Sign in to follow this  
General Duke

Shame and tragedy in Ceel Buur

Recommended Posts

Liqaye   

My sweet heart smithy, the part of my post you have high lighted is my infered attept to make clear to your self , and others, the odd thinking you have about the hospital at dayniile and all who would critsize abdullahi yusuf.

 

Are you feeling kind of put out bro? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

UPDATE AS OF 22 OF JANUARY 2004 Degmada

 

Ceel buur oo dib ugu soo laabtay noloshii

Ceelbuur

Sida ay noogu xaqijiyeen qadka taleefoonka magaalada Ceelbuur masuuliyiin ku sugan halkaa in ay dib ugu soo laabteen magaaladasi dadkii horey uga qaxay ayadoo nabaddu ay aad u wanagsan tahay .

 

Masuulka ayaa noo sheegay in aynan magaalada wax dagaal ah ka dhicin meelaha ay dagaalada ay ka dhaceyna ay tahay tuulooyinka ku teedsan degmeda Ceelbuur ,waxuuna sheegay in ay hadda ku guda jiraan sidii ay u soo celin la haayeen adeegyadi bulshada sida Iskuladii iyo cafimaadka oo baryahaan hakadka galay .

 

Waxa kale uu inoo sheegay in dhinacooda diyaar u yihiin nabadda waligoodna geelooda isla daaqi jirey labada qolo ayadoona jirin wax dhibaata ah asagoona sheegay in dhinacooda ay dhoowrayaan xabad joojintii lagu gaaray shalay magaalada Guriceel oo ah meesha ay ka socota waan waanta labadii beelood ee dagaalka ku dhexmaray nawaaxiga degmada Ceelbuur .

 

Masuulka ayaa ka codsaday hayadaha samafalka ah in ay la soo gaaraan kaalmo deg deg ah si wax loogu qabto dayoowga ku bara kacay dagaalka oo hadda dib ugu soo laabanaya gurayahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Illaah ha kaalmeeyo dadka masaakiinta ee Mr Ceelbuur magacaga uga ciyaaray. I can't imagine them having as much hate as you do na'mean.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

BEELIHII KU DAGAALAMAY CEEL-BUUR OO MAANTA HESHIIS RASMI AH GAARAY

 

 

Somaliweyn.com( Muqdisho 23/1/04 )

 

Guddoomiyaha Degmada Guriceel Axmed Macallin Xuseen ayaa sheegay in maanta la soo gabagabeeyay shir u socday Waxgaradka iyo odayaasha beelihii dhowaan ku dagaalamay Ceel-buur, isagoo sheegay inay ka soo saareen heshiis ka kooban afar qodob oo muhiim u ah labadaasi beelood, qodobadaas oo kala ahaa: In si shuruud la’aan ah xabadda loo joojiyo, in maleeshiyooyinka is hor fadhiya la kala qaado, in dhinicii jebiya heshiiskan ay saxiixeen labada dhinac la ganaaxo lacag gaareysa 25-Kun Dollarka Mareykanka ah iyo inuu bixiyo wixii khasaare ah ee uu la yimaado, in shir la isugu yimaado 15-ka February magaalada Ceel-buur, kaasoo lagu soo afjarayo colaadihii ka jiray degaanadaas.

 

 

Heshiiska labada beelood ayaa waxaa saxiixay odayaal ka badan 40-ruux, kuwaasoo magacyadooda ay ka mid yihiin: Garaad Yuusuf Dibad, C/lle Qanyare Afrax, Xaaji Bashiir Axmed, Sheekh C/Nuur Xersi iyo kuwo kale, iyadoo odayaashii maanta heshiiskaasi soo gabagabeeyay ugu baaqay ganacsatada Gobolka Galgaduud inaanay xoolahooda ku bixin xabbad la isku dilayo ee ay xoolahooda u weeciyaan dhinaca nabadda.

 

 

Dhinaca kale odayaashii dhexdhexaadinayay labadaasi beelood gogosha heshiiskana fidiyay, ayaa iyagana sidoo kale ugu baaqay beelihii ku dagaalamay degaanka Xeraale oo ka tirsan Galgaduud inay maanta laga bilaabo ay gogol u fidsan tahay lagu dhexdhexaadinayo, taasoo horay loogu baaqay labadaasi beelood, waxaana odayaasha soo qabanqaabiyay kulankan qaar ka mid ah ay magacyadoodu kala yihiin: Guddoomiyaha Galgaduud Yusuf Xasan Ciyow, Ugaas C/Daahir Ugaas Nuur iyo odayaal kale oo Xamar ka tegay si ay uga qeyb qaataan dadaalka nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxeysa beelaha wada dega Ceelbuur.

 

 

Somaliweyn Mogadishu Information Office

xafiiska Wararka Soomaaliweyn ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this