Sign in to follow this  
Liibaan

Suldaan Galaal Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Xisbigii Naasiga, Siilaanyana Hitler

Recommended Posts

Liibaan   

suldaan-Galaal.jpg

 

Suldaan Galaal Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Xisbigii Naasiga Ee Hitler Kana Digay Haddii uu Ku Guulaysto Doorashada Inuu Dalka Dagaal Sokeeye Ka Dhici dooono

 

Qabyaalad, Isir Nacayb, Been = Kulmiye

 

nazi-2-copy.png

“Rayaale Beesha Reer Karbala (****-- clan) Dhabtooda Kuma Jiifo ee Iyagaa dhabtiisa ku Jiifa oo is Baday Waana Buste ay Dhaxanta Ka Galeen”

 

Hargeysa(Ramaas) Oct. 20, 2009 - Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen (Gallaal), oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Hargeysa ayaa caawa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku sifeeyay mid la mid ah xisbigii Naasiga ee Hitlar, waxaanu sheegay in haddii uu xisbigaasi uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada inuu dalka ka dhici doono dagaal sokeeye.

 

Suldaan Galaal wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu caawa la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Ramaas News, oo uu sheegay inuu fariin u gudbinayo shacbiga. Waxaanu xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay ku jiraan koox uu xusay inay dalka ka rideen dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 1994-kii illaa 1996-kii, waxaanu yidhi “Adeer Caawa waxaan halkan idiinku imid inaan idiin sheego arrrin aan doonayo inaan gudbiyo, Ilaahay mahadii dalkii wuu qaboobay oo roobkii wuu inoo shubay, xisbiyadiina way heshiiyeen markii lix qodob dalka dibadiisa la inooga soo yeedhiyay. Anigu waxaan sheegayaa wax aan dad badan u muuqan, waxani ma aha wax aan fidno hurida ku kicinayo ee waa wax aan u sheegayo dadka inta aan waxba la socon. Waxa ii muuqata in dalka halisi ay ku soo socoto oo ay arrintu ay ka weyn tahay xisbiyo is haysta iyo UDUB oo kordhisanaysa’e waxa weeyaan qoladeenan reer Karbala (****) dhexdiisa waxaynu nahay dad isu yimid oo biyaha wada cabayee siyaasiyan looma heshiin dagaal xun oo sokeeye ayaa dhacay. Dagaalkaasi waxaan leeyahay ma aanu heshiin dadkii aanu is dilaynay saaxiibadaydii kale ee Kornayladdiina waa kuwan hanjabaya ee leh dhangad ayaanu kaga soo saaraynaa madaxtooyada wadaadkan (Madaxweynaha) ah jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee aynu biyahaba isaga ku wada cabno. Anigu badow baan ahay oo xisbiyo iyo waxba ma aqaano ee qabaa’il is dilay ayaan aqaanaa oo la heshiisiinayo.”

 

Suldaanku wuxuu sheegay in xataa KULMIYE haddii uu ku yimaado sifo sharci ah aanay yeelaynin, waxaanu yidhi “Xataa haddii ay sharciyan ku yimaadaan xisbiga aan tilmaamayo ee aan garanayaa ee Xisbiga KULMIYE Siilaanyo waa siyaasigeenii waa inaadeerkay habarjeclo waa reer qiimo badan nagu leh anaga oo aan jeclahay. Xisbigaasi wuxuu u eg yahay xisbigii Naasiga ee Hitler, canaasiir baa ku jirta doonaysa inay xukunka markay qabsadaan dagaalka bilaabaan. Waxaabihii berigii dhawayd la doonayay in la adeegsado Xildhibaano ee mooshinka maamuus ka xayuubinta ahaa waxba kama jiraan.”

 

“Xisbiga UDUB ee uu ka tagay Marxuum- Cigaal ayaa la iskugu tagay ee imika Madaxweyne Rayaale taladiisa uu hayo, kuwa aan ka hadlayo (KULMIYE) ee aanu isugu daran nahay ee aan leeyahay diyaar baan idiin ahay haddii aad timaadaan waxaanu ku kala badbaadi karnaa xisbigan UDUB oo yimaada.

Xisbigan Faysal Cali Waraabe UCID waa xisbi cusub ninka taageerayaa isagay jirtaa, laakiin ma aqbalayo KULMIYE mana aqaano sharci ee xukunka haddii uu qabsado dagaal baa dhacaya.,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu intaasi ku daray “Intii yarayd ayay kala fadhiisatay, hanbada yar ee reer Karbala (****) uma ogoli dagaal dambe in la heshiisiiyo mooyaane’e, marxaladu waxay maraysaa halkii 1994-kii oo kale. Anigu nin laaluush qaate ah ma ihi haddii aan Gallaal ahay waxaan shacbiga leeyahay haddii KULMIYE soo baxo dagaal baa dhacaya.”

 

Markii uu farriintiisaasi dhameeyay waxay Weriyaha Shabakada wararka ee Ramaas News ee Somaliland Cumar Maxamed Faarax, uu weydiiyay Suldaankan su’aalo u dhacay sidan:-

 

S: Suldaan Xisbi qaran oo sifo sharci ah ku dhisan, ayaad xisbigii Naasiga ku sifeysay, arrimahan aad ka hadlaysana waa laga soo gudbay oo dagaalkii sokeeye waa laga heshiiyay, waa maxay waxan ku soo kiciyay?

 

J: Waxaan sidaas adag ugu cabiray xisbiga KULMIYE, Siilaanyo waa siyaasigayagii oo waanu ixtiraamnaa, laakiin wuxuu dhufays u noqday meeshii iyo cidii aanu dagaalkii sokeeye u aanaynaynay ee riday ee aanu caddaanka u hayno. Dadka leh waxba la soo dhaafay waa carruur aan waxba ogayn.

 

S: Dad badan oo aan dagaal ridin ayaa ku jira KULMIYE oo shakhsiyaadka aad eedaynaysana aan ahayn waayo kuwa aad sida gaarka ah u eedaynaysaa?

 

J: Shakhsiyaad la isla yaqaano weeye, Anaga rag badan ayaa (****) ahaan nagaga jira KULMIYE, laakiin waxa weeye adeer ***** dagaalkii ka dib muu heshiin markaa xisbi hirgeli karaa oo aan ahayn UDUB ma jiro. Xisbigani wuu calaamadsan yahay. Waxaan ka turjumayaa shucuurta beesha ****?

 

S: Waxaad ahayd Suldaankii xiligaasi aad sheegayso dagaalkii sokeeye ka soo shaqeeyay nabada ee habeen madow soo raray maleeshiyadii beeshiisa Hargeysa keenay, maanta oo ay ka dambaysay dhawr iyo toban sano miyaan la is odhan karin Suldaanku ma aha kii hore?

 

J: Ta aan dhaliyay ee aan ilaalinayaa waa tan (Somaliland), laakiin anigu kooxdii aanu is dilay ee macruufka ahayd ma aanu heshiin ama calan ha sameystaan ama xisbiye’e. waxaan ogahay in haddii aan laga hortagin uu dagaal sokeeye dhacayo maadaama xubnihii firfircoonaa ee dagaalka riday ay hanjabayaan. Umma olalaynayo UDUB laakiin badbaadada dadkan magaca ***** sheeganaya siday ku bad baadayaan ayaan wadaa.

 

Rayaale beesha reer Karbala (****) dhabtooda kuma jiifo ee iyagaa dhabtiisa ku jiifa oo is baday waana u buste ay dhaxanta ka galeen. Anigu tallada aan bixinayaa waxa weeye haddii uu kaasi (Madaxweynuhu) meesha ka tago waa la is cunayaa.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

i like this guy he is a crazy one....but i hate kulmiye and i think its party of division and tribal conflict...we got to be very careful thats why i would rather support Riyale or UCID (Warabe).

Share this post


Link to post
Share on other sites

With this, suldan Galaal is loosing his face. Long time in hibernation and he just woke up with this ??? ,,,,,,,, I wonder how much he got this time ,,, waxaas kaga qaylisiiyay walee ma yara ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulmiye wa hormar wa cadaalad wa nidaam wa nadiif wa snm, wa in la tageero.

 

Odaygan koofiyada jacdadan xiidhan, daahir riyaale biliyaa waxa la yidha oo kaliyaa 1994 dadka xasuusii, ileen mar alaale markay doorashado soo dhawaato. 1994 ba la xasuusta, war 1994 Dawlad iyo hormar ino dhisii mayso Biyo na hargeysa inoga soo saarii mayso , dhalinyarteenu na joojin mayaan tahriibta. Ictraaf la aantu na halkaasay jooogaysa eeh. Odaygan daahir riyaale eeh kursiga ku dhagay ma iska baddalna.Eeh bartay siida wax loo cunno oo kaliya, qaar ba ku leh haday dawlad cusubii timaado. dee iyaku na wax bay cunayaan , kuwan ba soo dhargay kuwan aynu uu dayno.Caqligaasaynu wax ka sugayna. ummaadasa la leeyahay qarran noqda. Marka anigu waxan fahmi layahay odaygan suldaan ku sheega karamadi ilahay ha ka qaado eeh maxaad uga hadlaysa 1994 iyo dagaaladii sokeeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by GAAROODI:

i like this guy he is a crazy one....but i hate kulmiye and i think its party of division and tribal conflict...we got to be very careful thats why i would rather support Riyale or UCID (Warabe).

They are very popular in Somaliland especially in the region of gabiley hargeisa ceerigabo burco , the kulmiye party

You didn’t even give them a chance , how can u say they are already bad I cant say udub is bad but I have seen them the passed 7 years , with zero accomplishment , there for we need another direction. Clown faisal cant be taken serious. So the only option is Hon muj axmed Maxammad Maxamuud silanyo. I used to support udub till 2006 , but these guys are as corrupt as hell. That’s why I want to give some one else a chance besides the elections of Somaliland should of happened in 2008. And they are still not going to take place. Maybe in 2011 or 2020 who knows.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

With this, suldan Galaal is loosing his face. Long time in hibernation and he just woke up with this ??? ,,,,,,,, I wonder how much he got this time ,,, waxaas kaga qaylisiiyay walee ma yara ,,

 

toloow ma Cabdi waraaba soo-kiciye odayga. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juma nne i dont understand yaa horta 1994 lugu xuuxiya cabdii waraabe was the biggest maryo alool of them all. Isaga iyo selebaan gaal iyo Silanyo iyo sulub intuba Instructionska cigaal bay qadaan jiireen, marka maanta maxa dadkii loo xasuusiinaya 1994 , fahmi waye anigu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this