Sign in to follow this  
Emperor

Italy named Italian ambassodor for Somalia

Recommended Posts

Emperor   

Talyaaniga oo safiir cusub usoo magacawday dalka Soomaaliya.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta ku dhawaaqday in ay safii cusub usoo magacaabatay dalka Soomaliya,si loo sii dar dar geliyo iskaashiga iyo wada shaqeynta diplomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga,waxaana magacaabistani ay imaanaysaa iyadoo la shiiqiyay awoodii dagaal ee kooxihii qaran diidka ee Talyaanigu taageeri jiray.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta ku dhawaaqday in ay safii cusub usoo magacaabatay dalka Soomaliya,si loo sii dar dar geliyo iskaashiga iyo wada shaqeynta diplomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga,waxaana magacaabistani ay imaanaysaa iyadoo la shiiqiyay awoodii dagaal ee kooxihii qaran diidka ee Talyaanigu taageeri jiray.

 

Magacaabista Safiirkan cusub ee Talyaaniga uga wakiilka noqonaya arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho maanta kaga dhawaaqday wasiir ku xigeenka umuuraha dibadda ee dalka Talyaaniga Patrizia Sentinelli oo maanta booqasho ku timid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Talaabadan ay dowladda Talyanigu qaaday ayaa kusoo beegantay labo maalmood kaddib markii xukuumadda Washington ay ku dhawaaqday wakiilkeeda cusub ee arrimaha Soomaaliya Mr John Hates oo haatan soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,waxaana arrintan dadka qaarkii ay ku macneeyeen mid aan Talyaaniga daacad ka ahayn laakinse uu kula dabaaqtamayo dowladda mareykanka oo ah tan keliya ee kaatan lasoo shaac baxday wax qabadka ugu weyn eek u aadan dalka Soomaaliya,hase ahaatee la arki doonee talaabta xigta ee dowladda Talyaanigu ay qaadato.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmoyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Talyaaniga oo ballan-qaaday inay bixin doonaan Kharajka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee ay DFKMGS qabanqaabinayso

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/05/07

 

Haweeneyda Wasiir-ku-xigeenka ka ah dalka Talyaaniga, Patria Sanateli, ayaa shaaca ka qaaday inay Dowladda Talyaaniga gacan dhaqaale iyo mid farsamo ka geysan doonto Qabsoomidda Shirweynaha dib-u-heshisiiinta Qaranka, ee ay DFKMGS gogosheeda dhigtay in bartamaha bisha soo socoto lagu qabto Magaalladda Muqdishu..

 

Patria Sanateli, waxay hadalkaasi ka sheegtay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabadda Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta, md. Cali Mahdi Maxamed maanta ku qabteen Xaruunta Madaxtooyadda ee Magaalladda Muqdishu, waxayna tilmaamtay inay Maaliyad gaar ah u qorsheeyeen Taabagelinta Shirkaasi iyo Dib-u-dhiska dalka Somalia.

 

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, waxay sheegtay inay soo dhaweynayaan inay Ummadda Soomaaliyeed dhexdooda kaga tashadaan Aayaha Qarankooda, isla markaana ay Nidaam Wada-xaaajood ah ku xaliyaan Khilaafkaada ka dhex jira.

 

Dhinaca kale, Wafdiga ay hoggaaminayso Patria Sanateli, waxay barqanimaddii maanta kulan gaar ah oo albaabadda loo xirtay la yeelatay Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo Suxufiyiinta loo diiday inay goobjoog ka noqdaan Kulankaasi oo ka dhacay Xaruunta Madaxtooyadda ee Magaalladda Muqdishu.

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay inay Madaxweyne C/llaahhi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Geeddi kala xaajoodeen Ergadda ka soocta Dowladda Talyaaniga sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ambaqaadi lahaa Geeddiga dib-u-heshiiisiinta Somalia. Iyo Dib-u-dhiska dalka Somalia.

 

 

 

 

Dhinaca kale, Wafdiga ay hoggaaminayso Haweeneyda Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, waxaa ka mid ahaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Talyaaniga u soo magacowday Arrimaaha dalka Somalia, Istafano Dejeek iyo Ergaygii hore ee Talyaaniga ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Mario Raffelii iyo Diplomaasiyiin kale.

 

Waa Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dal kaa tirsan Ururka Midowga Europe oo booqasho ku yimaada Magaalladda Muqdishu, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Dowladaha Midowga Europe shuruudda ku xireen inay qeyb ka bixiyaan Kharajka lagu socodsiinayo Hawlaha Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka AMISON, ee laga wado dalka Somalia.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Bokero, the message dear, the message and not the messenger...

 

BTW Duke is a great guy and no reason I wouldn't like to be his clone...

 

So have your say on the message yaa Bokero

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

answer this- is coincidence, that emperor, Duke and Somalieco.. who think like. are also from the same region.. or mere manifestation of clannish mental slavery!! I wonder

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

Somali eco is different person.. not sure about Duke and Emperor... both suffer from the cut & paste infection!! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Yeah they all me...

 

So much for focusing on personalities... Bokero I don't know who you look like or share veiws neither do I know what regions you come from... I don't care...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

yeah right emperor, who r u trying to fool?

 

let me tell how i look like...gorgeous, period

 

my views,,... i have pragmatic approach to issues

 

my region.... mogadishu, born in hodan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ What are you guys talking about? My roots are in Jammaame! But I dont have any clan mentality just like many other young somalis in the diaspora...except the ones that has been brainwashed in early ages.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Bokero:

answer this- is coincidence, that emperor, Duke and Somalieco.. who think like. are also from the same region.. or mere manifestation of clannish mental slavery!! I wonder

SIDEEH WAX KU FAHANTAA WAXAA LAGU YIRI KAHADAL ARINTA MEESHA KU QORAN ISKA DHAAF RUUXA WAX QORE. ABTI MA FAR WAA WEEYN BAAN WAX KUUGU QORNAA. WALAAHI WAA YAAB. SAY YOUR TWO CENTS YHAT IS IT MA FAHANTAY ADEER GOOD JOB!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

TheSomEco, yeah I know but the US have just recently appointed very important man for Somalia...

Great news sxb Good to hear we are back from the Darkness of incomprehension. Good news indeed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this