Sign in to follow this  
MoonLight1

COUNTER ATTACK: Government forces recapture lost ground.

Recommended Posts

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo haatan laga dareemayo suuqa labaad ee suuq Bacaad.

 

 

 

Muqdisho,(WNT):-Dhaq dhaqaa ciidan ayaa haatan laga dareemayaa suuqa suuq bacaad ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dowlada KMG ah iyo Kooxaha ka hor jeeda.

 

Ciidamada ayaa haatan ah kuwo si aad ah ugu jira diyaar garoow xoogan isla markaana helaya gurmadyo kala duwan.

 

Goobihii Ganacsiga iyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa mar kaliya Istaagan iyaga oo dadka ka baqdin qabaan in dagaal uu qarxo.

 

 

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa oo aynu goordhaw la xiriirnay ayaa inoo sheegay in Ciidamada dowlada ku soo siqayaan gudaha suuqa halka kuwa kalena ku sugan yihiin laaanta suuq bacaad oo ku taal bartamaha suuqa.

 

lama Oga waxa dhici doono waxaana dadka intooda badan yihiin kuwo kala yaac ku jira kuwaasi oo ka cabsanaya in dagaal ka dhex dhaco labada dhinac.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco www.waayaha.net

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xooggan oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

 

Arbaco, 13 May 2009 (HOL): Dagaalkan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xooggan hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

 

Dagaalkan oo socday saacado badan ayaa wuxuu xooggiisa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Florenza iyo Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Isgoyska Siinaay oo labadaas Isgoys u dhaxeeyana ay dhinacyada dagaallamay dhowr jeer kala qabsadeen.

 

Khasaaraha uu dagaalkan geystay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa uu gaarsiiyay dhimashada dad ku dhow 10 ruux iyo dhaawac ku dhow 100 ruux, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo ay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ku haleeleen madaafiic iyo rasaas habow ah.

 

Dagaalkan oo dhinacyada dhexmaraya ay isku horfadhiyaan aagaggii ay ku dagaallameen ayaa wuxuu u muuqdaa mid aaney sahlaneynin xal u heliddiisa, waxayna labada dhinac sameynayaan isu hub uruursi la dareemi karo.

 

Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa haatan waxay ciidamada Dowladda kula dagaallamayaan meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada, waxayna taasi muujineysaa sawir ah in aaney Dowladda u diyaar ahayn awood ay dib ugu celiso Xoogagga ka soo horjeeda. Dhawaan ayay ahayd markii Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda ay la wareegeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda horay u joogeen.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay tahay mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in ay dagaalladan ku sii fidaan degmooyin kale oo aan ahayn Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

 

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii uu Alle idmo

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Other later news state the government has lost more ground.

 

Deg deg:Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada magaalada Muqdisho(Sawiro)

 

 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen 20 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalo qarara oo jilbaha la isku dhigtey oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah waqooyiga magaalada caasimada ah.

 

Dagaalka maanta ayaa ka dhacay Suuq Bacaad, Siinaay, Afarta Jardiino iyo Boondheere, waxaana dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan oo xoogaga dawlada ka soo horjeeda ay ku qaadeen ciidamada dawlada taabacsan ee isugu jira kuwa maxkamadaha iyo kuwii hore ee dawlada.

 

Dirirtan colaadeed ee maanta ruxdey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid daba socota dagaalo horey Muqdisho ugu dhexmarey kooxaha Islaamiyiinta ee ku dagaalamaya gacan ku haynta Muqdisho iyo dadka shacabka ah ee ay ku dul dagaalamayaan, waxaana dagaalka maanta si xun la isugu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka.

 

Madaafiic loo riday si aan loo fiirsan, kuwa shiish wareeray oo gafay halkii loo wadey iyo rasaas wiifto ah ayaa waxay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Only the likes of Kashafa,and perhaps some bitter folks would think the war is over by alshabaabs rush attacsk.

 

The caravan is armed now. It will defend its well

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adeer,the cravan may appear the winner,how would you explain its stiff resistance

in more than a week with out any help ? Kudos.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this