Sanadkii 1986kii ayaa Shaakha Xabsiga loo taxaabay isaga oo koox culima ah, kuwan oo kuligood kawada tirsanaa Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami - kan oo la aasaasay sanadkii 1982kii, waxa uu si wayn sheekhu ugu dadaali jiray in dhamaan Bulshadda Soomaaliyeed iyo ciidankii uu ka tirsanaaba ay noqdaan kuwa Illahay si wanaagsan ugu xidhan.

 

Sanadkii 1987kii Sheekh Xasan Daahir Aweys in dil toogasho ah lagu dilo ayaa ay Xukuumadii Siyaad Barre ku xukuntay, walow xili dambe xabsi daa'in loogu bedelay, sababta Boqor Fahadkii Sacuudiga oo Dowladii Siyaad Barre lasoo xidhiidhay, kadib markii Sheekhii caanka ahaa ee BinBAAZ uu arintaa Boqorka faray.

 

Qiso Dhab Ah

 

Waxaa la weriyaa in Xiligii dilka lagu xukumay uu Aabihii Daahir Aweys u tagay Siyaad Barre isaga oo ka codsaday in uu usii daayo wiilkiisa oo uusan ka dilin, Siyaad Barre ayaa u sheegay Daahir Aweys in uu wiilkiisu aaminsanyahay in uu Gaal Yahay Madaxwaynuhu, Arintaa Dahir Aweys waa uu qariibsaday...

 

Siyaad Barre ayaa codsaday in balan loo qabto Dahir Aweys iyo Sh.Xasan oo markaa majlis la isugu keeno, Daahir Aweys balantii ayuu ku yimi, Siyaad Bare ayaa intuu Masale ku fadhiistay Tusbax-na soo qaatay codsaday in loosoo geliyo Sh.Xasan Daahir oo isagu laga keenay 20Jiroow.

 

Daahir Aweys ayaa uu wiilkiisii oo uusan dhawaanah arag soo galay halkii ay fadhiyeen isaga iyo Siyaad Bare, hadii uu salaamay odayadii meesha fadhiyay waa Siyaad iyo Aabihiise, ayaa Siyaad waxa uu usoo jeediyay su'aal Sheekh Xasan oo yidhi "Maandhoow ma aniga imika Salaadda ka kacay oo tasbiixsanaya ayaad gaal ii haysataa?", Sheekh Xasan ayaa ku jawaabay "Gaal Baad Tahay, Illahay ka furtay".

 

Sida qoran Suldaan Jaa'ir ah oo aad hortiisa runta ka sheegtaa ayaa ah sababaha Janadda Illahay lagu mutaysto, maalintaa Sh.Xasan waxaa la sheegaa isaga oo aad ugu faraxsan talaabooyinkaa uu horay u qaaday in uu ku laabtay xabsigii laga keenay, oo Xarunta Soomaaliya in badanna ka durugsan.

 

Sanadkii 1988kii ayaa xabsiga laga sii daayay, sababta Reer Galbeedka oo Dowladii Xiligaa ku qasbay in ay sii dayso dhamaan raggii u xidhxidhnaa Siyaasadda.

 

Budhbudhkii Dowlada

 

Budhbudhkii Dowladii Soomaaliya sanadkii 1991kii ayuu si aan qarsoodi lahayn ola dhawaaqay in Diintu ay tahay arinta keliya ee badbaadin karta Qaranka Soomaaliyeed, islamarkaana dib isugu soo celin karta oo ruux keliya ka dhigi karta.

 

Waxa uu ka qayb galay dagaalo dhowr ah kuwan oo dhamaantood lagu doonayay in Diinta Islaamka lagu soo rogo dalka, si loo badbaadiyo dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd.

 

Dagaaladda uu Sheekhu galay ayaa ka mid ah mid ka dhacay Goboladda Wuqooyi Bari Ee Soomaaliya, kan oo uu la galay Con.Cabdulaahi Yuusuf, Con Yuusuf ayaa qudhiisa dagaalkaa lagu qabsaday sanadkii 1994kii, walow markii dambe la sii daayay isaga iyo qaar ka tirsan ragii qabyaaladda wadanka u horseeday iyagga oo habayaraatee aan waxba la yeelin.

 

Sanadkii 1996kii waxaa magacii laga bedelay Ururkii Al-Itixaad Al-Islaami oo loo bixiyay Al-Ictisaam, Ururkan oo goortii dambe shaqayn waayay sababta ragg badan oo odayadda ka tirsan ahaa oo doonayay in ay aqaladooda iyo badhahooda si nabad ah u fadhiyaan.

 

Itoobiya Oo Isku Dayday Dilka Sheekha

 

Sanadihii 1995 - 96 waxa uu cadowga weligii ee Ummadda Soomaaliyeed isku dayay in uu ka takhaluso, isaga oo adeegsanayay dad ay qaraabo dhow yihiin Sheekh Xasan, inta la ogyahay sheekhu sadex jeer ayuu dil uu cadowgu soo agaasimay ka baxsaday, tan oo ku dhalisay in uu dibadda oga baxo dalka Soomaaliya oo uu arkay in uusan ku badbaadeynin.

 

Xiligaa ka dib xataa Sheekh Xasan ma uusan dhigin Qorigiisa waa halkii Xirsi Magane "Ma Wadaad Ilbaxaboo Aakisihiisa Sitaa La Adoonsan Karaa".

 

Sanadkii 1997kii waxa uu halkiisii kasii waday halgankii uu ugu jidhay quwaynta diinta, oo isagu arkayay in ay Diinta Islaamka oo laqaataa ay tahay dariiqadda keliya ee lagu badbaadin karo Qaranka Soomaaliyeed.

 

Sanadkii 1998 Waxa uu horjooge ka noqday Maxkamad Islaami ah, oo laga hirgelyay Magaaladda Muqdisho, tan oo si ku meel gaadh ah loogaga hirgeliyay Muqdisho.

 

Argagixisadda Caalamiga ah

 

Sanadkii 2001 dowladda Maraykanka ayaa iyadda oo xiganaysa cadowga Soomaaliya ee Itoobiya ku dartay Sheekh Xasan waxa ay ugu yeedheen waqtigaa, kuwa sida goonida ah loola socdo, arimahan ayuu Aweys qudhiisu ku tilmaamay in ay qayb ka tahay aqoondaradda Maraykanka ee ku jeeda Arimaha Soomaaliya.

 

Sanadkii 2006 Sheekh Xasan waxaa loo magaacaabay Madaxa Golaha Shuuradda Islaamiyiinta Soomaaliya, arintan oo ka dhalatay kadib markii dhaliinyaro Soomaaliyeed oo isu tagay ay dibadda oga saareen dagaal oogayaashii dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhigay halka ay yaalaan maanta, kuwan oo garabsanayay Maraykanka iyo Cadowgeena weligii Itoobiya.

 

Sheekha ayaa xilkan loo magacaabay isaga oo ka maqan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, islamarkaana jooga meelo ka tirsan Goboladda Dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu waanwaan ka dhexwaday qaar ka tirsan qabiiladda Soomaalida ee dega Goboladaa.

 

Voy + NAgency

Xigasho: Agabso..com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Regarding Hassan D Aweys, come to think of it as the proverbial man who after fasting 30 days feasted on the forbidden bakhti.

 

It's sad that he at his old age is happily participating in the somali tragedy, causing massacres like the one today

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekhu 1945 wuu dhashay high school diploma wuxuu qaatay 71, cajiib.

 

Sargaal=officer/official, no? Sargaal darajo maaha dee.

 

Afgambigii 77 ma ahayn wax la isku casumayay, niman gaar ah baa watay, iyana mid dheh.

 

Xabsi dheer? 86-88? Kaas xabsi eesh.

 

Dagaaladda uu Sheekhu galay ayaa ka mid ah mid ka dhacay Goboladda Wuqooyi Bari Ee Soomaaliya, kan oo uu la galay Con.Cabdulaahi Yuusuf, Con Yuusuf ayaa qudhiisa dagaalkaa lagu qabsaday sanadkii 1994kii, walow markii dambe la sii daayay isaga iyo qaar ka tirsan ragii qabyaaladda wadanka u horseeday iyagga oo habayaraatee aan waxba la yeelin.

Dagaalkii Waqooyi Bari ee Al-ittixad iyo beelaha dhulkaas waxa uu dhacay 92 not 94. Abdullahi Yusufna iyo issimadii gobaladaas oo dhan shir ayaa lagu qabsaday ee dagaal lagu qaban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Whatever is in Hassan's mind is irrelevant. His actions are maiming the innocent masses of our populace, and that is what we should judge on his statue

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   
Originally posted by Gheelle.T:

[QB]

Sargaal=officer/official, no? Sargaal darajo maaha dee.

 

NO!, Sargaal waa XIDDIGLE wixii ka billowda!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xiin, Redbull miyaad soo cabtay?

 

Sargaal, lama yiraahdo Ispettore & wax ka hooseeya!

 

Ma maqlin miyaa Kulliyadda Layli Sarkaal!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this