Sign in to follow this  
General Duke

Gen Morgan: Talks are going well with JVA

Recommended Posts

Nairobi: Gen. Morgan oo Markii U Horaysay Saxaafada uga Waramay WaanWaanta laga Dhexwado Isaga iyo Col. Bare Hiiraale

 

- Monday, January 24, 2005 at 15:25

 

Nairobi (AllPuntland)- Gen: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis la sheegay in laga dhex wado asaga iyo wasiirka dib u dhiska dib u dajinta Bare Aadan Shire (Hiiraale).

 

Gen: Moorgan oo haatan kusugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in wax garad ka kala tirsan labada beelood ee ay kasoo kala jeedaan asaga iyo Bare Hiiraale ay ku gudo jiraan inay heshiis na dhex dhigaan.

 

Gen: Moorgan oo waraysi siiyay Radio Galkayo ayaa sheegay in la gaaray xilligii dib u heshiisiinta , loona baahanyahay in dagaalada ka dhacaya gobollada Soomaaliya xal loo helo.

 

Mar wax laga waydiiyay waxa kajira in ismaamul goboleed laga hirgalinayo gobollada Jubbooyinka iyo inkale ayuu sheegay in taasi ay tahay fursad bannaan oo dhici karta haddii ay miro dhalaan wada hadaladan socda.

 

Moorgan oo wax laga waydiiyay qodobada heshiiskoodu ku salaysan yahay ayaa sheegay in midda ugu muhiimsan ay tahay sidii loowada dagganaan lahaa gobolka Jubada Hoose oo waqtiyadii ugu danbeeyay dagaallo ay ka jireen.

 

Moorgan oo wax laga waydiiyay sababta keentay in heshiis laga dhex abuuro asaga iyo Barre Hiiraale xilligan ayuu sheegay in ay Soomaaliya ka baxday dawlad la’aantii ay mudada ku jirtay haatanna la xurmaynayo dawladdan Soomaalida u dhalatay ee dib u heshiisiinta kusalaysan.

 

Wada hadalada labadan masuul ayaa ah kuwo aad looga soo dhaweeyay dalka Soomaaliya , waxyna u muuqataa in wada hadaladoodu ay soo afjarayaan colaad muddo badan kasoo taagnayd gobolka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is a great news, inshalaahi alaah will make this true. we all need the peace.

 

 

but,how come we didn't hear anything from Bare shire hiiraale? :confused:

 

i think we just have to wait.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is bad news. Seems like we're heading back to '91 all over again - Galgaduud wanna join Puntland, B Hiiraale & Morgan wanna sign peace agreements. Where does that leave Yuusuf Mire Seeraar (the other side of the JVA coin)? The factions of the former USC aren't blind when they see these types of political factions joining forces. They'll undoubtedly think its a political plan to do them some harm.

 

I applaud peace. But I also know Somalia's political reality: this might be a good sign, but ultimately, it'll be a sign seen around Somalia as unity amongst one clan-family. But we can always hope for the best.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   
^^I didn't consider it in that sense. But I suppose it could be interpreted that way by some groups. Lets hope for the best.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Morgan Iyo Maslax Maxmed Siyaad Barre Oo Lagu Wado In Ay Dhawaan Ka Soo Degaan Kismaanyo.

 

Kismaanyo(Radiossc.com)Tue25/01/05:-Wararka naga soo gaadhay Magaalooyinka Nairobi Iyo Kismaanyo ayaa waxa ya tibaaxayaan in wadahadalkii dhexdhexaadinta ee Gen. Morgan iyo Barre Hiiraale ay marayaan meel aad u wanaagsan.

 

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhawaan ay ka degidoonaan Magaalada Kismaanyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan Gen Morgan iyo Maslax Maxmed Siyaad Barre, waxaana ay ku biiri doonaan odayaal ku sugan magaalada Kismaanyo oo haatan iyagu wadahadalka dhexdhexaadinta ku hawlan.

 

 

 

Col.Barre Hiiraale ayaa isaguna xaqiijiyey maanta in ay jiraan wadahadalka dhexdhexaadinta loo kala dabqaadayo isaga iyo Gen. Morgan,wuxuuna intaasi ku daray in uu jiro heshiis dhawaan lagu dhawaaqi doono laguna soo afjari doono xiisadii kismaanyo ka aloosnayd Lixdii sanno ee ugu danbaysay.

 

 

 

Gen Morgan ayaa isaguna sheegay in ay talaabadani noqon doonto mid dib u heshiisiinta Soomaaliya u noqon doonta mid ku dayasho mudan, waxa kale oo uu sheegay in maanta loo gudbay qarannimo Soomaaliyeed sidii loo dhisilahaa.

 

 

 

Dhinaca kale Isbaahaysiga Doxada Jubba ayaa lagu soo waramayaa in ay ku kala qaybsan yihiin wada xaajoodkan ay haatan wadaan odayaasha labada dhinac ee Morgan iyo Barre Hiiraale ka kala socda, wararka Kismaanyo ka imanayaa waxa ay sheegayaan in durtaba ay malayshiyadii ka soo jeeday dhinaca Muqdisho ay muujinayaan in aanay raali ka ahayn wadahadalkan, iyaga oo malayshidooda kala baxay magaalada Kismaanyo.

 

 

 

Radiossc.com

 

Kismaanyo Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this