Sign in to follow this  
Haatu

I'm sure we all need a break from northern news - The TFG and AMISOM

Recommended Posts

Haatu   

Afhayeenka AMISOM “Howlgalkeena uma istaagayo askar la dilo iyo taangi la gubo”

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Gaashaanla sare Bariijiya Bahuuko oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay leedahay qorshe, kaasi oo ah mid nabada iyo xasiloonida loogu soo celinayo dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in hadafkoodu uu yahay taageerida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo soo celin lahaa dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho.

 

Bariijiya Bahuuko waxaa uu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in ciidamadoodu ay dagaalo maalmihii ugu dambeeyay kula galeen Xoogaga ka soo horjeeda degmooyinka Shibis, C/casiis iyo Kaaraan isagoona sheegay in halkaasi ay kaga geeriyootay labo askari islamarkaana uu uga gubtay hal taangi oo uu tilmaamay in cilad farasamo uu u gubtay.

 

Waxaa uu hadalkiisa sii daba dhigay in taangi gubta iyo askar ka geeriyoota uusan u istaagi doonin howlgalkooda, islamarkaana markii Soomaaliya ay nabad ka dhaliyaan ay ka tagi doonaan, waxuuna tilmaamay in uu hubo in mar uun Soomaaliya nabad ay ka dhalan doonto dadka dabida ku maqan iyo kuwa barakaceyna ay dib ugu soo laaban doonaan Soomaaliya oo nabad ah.

 

Sidoo kale waxaa uu Sheegay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiya Bahuuko in kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo AMISOM ay maalgaliyaan wadamo shisheeye kuwaasi oo uu sheegay inaysan marnaba dooneyn in ay nabad ka islaaxdo dalka Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay in xiligaani loo baahanyahay in hubka la dhigo lana wada hadlo.

 

Dhawaan ayaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab waxaa ay sheegteen in Ciidamada AMISOM ay ka dileen dhowr askari islamarkaana ay ka gubeen gaari Taangi ah walow markii dambe hadalkaasi uu beeniyay afhayeenka AMISOM Bariijiya Bahuuko xili uu la hadlayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha ah

 

Mudane ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka federalka Soomaaliy ayaa Maanta barqadii ku geeriyooday gudaha Magaalada Muqdisho kaddib markii uu maalmihii ugu dambeeyay ka sheeganayay xanuuno dhinaca wadnaha ah oo ugu dambeyntii sababtay inuu maanta u geeriyoodo.

 

Xildhibaan Cali Max’ed Cali oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu xaqiijiyay geerida Xildhibaan Max’ed Ibraahim Diikoo oo ka mid ahaa mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu ahaa nin aad u wanaagsan oo hawl kar ah.

 

Wuxuu sheegay xildhibaankaasi in geerida xildhibaanka ay ku timid isagoo horfadhiya gurigiisa markii uu ku booday xanuun dhinaca wadnaha ah, iyadoo daqiiqado kadibna ay naftu ka baxday, waxaana soconaya qabanqaabo lagu aasayo marxuumka oo ay wadaan xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka.

 

Xildhibaanka geeriyooday Maxamed Ibraahim Diikoow ayaa shaqooyin kala duwan waxaa uu ka soo qabtey Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe xiligii dowladii Max’ed Siyaad Barre, waxaana la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu hayay xanuun dhinaca wadnaha ah, waxa uuna xildhibaanka ifka kaga tagay xaas iyo caruur fara badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Gashaanle sare Bariijiya Bahuuko

 

ilaahow xoolo hanaga dhigin bal umad dhan oo askari xunoo afrikaana inuu wax u qabto ka sugaaya miyaad aragteen.

 

walahi dadkii somalia danyeer ayay noqdeen, for goodness sake even his name is bariijiya bahuuka.

 

loooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Qudhac:

Gashaanle sare Bariijiya Bahuuko

 

ilaahow xoolo hanaga dhigin bal umad dhan oo askari xunoo afrikaana inuu wax u qabto ka sugaaya miyaad aragteen.

 

walahi dadkii somalia danyeer ayay noqdeen, for goodness sake even his name is bariijiya bahuuka.

 

loooooooool

Qudhac I'm sure you're tired of SSC this, S/land this and last but not least P/land this. Let's have a break for once.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Qudhac, I'm talking about the general discussions nowadays. All I'm saying is let's hear about something else. That's all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this