Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Xaglajiifiye arrested in Kenya Nairobi

Recommended Posts

Xaglotoosiye Iyo Sabarey Oo Maanta Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Nairobi-

Lasanod Online. Thursday, March 25, 2010

 

Nairobi,(lasanod Online)- Waxaa subaxnimadii saaka xiliga Nairobi lagu xidhay garoonka Diyaaradaha ee magaaladaas, hogaankii SSC ee lagu doortay Shirkii Nairobi.

 

 

Saleeban Xaglotoosiye iyo Cali Sabaray ayaa qorshahoodu ahaa inay ka dhoofaan Nairobi iyagoo kusoo socda dhinaca Somalia.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Sirdoonka Kenya qabteen hogaanka, kadibna la geeyey xafiiska sirdoonka ee ku yaal Nairobi. halkaas oo weli ay ku xidhanyihiin, ilaa iyo hadana aan la ogeyn meel ay ku suganyihiin.

 

Waxaana Wararku intaa ku darayaan in dadaal badan iyo waasto loogu jiro sidii xoriyadooda dib loogu siin lahaa.

 

Booliska Kenya ayaa sheegay in Suleyman Ciise xaglotoosiye oo haysta dhalashada dalka Mareykanka, isla markaana inuu magaciisu ku jiro liiska argagixisada.

 

 

kala socda Shabakadda LASANOD wixii war ah ee kasoo kordha xadhiga Hogaanka.

 

 

 

Wariye: Abdiqadir M. Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliska dalka Kenya oo qabtay sadex nin oo soomaali ah oo looga shakisan yahay falal argagixisnimo Nairobi, Kenya (Calanka.com ) 25-Maarso-2010

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay sadex nin oo Soomaali ah kuwaasoo looga shakisan yahay argagixisnimo, waxaana la qabtay iyaga oo u socdaalaya dhankaas iyo dalka Somaliya.

 

Mid ka mid ah raggasi la qabtay ayaa waxa uu haystaa dhalashada dalka Mareykanka, waxaana uu ku jiray liiska argagixisada ee sirdoonka Mareykanka, sida ay sheegeen boolisku.

 

Labada kale ayaanan wali la sheegin dokumintiyada ay haystaan, balse waxaa la sheegayaa in ay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida.

 

Ninka haysta dhalashada Mareykanka islamarkaana ku jira liiska argagixisada ayaa magaciisa lagu sheegay Saleebaan Ciise.

 

Dalka Somaliya ayay ka galayeen dhanka koonfurta halkaasoo ay gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab ee lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin.

 

Dhalinyaro badan oo Somali Mareykan ah ayaa ku biiray kooxaha Somaliya ka dagaalama, waxaana ay qaarkood ku dhinteen dagaaladii kala duwanaa ee Somaliya ka dhacay.

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr: Saleebaan Ciise Axmed Kaar iyo wafti la socday oo lagu xidhay Nayroobi.

Warkii 25-Mar-2010 iyo Qormadii: NEWS

Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar oo madax ka ah hogaan beesha SSC ku samaysatay magaalada Nayroobi ayaa iyaga oo ka soo dhoofi lahaa magaalada Nayroobi,kuna soo jeeday garoonka diyaaradaha ee degmada Bandiiradley ee gobolka Galgaduud,si ay ug sii gudbaan dhinaca gobolka SSB ayaa waxa ciidanka sirdoonka Kenya ka qabteen gegida diyaaradaha.

 

Hogaamiye Saleebaan oo uu weheliyey Col Sabarey ayaa waxa loo kaxaystay saldhiga ciidanka,halkaas oo lagu weydiiyey su'aalo ku saabsan dacwad uu maamulka Puntland u soo gudbiyey ciidanka Kenya,kuwaasoo sheegayey in hogaanka SSC uu yahay urur argagixiso,isla markaana uu qorshohoodu yahay inay dagaalo ka abuuraan Puntland,khatarna ku yihiih jiritaanka iyo nabada Puntland.

Dr Saleebaan ayaa dhamaan eedayntaas diiday,isaga oo sheegay inuu yahay hogaamiye ay beeshiisu dooratay,aanuna wax dhib ah ku haynin cid kale,balse uu fulinayo oo keliya waxa odayaasha iyo waxgaradka beeshiisu go'aamiyaan.

Waftigaas ayaa sida ay noo sheegeen dad aad ugu dhowi waxa la soo hordhigay qoraalo laga soo diray Puntland oo dacwad ah,waxaana lagu amray inay ku noqdaan dhinaca wadamadii ay ka yimaadeen,oo aanay u gudbi karin dhinaca Soomaaliya,khaas ahaan Puntland.

Hogaanka ayaa sidoo kale waxa ay isku dayeen inay Soomaaliya ka soo galaan dhinaca Ethopia,taasoo u suurogeli weydey,kadib markii sidoo kale maamulka Puntland uu ka gudbiyey dacwad ka dhan ah hogaanka.

Waxaa sidoo kale hogaanka lagu dacweeyey wadanka Jabuuti,oo loo gudbiyey dacwado kuwaas la mid ah.

Waxaa adkaanaysa inay hogaanku soo galaan wadanka Soomaaliya,waxaana dacwado kuwaasoo kale ah loo gudbiyey wadamadii ay ka yimaadeen ee Maraykanka,iyo Iskaadineefiyaanka,iyaga oo laga yaabo inay dhibaatooyin kala kulmaan wadamadii ay degenaayeen.

Maamulka Puntland ayaa kula jira dagaal nooc kasta ah hogaankii Nayroobi iyo weliba garaadada aan maamulkaas taageersanayn ee ku sugan madasha Buuro-Wadal.

Sidoo kale waxaa xabsiga magaalada Garoowe la dhigay xubin ka tirsan golaha khasuusida ee fadhigoodu yahay tuuladaq Buurowdal ee gobolka Sool,waxaana maamulka Puntland ay u gudbiyeen ciidanka maamulkaas magacyada golaha khasuusida,iyo weliba hogaanka SSC,kuwaasoo hadii la arko xabsiga loo taxaabayo.

Wararka aan ka helayno Nayroobi ayaa sheegaya in dr Saleebaan iyo odayaashii la socdayba hada la sii daayey oo ay damiin ku joogaan Nayroobi,mana cada talaabada tan ku xigta ee ay qaadi doonaan.

Afhayeenka hogaanka Nayroobi oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in mu'aamarad loo sameeyey hogaanka SSC,oo lagu bixiyey lacag dhan milion oo lacagta Kenya ah,lacagtaas oo sida masuulkaasi sheegay ay bixiyeen maamulka Puntland.

Wararka ka soo kordha xadhiga hogaanka ha ka fogaan Afnugaal.com

Afnugaal News Desk.

Contact:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiye Saleebaan oo uu weheliyey Col Sabarey ayaa waxa loo kaxaystay saldhiga ciidanka,halkaas oo lagu weydiiyey su'aalo ku saabsan dacwad uu maamulka Puntland u soo gudbiyey ciidanka Kenya,kuwaasoo sheegayey in hogaanka SSC uu yahay urur argagixiso,isla markaana uu qorshohoodu yahay inay dagaalo ka abuuraan Puntland,khatarna ku yihiih jiritaanka iyo nabada Puntland.

:D:D:D bugland wey shaqeysanaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

NAIROBI, Kenya, Mar 25 - Police in Nairobi have arrested three more suspected terrorists at the Wilson airport.

 

The suspects were arrested on Thursday morning as they reportedly made arrangements to travel to Mogadishu, according to police.

 

“The three suspects are being questioned to establish their activities in the country. They are being investigated over terrorism activities,” a police source said.

 

A police officer who is privy to the investigation against the three suspects said they were in possession of Kenyan, Australian and American passports.

 

“There are no specific charges against these three, but they are under investigation. We will let you know of the progress and if they will be charged in court,” the source added.

 

Anti-Terrorism Police Unit Chief Nicholas Kamwende when reached on telephone said “I am not aware of that.”

 

Police officers at the Wilson airport said the suspects were picked up by anti-terrorism officers who whisked them away to their offices in Nairobi Area.

 

The name of one of the three was almost similar to that of a terror suspect who fled from a police station in Busia, sparking anxiety amongst police officers who arrested him.

 

“We have since established it is a different person but we are still interrogating them,” another officer said.

 

On Wednesday, four other suspected terrorists were arrested in Mombasa and were due to be flown to Nairobi for further interrogation.

 

 

Read more: http://www.capitalfm.co.ke/news/Kenyanews/Kenyan-police-arrest-3-more-terror-suspects-7907.html#ixzz 0jDzAOXKK

Under Creative Commons License: Attribution Non-Commercial No Derivatives.

.................................................................................................... ................................................

 

 

NAIROBI, Kenya — Officials say Kenyan police have arrested an American of Somali origin who is on a terror watch list as he and two associates attempted to fly to Somalia.

 

Nicholas Kamwende, the chief of Kenya's anti-terrorism police arm, confirmed Thursday's arrests but declined to give details.

 

 

Another Kenyan police official identified the American as Suleman Essa. The official spoke on condition of anonymity because he is not authorized to speak with the press.

 

The official says Essa, Canadian Ahmed Ali Hassan and Kenyan Muhammed Hussein Hash were about to board a plane ferrying aid to Somalia when they were arrested. Many ethnic Somalis who grew up abroad, including in the U.S., have traveled back to Somalia to take part in an ongoing insurgency there.

 

Source:AP.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

War saxaafadeed uu soo saaray Afhayeen Hogaanka badbaadinta iyo midnimada SSC

 

Mudane Ahmed Gacmo-Yare oo ah afhayeenka hogaanka mideynta iyo badbaadinta gobolada ssc Kenya oo war saxaafadeed ka bixiyey dacdadii maanta Ee Wilson Airport..

 

Warsaxaafadeed - Audio

 

Xaaji, your celeberation shows your fear and nightmares. Hogaanku waa free and wuu soo socdaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The poor guy is in trouble being accused of having links With terrorism, and extremist in Somalia, Do you really think 3 men touring in Kenya Can harm any one lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this