Sign in to follow this  
Suldaanka

A meeting to strengthen security in LA btw SL officials and local clan Elders

Recommended Posts

guriga6.JPG?0.3060593610125344

 

Shir looga hadlayay amaanka oo maanta ka dhacay Guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood .

 

Waxaa maanta ka dhacay guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen maamulka Somaliland masuuliyiintooda hadda ku sugan gudaha magaalada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo ay la kulmeen.

 

guriga2.JPG?0.5922285568012807

 

 

Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayay xaalada Gobolka iyo sidii xalaadeeda nabad galyo si rasmi ah dib loogu soo celin lahaa iyada oo aysan dhicin wax rabshado ah oo ka dhaca magalaada kuwaas oo ay sameeyaan dadwaynuhu ciidamaduna aysan waxba ugaysan.

 

guriga3.JPG?0.4611939203249929

 

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud (Cali Sandule) oo shirkaasi gudoominayay ayaa waxa uu halkaasi ku furay shirkii shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Odayaal kala matalayay Beelaha Gobolka ayna u hadleen beesha iyo sida Gobolka nabad looga dhalin lahaa.

 

 

Waxaa goobtaasi ka hadlaya Gudoomiyahay Gobolka Cali Sandule,Axmed Cabdi Xaabsade,Ibraahin Caydiid Dhadhable Abaanduulaha ciidamada Somaliland Xuseen Taarwale taliyaha qaybta Police-ka Gobolka iyo qaar kale oo ka mid ah masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka hadda ku sugan iyo waliba Odayaal dhaqameed u hadlayay shacabka.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlayay:-

 

Nabada Galyada Gobolka siday ku soo noqon lahayd.

Gudi Saddex iyo Sodon ah oo Gobolku yeelanayo si ay uwadaan hawlaha Gobolka.

Sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka.

In ay shacabka Gobolka ay isugu yimaadeen wada tashiyo ay kaga wada hadlayaan nabada Gobolka.

Wacyi galin lagu sameeyo dhinaca nabada.

 

 

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan masuuliyiinta maamulka Somaliland ee la wareegay gacan ku haynta magalaada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo qaar kamid ahi ay ka hor yimaadeen maamulka Somaliland in ay ka taliyaan Gobolka.

 

Hadaba shirkii maanta ayaa ahaa mid u muuqday in ay si wayn isugu afgarteen masuuliyiinta Somaliland iyo shacabkii halkaasi isugu yimi ee samaynayay wada tashiyada iyadoo lagu heshiiyay dhamaanba qodobada kor ku xusan maamulka Somaliland hadda u muuqdo mid doonaya inuu kasbado shacabka.

 

Isku soo wada duuboo maamulka Somaliland ayaa waxa ay muddo saddex casho ah u qabteen odayaal dhaqameedkii inay soo af jaraan mudaharaadayaasha ka socda gudaha magalaada oo ay la sameeyaan wada tashiyo dheeri ah haddi kale wixii saddex daa ka danbeeya ay soo galin doonaan ciidan ka Somaliland si uu wax uga qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ It is natural that theives and violence-perpetrators and former loyalists try to take advantage of the lawlessness during the change-over period, in any situation.

 

This is no different. And its a good first step to work together with the local elders and bring back the law and order, inorder for businesses and normal day to day work to resume.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i see tfg moved to hargeeysa nowadays..! Riyaale needed some umf for his election, i guess now sland bu ku madadaalyin las anod baan xureeyey.

 

well soon u will see the amxaaros moving to hargeeysa soon. its called switch and bate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this