Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ethiopian Man Arrested at Hargeisa Airport

Recommended Posts

Ciidamada Booliska ee madaarka Hargeysa ayaa shalay qabtay nin Itoobiyaan ah oo la sheegay inay muddo baadi goobayeen.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Boliska, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ciidamada ammaanka ee madaarku ay shalay gelinkii dambe qabteen ninkan Itoobiyaanka ah oo ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waxaanu warku sheegay in ninkani lagu eedaynayo inuu dahab iyo lacag sharci darro ah dhawr goor si sharci darro ah u geliyay wadamada Itoobiya iyo Somaliland, isagoo ka soo safra dalka Imaaraadka Carabta. Warku waxa uu intaas ku daray in ninkan la qabtay isagoo sidda dahab xadi badan oo uu warku sheegay inuu sii gelinayay dalka Itoobiya.

 

Taliyaha ciidanka Boliska Maxamed Saqadhi Dubad, oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay qabashada ninkan, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxaanu sheegay inaanu bixinayn wax war ah oo la xidhiidha ninkan.

 

Hase yeeshe saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa Geeska Afrika u sheegay inay ciidamada ammaanku muddo raadinayeen ninkan oo ay ugu dambayn shalay qabteen, waxaanu hadda ku xidhanyahay mid ka mid ah saldhigyada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^And who said nationalities mattered?

 

Unless you reported this as a big news because of the hype you have of Ethiopia.

 

FYI: Most of the maids, low key and dirty jobs in Somalia is done by Ethiopians, everywhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Somaliland police shaaq laan, you are going to need more prisons at this rate.

 

JB and SL wa Shiilin ba shaley duustey ala Duke viva Puntiland style.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Jacaylbaro:

Adigu joog Ibtiyeey ,,, we just found terrorists in Burco and we're dealing with that ,,,
:D

lool@terrorists, kan xabashiga ahba waxan mooday in sidaa lagu eedeeyey, illeyb SL, Xabashi kale sahal kuma xiraayee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this