Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Islamic Courts militia leader executed

Recommended Posts

War deg deg ah: Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo goor dhow lagu dilay agagaarka Isgoyska Taleex

 

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow ku dilay agagaarka Isgoyska Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda Soomaaliya.

 

Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) ayaa Ilaa saddex ruux oo Bastoolado ku hubeysan dileen, sida uu u xaqiijiyay Afhayeenka Maxkamadaha Sheekh C/raxiin Ciise Caddow.

 

Dhaawac ka soo gaaray rasaastii lala beegsaday Sarkaalkaas ayaa waxaa uu ugu geeriyooday Cusbitaalka Madiina, iyadoo Meydkiisa uu yaalo isla Cusbitaalka.

 

Cagaweyne ayaa lagu xusuustaa dagaaladii Midowgii Maxkamadaha ay kula galeen Magaalada Muqdisho Isbaheysigii Argagixisa la dirirka, isagoona ahaa Afhayeenkii Maxkamada Al-Furqaan.

 

Sarkaalkan ayaa noqonaya sarkaalkii labaad oo ka tirsan Maxkamadaha oo dil qorsheysan lagu qaarijiyo, iyadoona todobaadkii hore isna Wadada Warshadaha lagu dilay Sarkaal la oran jiray Shariif Kariye.

 

Dilkan Sarkaalkan ayaa sii kordhineysa xiisada ka taagan Caasimada ee maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay Kooxaha Muqaawamada, iyadoona maalmo ka hor uu Afhayeenka Maxkamadaha C/raxiin Ciise Caddow uu si cad Alshabaab ugu eedeeyay inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo Saraakiisha Maxkamadaha.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Mujaahid Maxamed Maxamuud Cagaweyne oo kooxo bistoolado ku hubeysan ay goor dhow ku dileen Isgoyska Taleex.

 

(21-04-2009)War hadda na soo gaarey ayaa wuxuu sheegay in Sheekh Maxamed maxamuud Cagaweyne oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maxkamada Islaamiga goor dhow lagu toogtey Degmada Hodon, gaarahaan Isgeyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.

 

Mujaahid Cagaweyne oo si weyn looga yaqaano wadanka Soomaaliya kana mid ahaa Masuuliyiintii sar sare ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga, ayaa niman Afku u duuban yahay oo Bistoolado ku hubeysan waxay nafta uga jareen degmada Hodon.

 

Waxaa Socda ugaarsi bareer ah oo lagu bartilmaamedsanayo Madaxda iyo Saraakiisha ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, gaarahaan kuwooda ayidey dowladda Midnimada Qaran.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Saraakiisha Maxaakiimta ayaa dilka Sheekh Cagaweyne shir deg deg ah ka leh, iyagoo ka arrinsanaya qaabkii ay uga jawaabi lahaayeen dilka Loo geystey Masuulkaan ka tirsanaa iyo Saraakiil kale oo hotiisa sidaan oo kale loogu qaarijiyey gudaha Caasimadda.

 

Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Xoogagga Maxkamadaha ayaa durba laga dareemayaa qeybo kamida magaalada Muqdisho, waxaana ay cabsi weyn la soo diristey dadweynaha ku dhaqan Caasimadda oo aad u necbeystey dagaalladda aan dhamaadka lahayn ee ku soo noqnoqday magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Alshabab has started the war.

 

Their aim is to eliminate the high ranking officers of the ICU before launching their full-scale offensive.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Duke, who do you think is behind these executions? Either it's shababs who want an all out war with courts( which doesn't make sense) or it's a third party who wants to trigger a start a war between them( this will probably be written of as a conspiracy theory).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Zeylici,

 

Alshabab have made clear their intentions:

 

- No to Culama's calls.

 

- No to decision to Implement Sharica Law

 

-No to spare the people of Mogadishu more bleadshed and let them recover from the 2 year brutal Ethiopian occupation.

 

- Masking their faces for what? Out of shame or out of cowardice or out of been a criminal that commits crimes while hiding his identity?

 

The inhabitants of Mogadishu know each other. Third parties would be detected in an instant. Also, why did the assasinations of high ranking officials of the resistance movement not happen when 20.000 Ethiopian troops were inside Mogadishu city? Clearly, someone who knowes these men is behind the assasinations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i think something is really behind the works here.

 

have you noticed that everytime there seems to be a gradual slowing of violence and stability, something pops out of no where and voila another round of bloodshed.

 

 

i think there is an entity behind the scenes who want the chaos and anarchy to continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al Zeylici, this man was from the Al Furqaan court group and no enemy of Al Shabaab. Why they would kill him I dont know. Even old Ahmed Diriye blaming the Al Shabaab seems to be a conspiracy to make the public or the clan against the youth militia.

 

Its up in the air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha oo Muqdisho lagu dilay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 21-April-09

 

Waxaa goor dhaweyd lagu dilay magaalada Muqdisho gaar araan isgoyska Taleex sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Maxaakiimta C/raxiin Ciise Cadow.

 

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa waxa ey rasaas madaxa kala dheceen Sheekh Max’ed Max’uud Jimcaale (Cagoweyne) oo si weyn looga yaqaanay gudaha kooxaha muqaawamada.

 

Meydka sarkaalkan ayaa waxa uu iminka yaalaa cusbitalka Madiina, waxaana wararku ey sheegayaan in naftuba uusan lasoo gaarin cusbitalka.

 

Maalma ka hor ayey aheyd markii sidoo kale la dilay laba masuul oo ka tirsan Maxkamadaha kuwaasoo kala ahaa xildhibaan iyo sarkaal ciidan.

 

Ma cada wali coda ka dambeysa dilka sarkaalkan, laakiin Maxkamadaha ayaa horay u sheegay in uu dagaal kala dhexeeyo kooxda Al-shabaab oo horay uga khaarajisay dad kale.

 

Wixii kusoo kordha kala soco Calanka

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal Sare Oo MMI-da Oo Galabta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 

Muqdisho,21-April-20 09:-Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa xiligii salaad casir kadib ku dilay agagaarka Isgoyska Taleex Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ee taageersan Dowladda Islaamka ee Soomaaliya, waxaana lagu tuhmayaa iney ka dambeeyeen maleeshiyaadka Shababka & Xisbul Islam.

 

Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) ayaa Ilaa saddex ruux oo Bastoolado ku hubeysan dileen, sida uu u xaqiijiyay Afhayeenka Maxkamadaha Sheekh C/raxiin Ciise Caddow. Dhaawac ka soo gaaray rasaastii lala beegsaday Sarkaalkaas ayaa waxaa uu ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina, iyadoo Meydkiisa uu yaalo isla Cusbitaalka.

 

Cagaweyne ayaa lagu xusuustaa dagaaladii Midowgii Maxkamadaha ay kula galeen Magaalada Muqdisho Isbaheysigii Argagixisa la dirirka, isagoona ahaa Afhayeenkii Maxkamada Al-Furqaan, wuxuuna qeyb weyn ka soo qaatay dagaaladii Ciidamada Ethiopia, Marxuumka ayaa sidoo kale aad u taageeray Dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed inkastoo uusan wax xil ah ka qaban. Sarkaalkan ayaa noqonaya sarkaalkii labaad oo ka tirsan Maxkamadaha oo dil qorsheysan lagu qaarijiyo, iyadoona todobaadkii hore isna Wadada Warshadaha lagu dilay Sarkaal la oran jiray Shariif Kariye.

 

Dilkan Sarkaalkan ayaa sii kordhineysa xiisada ka taagan Caasimada ee maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay Kooxaha Muqaawamada, iyadoona maalmo ka hor uu Afhayeenka Maxkamadaha C/raxiin Ciise Caddow uu si cad Alshabaab ugu eedeeyay inay ka dambeeyaan dilalka loo geysanayo Saraakiisha Maxkamadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Sarkaal la toogtay

21 Apr 21, 2009 - 9:20:14 AM

 

Allaha u naxariisteen Sheekh Max'ed Max'ud Jimcale [Cagoweyne] oo ka mid ahaa saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ayaa galabta [5:00 pm] lagu dilay Muqdisho, iyadoo aan la garanayn kooxaha dilkiisa geystay.

 

Marxuumka ayaa lagu toogtay albaabka hore ee dhismaha ay Raabidada Islaamku ka dagan tahay Muqdisho -- agagaarka KM4, waxaana dilay sida ay sheegeen goobjoogayaal dhalinyaro bastoolado ku hubeysan.

 

"Dilka wuxuu ahaa mid ku dhacay si lama filaan ah, waxaana Cagoweyne la dilay isagoo ku fadhiya kursi, labadii wiil ee dilayna way baxsadeen" ayuu yiri goobjooge argagaxsan oo sheegay inuu ku sugnaa meel ku dhow halka sarkaalka lagu dilay.

 

Marxuumka ayaa ahaa madaxii Maxkamadaha Al-furqan, kaasoo taageersanaa dowlada Islaamka, iyadoo aanay jirin weli cid sheegatay mas'uuliyada dilkiisa Sheekh Cagoweyne.

 

"Lama yaqaan dadkii dilay... ilaa afar xabadood ayaa looga dhuftay madaxa iyo laabta" ayay tiri haweeney sheegtay inay xigto ahaayeen marxuumka oo magaceeda ku gaabisay Nasteex, waxaana daqiiqado kadib la qaaday maydkiisa.

 

Ururka hubeysan ee Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeeyay eedo ku aadan inay ka dambeeyaan dilal loo geystay saraakiil ka tirsan Maxkamadaha iyo weerarkii bam ee lala beegsaday Wasiirka arimaha gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar.

 

"Waxaa jira qorshayaal lagu doonayo in lagu dilo saraakiil sarsare oo ka tirsan Maxkamadaha iyo dowlada oo ay wadaan kooxda Al-shabaab, balse gacmaha ma laaban doono" ayuu yiri Afhayeenka Maxkamaduhu ku sheegay maalmo ka hor shir jaraa’id oo u qabtay Saxaafada.

 

Xiisado u dhexeeya kooxda Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa ka taagan Muqdisho, tan iyo markii Muqdisho lagu dilay Xil. C/llaahi Ciise Abtidoon, iyo taliye ciidan oo lagu magacaabi jiray Shariif Max’ed Xasan [Kariye].

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Another Islamic Courts commander killed in Mogadishu

21 Apr 21, 2009 - 9:37:35 AM

 

MOGADISHU, Somalia Apr 21 (Garowe Online) - A senior commander of the Islamic Courts Union (ICU) was gunned down in Mogadishu Tuesday for the second time in six days, Radio Garowe reports.

 

Sheikh Mohamed Mohamud "Agoweyne" was shot to death by two young men armed with pistols, according to witnesses.

 

"He was sitting on a chair when they shot him and escaped," a witness near KM4 area where the incident happened told Puntland-based Radio Garowe.

 

Sheikh Agoweyne was one of the senior ICU commanders who took leading role in the 2006 Islamist uprising.

 

No group has claimed responsibility for the attack, but ICU spokesman Abdirahim Isse Addow blamed Al Shabaab for the assassination of an ICU commander last week. READ: Islamic Courts spokesman threatens Al Shabaab

 

Military tensions are steadily growing between the ICU, which backs the interim government of President Sheikh Sharif Ahmed, and Islamist hardliners like Al Shabaab and Hizbul Islam.

 

Both Al Shabaab and Hizbul Islam are breakaway factions of the ICU, which was Somalia's umbrella Islamist movement in 2006.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this