Sign in to follow this  
Jacaylbaro

How Alshabaab Treat the Pirates

Recommended Posts

Maxkamaddaa Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta waxaa ay xakun ah Xadul Xiraabah oo ah in lug iyo gacan laga gooyo ku riday 4-dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay geysteen falal burcadnimo ah.

 

Xukunkaani oo ay riday Maxkamada Dambiyada ee Xarakatul Shabaabul Mujaahiidiin ayaa maanta waxaa lagu riday ilaa 4-dhalinyaro ah kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay falal dhac ah ka geysan jireen xaafadaha Magaalada Muqdisho islamarkaana dadka ay ka qaadan jireen waxyaabaha ay wataan sida taleefanada gacanta lagu qaato iyo alaabo kale.

 

Sheekh Cabdi Xaq oo ah Qaaliga maxkamada xukunkaani ku riday dhalinyaradaani ayaa waxaa uu sheegay in gacan iyo lug is dhaaf ah ay ku xakuntay maxkamadu in laga jaro dhalinyaradaani iyo sidoo kale in lagala wareego hubkii ay dadka ku dhici jireen iyo waxyaabihii ay dhaceen in dadka loo celiyo.

 

Dhalinyaradaani maanta la xakumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cali Max’uud Cali Geedi,ismaaciil qaliif Cabdule,Jeylaani Max’ed Xaaji iyo Cabdi Qaadir Cadoow Hiiraale.

 

Dhinaca kale sheekh Cali Xuseen Max’ed oo ah Wakiilka gobolka Banaadir ee Xakarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo isna goobtaasi ka hadlayay ayaa waxaa uu digniin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee raashinka iyo dawoyinka dhacay soo galiya Suuqyada Magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in hadii arintaasi ay ka waantaabi waayaan xukun nuucaani oo kale ah lagu raido doono.

 

 

 

Goobta xukunkaani maanta lagu ridayay ayaa waxaa soo buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo dumar ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho islamarkaana u soo daawasho tagay qaabka xukunkaasi loo riday in kastoo fulinta xukunkaasi dib loo dhigay maadaama xiligu uu ahaa mid kulul.

 

Ma’ahan markii ugu horaysay Ee Maxkamada Dambiyada ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay xukuno nuucaani oo kale ah ay ku rido dad lagu soo eedeeyay Dambiyo kala duwan iyadoona kal hore xukuno nuucaani oo kale ah ka fulisay Gudaha Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
-Lily-   

I thought some leniency to teens who stole mobiles would be better than disabling them. I'm sure a serious warning from AlShabab milita would stop them from reoffending. I don’t think anyone would steal a mobile if it would cost them an arm & a leg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Goodir   

^You have not seen the video of Shabaab teen militia going through the pockets of dead body in Moqdisho street. Was posted here awhile ago.

 

Moqdisho have not seen crooks other than Shabaab themselves. But a crook with Kitaab on left hand and blood on the right.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Those are not pirates just land moory@@ns who are stealing people's property. It's them who are taking advantage of the situation and there is no wrong time in dealing with thiefs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this