Sign in to follow this  
Emperor

TACSI: Maxamuud Sheikh Cusman assasinated in Galkacyo

Recommended Posts

Emperor   

Ina'lilaahi Wa'inaa ilayhi Raajiicuun, A prominent Businessman, the former Amal/Dalsan owner and former leader and spokesperson of Alitixaad Islamiya movement Sheikh Maxamed Sheikh Cusmaan's brother Maxamuud Sheikh Cusmaan is brutally murdered in Galkacyo... Ilaahay ha unaxariisto.

 

--------------------------------------------------

 

Gaalkacyo: Ganacsade goor dhaw lugu dilay magaalada Gaalkacyo.

7. oktober 2008

 

APL

 

 

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Warar ay AllPuntland ka helayso Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhaw gudaha Magaalada Gaalkacyo, lugu dilay Ganacsade ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo.

 

Ganacsadaha la dilay waa Maxamuud Sheekh Cismaan, waxaana dilkaasi geystay niman hubeysan, waxa ayna dilkaasi u adeegsadaan Bistoolado, waxaana la dhaawacay sidoo kale mid ka mid Wiilashiisa.

 

Gurigiisa Agtiisa ama ilinkiisa ayaa lugu dilay caawa, waxaana lasheegay in ay baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilkaasi, waxa ayna sidoo kale sheegayaan Warar soo baxaya in dadkii falkaasi geystay ay galeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

 

Allaha unaxariistee Maxamuud Sheekh Cismaan wuxuu ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo, wuxuu xubin wanaagsan ka ahaa gudiga amaanka ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Odayaasha dhaqanka ee Magaalada & maamulka Puntland oo ay xiriiro badan la sameysay AllPuntland ayaa hadalkooda ku soo koobay in ay ka xun yihiin falkaasi, waxa ayna sheegeen in ay goor horeba xireen goobo ay ku tuhmayaan in ay ka baxaan dadkii falkaasi geystay.

 

Xaalada guud ee Magaalada ayaa kacsan dad badan oo careysan ayaa soo buux dhaafiyey magaalada, lantigooduna kala baqaya, waxaa mararka qaarkood magaalada ka dhaxeysa gaar ahaana Xaafada uu kuyaalo gurigii uu daganaa rasaas xoog leh.

 

Laamaha amaanka ayaa siweyn usugay amaanka halka lugu dilay Allaha unaxariistee Maxamuud Sheekh Cismaan, waxa ayna baarayaan goobaha ku dhow dhow goobta uu ka dhacay dilkaasi.

 

Todobaadyadii ugu dambeeyey Gaalkacyo waxa ay ka nasatey falalka amaan darada ah, oo ay ugu horeeyaan dilalka qorsheysan balse dilkan ayaa wuxuu noqday mid markale caawa ay Argagax qabaan dadka Magaalada Gaalkacyo.

 

Faahfaahimaha kala soco www.AllPuntland.com

 

Maxamuud Siciid Cabdi

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Gaalkacyo: Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo maanta kacsan.

8. oktober 2008

 

APL

 

 

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in aysan wanaagsaneyn xaalada Magaalada Gaalkacyo wixii ka dambeeyey xalay markii la dilay ganacsade aad looga yaqaanay Magaalada.

 

Wariyaasha AllPuntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa xaalada ku safiraya mid kacsan, waxa ayna sheegeen in laga qabsi qabo in ay dadweyne careysan banaanbaxyo ka dhigaan gudaha Magaalada Gaalkacyo.

 

Cabsidan ayaa ka dambeysay markii saaka haween careysan ay dhagxaan ku tuureen qaar ka mid ah Xarumaha Magaalada Gaalkacyo ee ganacsiga, warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay Ururada Haweenka & kuwa dhalinyaradu qabanqaabinayaan Banaanbaxyo maalmo badan socon doona oo ay uga hadlayaan Xaaladaha amaanka ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Allaha unaxariistee Maxamuud Sheekh Cismaan oo aad looga yaqaanay magaalada Gaalkacyo oo ay xalay dileen niman hubeysan ayaa saaka lugu aasay Magaalada, waxaana aaskii ka soo qeybgalay Dadweyne fara badan oo ay ku jiraan Madaxda dawladda Puntland ee gobalkaasi ugu sareysa.

 

Saraakiisha Amaanka ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay isdajiyaan ayna socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada amaanku, oo ay ku ogaanayaan cidii ka dambeysay falkan habeenkii xalay lugu dilay Marxuum Maxamuud Sheekh Cismaan luguna dhaawacay mid ka mid ah Wiilashiisa.

 

Hadii ay banaanbaxyo ka dhacaan gudaha Magaalada Gaalkacyo waxaa guud ahaan joogsan kara ganacsiga guud ee Magaalada Gaalkacyo, xaalada Magaaladuna waxa ay isku badaleysaah sidii ay noqotey maalinkii la dilay Allaha uraxmadee Cali Jaamac Biixi oo lugu dilay Masjid asagoo ka soo baxaya.

 

Xaalka Magaalada Gaalkacyo mahan mid wanaagsan, waxaana jira shaki weyn oo ay kala qabaan labada xaafadood ee Magaaladu, kaasoo ku aadana cida ka dambeysa dilalkii ugu dambeeyey ee Magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

 

" Qof walboo wax ku dila dhinaca Koonfureed wuxuu soo galaa waqooyiga, kan wax ku dilaana Waqooyiga wuxuu si aan gabasho laheyn kugalaa Koonfurta Magaalada, hadee taasna ilaa laga baxo xaalku noqon mayo mid wanaagsan" Ayuu usheegay AllPuntland mid ka mid Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Maxamuud Siciid Cabdi

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay ha u naxariisto.

 

Inaalilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.

 

Ma dhinte waa ilaahay. Nin walba geeridu mar bey soo mareysaa. Maantana waxaan aad uga murugeesanahay geerida ku timid Maxamuud Sheikh Cusmaan.

 

Ilaahay waxaan uga rajeenayaa in uu janadii ka waraabiyo iyo eheledii uu katagayna samar iyo iimaan ilaahay uu ka siiyo. Wiilkiisi la socdaynah, inuu Ilaahay caafiyo. Wabilaahi Towfiiq!

 

dhulQarnayn

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this