Sign in to follow this  
General Duke

Parliment agrees on Baidoa: No more division..

Recommended Posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey in Baydhabo ay noqoto xarunta Dowlada FKMG.

Last Updated::2006-04-22 12:52:21 E. Africa Standard Time

 

1145703943.pjpeg

Baydhabo:- Baarlamaanka Soomaaliyeed ee hada fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa maanta ansixiyey in Baydhabo ay noqoto xarunta DFKMG.

 

Go'aankan ayaa ah kii ugu muhiimsanaa ee uu Baarlamaanka Soomaaliyeed ku dhawaaqo tan iyo intuu yimid magaalada Baydhabo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh oo kalfadhiga Baarlamaanka furay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii loo codeyn lahaa goobta dowlada Federaalka ay xarun ka dhigan doonto inta dib looga noqonayo magaalada Caasimada ah.

 

Kalfadhigii Baarlamaanka maanta ayay kasoo qeyb galeen 183 xildhibaan.

 

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay xildhibaanadii horey labada qeyb ugu kala jabay ay si mideysan ugu codeeyaan halka dowlada Xarun u noqoneysa.

 

Mooshinka lasoo hordhigay Baarlamaanka ayaa qorayey in Jowhar ama Baydhabo ay noqoto goobaha ay dowlada xarumaha kasii dhiganeyso inta Magaalada Muqdisho nidaam iyo nabad loogu helayo.

 

182 xildhibaan ayaa ayagu maanta u codeeyey in Baydhabo ay noqoto xarunta kumeel gaarka ah ee dowlada Federaalka Soomaaliya. Halka uu ka aamusay inuu codeeyo 1 xildhibaan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday go'aanka Baarlamaanka, asagoo sheegay in la ansixiyey in Baydhabo ay noqoto Xarunta Kumeel gaarka ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo oo noqtay xarunta KMG ah ee DFKMG ah

 

1145703943.pjpeg

 

Waxaa maanta kulan ballaaran isugu yimid hoolka xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo....

 

 

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.

 

Xildhibanda ayaa kaga dooday fadhigooda maanta mooshin ay soo gudbiyeen 86 xildhibaan oo ku saabsan halka ay ku shaqeyneyso dowladda Federaalka magaalooyinka Baydhabo & Jowhar.

 

Dood ka dib ayaa xildhibanada Barlamanka ay u qadeen cod bixin goobta dowlada Federalka u noqoneysa xarunta ku meel gaarka ah.

 

Waxa u codeeyay in ay Baydhabo noqoto xarunta ku meel gaar ah Dowlada Federalka 182 xubnood halka uu ka aamusey hal xildhibaan.

 

Kalfadhiga Barlamanka ayaa waxa maanta ka soo qayb galey xildhibaano tiradoodu ay gaareyso 183 taas oo ka dhigeysa markii ugu horaysay oo si mideysan ay ugu codeeyaan Mooshin la horkeeno.

 

Cod bixinta maanta ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay ra'isal wasaare Geedi iyo Gudoomiyaha Shabeelada Dhexe oo u ololeynayay in golaha wasiirada iyo madaxwaynaha DFKMG ah ay si ku meel gaar ah saldhig ugu sii ahaato Jowhar.

 

Weli wax war ah kama soo bixin Maxamad Dheere oo dhowaan heshiis ay dhexdhexaadisay dowlada Etoopiya la galey Madaxwayne Cabdulahi Yusuf.

 

Garoweonline news

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

let us wait and see how long their can hold their act together, before one member organizes his militia and murders innocent lives in Moqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This parliament seems to be the most irrisponsible and counter productive one in somali history. Supposedly, this desicion effects all branchs of the government. These people seem not to have learned from prevous mistakes because hasty disicions like this which are made without the consultation of other branchs of government have been the couse of prevous division. The president is outside the country and we know that xukumadda wants to work from jowhar. This brings me confusion (are members of the Xukuma also members of barlamaan?) that i have not been able to clear up so if any one can clear it up for please do. It was the intention of the government (The president and the cabinet)to base different branchs in different regions to spread governance while the capital is staplized. I for one fail to see any benefits to basing the entire government in that insecure and lack-luster city of baydhaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this