Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: return of Xasan Turki from vacume. JVA between a rock and a hard place

Recommended Posts

xassan_turki.jpg

Shiekh Xasan Turki

 

Xassan Turki oo Aljazeera Wareysi siiyey oo sheegay in ay diyaargarow ku jiraan (Daawo Sawiro)

Last Updated::2007-09-14 18:03:05

 

Muqdisho:- Telefishonka Aljazeera ayaa maanta siidaayey Wareysi khaas ah oo ay la yeesheen Shiikh Xassan turki oo kamid ahaa

hogaamiyaashii maxaakiimtii laga saaray gobalada Koonfurta Soomaaliya.

 

Sheekh Xasan C/llaahi Xersi oo loo yaqaan (Xasan Turki) ayaa waxaa wareysi filim ah kasoo qaaday koox suxufiyiin ah oo dhawaan booqasho ku tagay Goobo aan la magacaabin oo ku yaal hawda gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Waxaana halkaasi ka muuqday tiro kamid ah maleeshiyooyinkii maxaakiimta oo tababaro halkaasi ku qaadanaya.

 

 

Waxaana warbixintan ka muuqday kooxahan oo xabado shiish barad ah ku dhufanaya Alwaaxyo lagu xardhay magacyada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Geedi, Raíisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Magaca Madaxweynaha Maraykanka Mr.Bush.

 

 

Sheekh Xasan Turki ayaa sheegay in uu furay xarun ciidamadan lagu barayo dagaalyahanadan sidii ay u geli lahaayeen dagaal daba dheerada oo ay la galaan dowlada Soomaaliya iyo kuwa taageera oo uu sheegay inuu hormuud u yahay dalka Maraykanka.

 

 

Shiikh Turki ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa qaraxyadii safaaradihii Maraykanka ee dalalka Tanzaniya iyo Kenya ka dhacay sanadkii 1998dii, falalkaasi oo horey loogu eedeeyey kooxo islaamiyiin ah oo la sheegay in ay gacansaar la leeyihiin kooxahan ku sugan koonfurta dalka Soomaaliya.

 

 

Kooxdan uu hormuudka u yahay Xassan Turki ayaa hada ku sugan goob aan shaacin, ayagoo sheegay in ay ka dhuumanayaan diyaaradaha Maraykanka, oo ay sheegeen in ay duqeyn ba'an u geysteen, isla markaana hada weli dul heehaabaan goobo kamid ah koonfurta Soomaaliya.

 

 

Warbixinadan la xariira maleeshiyooyinkii ka haray Maxaakiimtii islaamiga ayaa kusoo beegmay xili urur cusub looga dhawaaqay shirkii Mucaaradka uga socda dalka Eritera caasimadiisa Asmara.

 

 

Shiikh Xassan Turki ayaa ka dhawaajiyey dagaalada ay qaadi doonaan inuu ahaan doono mid qarsoodi ah, asagoo carabka ku dhuftay in dagaalyahanadooda ay hada ka dagaalamaan gudaha magaalada Muqdisho.

 

 

Xassan Turki ayaa baaq udiray shacabka dalka Kenya, oo uu sheegay in ay soo doortaan dowlad cusub oo ka gedisan tan hada dalkaasi ka jirta.

 

 

Xassan turki oo hadalkiisan ku beegay xili ay ololaha doorashooyinka ka socdaan dalka Kenya, ayaa sheegay in Xukuumada Kibaki ay khilaaf iyo xumaan dhex dhigtay Soomaalida iyo Kenyaatiga. Asagoo intaasi raaciyey in ay iska illaawi doonaan waxaas oo xumaan ah hadii dowlad cusub lasoo doorto.

 

Kooxahan ku sugan goobo kamid ah Koonfurta Soomaliya ayaa waxaa ku jira dagaalyahano ajaanib ah, ayadoo markoodii ugu horeeyey lagu arkay shaashadaha caalamka.

 

Kooxdan ayaa sheegay in ay dagaal xun la geli doonaan ciidamada DFKMG, kuwa Itoobiya, dalka Ugandha, Kenya iyo Maraykanka.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiyaha labaad ee Kooxda Al-Shabaab Xasan Al-Turki oo Maleeshiyo kamid ah Maxaakimtii Burburtey ku tababaraya Keymaha Buur-gaabo ee G/Jubooyinka

Xasan C/llaahi Xersi “Xasan Al-Turki” oo ka mid ah Golahii Shuuradda ee Maxaakimti Beelaha Midoobay,ayaa waxa uu keymaha G/Jubooyinka ka sameystay Xarun lagu Tababaro Maleeshiyadkii Maxaakim Beeledka,iyadoo ay halkaana si weyn isugu uruursanaya.

 

Xasan Turki oo ah Hogaamiyaha labaad ee Kooxda Xagjirka Al-Shabab ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Weriyayaal ka socday TVga ee xaruntiisa dhexe tahay A dalka Qatar ee Al-Jazeera,iyadoo Wariyayaashana ay halkaa ku booqdeen,waxaana ay Wariyayaasha soo bandhigeen Filim Soconaya 30-Daqiiqo oo toos kaa oo lagu soo bandhigay iyadoo Maleeshiyada la barayo sida wax loo qarxiyo,iyo sidoo kale iyagoo sameynayey leylin adag oo dhinaca liifka ah ama toogashada ah.

 

Xerooyinka ay Maleeshiyada Maxaakimta ku tababaranayey ayaa waxa ay ku yaalaan dhulka kaymaha Koonfurta Somalia Sida uu sheegay Wariyaha Al-Jazeera ee Soo tabanayey Warbixinta Xerooyinka Maleeshiyada Maxaakimta.

 

Xasan Turki ayaa Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Xeradda Tababarka uga asaasay Koonfurta Somalia,waxa uu sheegay in xaallad dagaal lagu jiro,isla markaana ay geli doonaan dagaal muddo dheerqaata,waa sida uu hadalka u dhigay Hogaamiayahaas labaad ee Kooxda xiriirka la leh Al-Qacida.

 

Maleeshiyada Maxaakimta ayaa waxa ay baqdin xoogan dhinaca kale ka muujiyen Weerar Suurtagal ah in Hawada ay uga soo qaadaan Ciidamada Dawlada Federaalka iyo Nabad ilaaliayaasha Ethopai,waxaana ay sheegen in baqdntaa ay tahay mid taagan.

 

 

Xasan turki ayaa intii ay Wariyayaasha la joogeen waxa uu tusay gawaari dagaal oo ay burburiyen Diyaardaha Dagaalka Mareykanka xiliyadii Duqeynta lagu waday.

 

si kastaba Cajaladaan muuqaalka ah ayaa waxa ay ku soo beegmaysay xili maanta mas'uul ka tirsan Mareykanka ku sheega in Usama uu jooga Somalia

Warbixinta uu Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey Xeradda Tababarka ee uu Sheekh Xasan C/llaahi Xeri “Xasan Turki” ka furay Koonfurta Somalia, ayaa lagu sheegay in Kooxda.

 

Weriyayaasha ee Wareysiga iyo Filimka soo qaaday indhaha laga waada xiray, isla markaana ay hayinka u qabteen dagaalyahanno hubeysan, si aysan Kooxda Suxufiyiinta u aqoonsanin halka ay Xeradda Tababarka ku taallo.

 

Waxayna Wertiyayaasha tilmaameen in indhaha laga furay marka la geeyey barxad weyn oo ay Dagaalyahannadda ku tababar-qaataan noocyadda hubka fudud iyo kuwa culus.

 

Dagaalyahannadda, ayaa la sheegay inay qaarkood toogasho ku baranayeen dhowr alwaax oo lagu dul-qoray magacyadda Madaxweynaha Maraykanka, Ra’isu-wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi, waa sida lagu xusay Warbxiina uu Telefishinka Aljazeera ka diyaariyey Tababarkaasi.

 

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan in Xeradda ay Dagaalyahannadda Kooxda Sheekh Xasan Turki ku tababar-qaataan ku taall dhulka kaymaha ee Hawdka Koonfurta Buur-gaabo ee Gobalka J/hoose.

 

Si kastaba ha ahaatee, Boqolaal ka tirsan Dagaalyahanno u daacad ah GMIS ay isku urursanayaan qeybo ka tirsan dhulka hawdka fog ee Goballadda Koonfurta Somalia, ma cadda Tababartkaasi kadib, halka ay u soo ruqaansan doonaan, inkastoo ay Dagaalyahannaddu sheegeen inay ka walaacsan yihiin inay Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Maraykanka duqeyn xooggan u geystaan xerooyinka ay ku tababar-qaataan

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

There is not a fighting base in Jubba. Ever since the Ethiopian invasion, the Kenyans have taken to routinely violating our sovereignty and there are more then enough American reconnaisance and spy satellites directed towards the southern quarter.

 

What do you mean by "JVA between a rock and hard place"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by The Duke:

[QB] ^^^Well the pictures seems to be clear adeer. Dont be afarid now. Anyhow Kismayu and the lower Juba needs to be pacified. Again.

Interesting. Having hopes of Ethiopians taking you to Kismaayo again eh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No not at all. I am betting my cousin Xasan Tukrki will chase your adeer like last time. Anyhow Kismayu vacume will have to be addressed, thus your group seems to be no more than the grass stuck between the two Elephants the one in Mogadishu and the one licking its wounds in the bush.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Hassan Turki was never your "cousin" adeer, never was never will be. :D

 

Hassan Turki has always lived in southern Jubba, never was a threat to anyone and never showed animosity to anyone.

 

The ICU fiasco in Jubba was not a clash between sheikh Turki and a clan adeer, there were other apparent things which are not part of the picture today. Etoopiyaankada wax kasii day yaa ku yiraahdo. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool. Adeer Xasan Turki and myself belong to the same clan that has vacated Kismayu to the JVA militia. The same family of ina Gaboose and Koojar and Afgaduud. You know that, we aint a minority like our distant kisnmen. ;)

 

I have always had respect for this warrior, unlike Xasan Dahir and Sharif Ahmed who are all talk, and run, this man fights and does not hide. I commend him for that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

""Qaraxyada Muqdisho Halkan ayaan ka maamulnaa""Xassan Turki oo Maanta TVga aljazeera ka soo muuqday isagoo ku sugan meel aan ka fogayn magaalada kismaayo oo lagu tababarayo kooxaha uu hogaamiyo.

 

Xassan Turki oo ah nin siwayn ay u raadiyaan xukuumadaha Washingtone,Addisabab iyo Muqdisho ayaa maanta si toos ah looga daawanayay TVga aljazeera isagoo ku sugan dhulka kaymoolaydaa ee dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose, Shekh Turki oo markii waraysiga laga qaadayay sitay qori nooca daran dooriga u dhaca ah

 

hareerihiisana ay dhoobnaayeen koox si aad ah u hubaysan ayaa sheegay inay ku jiraan xaalad dagaal.

 

Xassan turki oo ay wajigiisa ka muuqatay diif iyo daal farabadan ayaa waraysiga markii laga qaadayay ku sugnaa teendho yar oo cagaar ah kuna xero ay ku leeyihiin meel kayn ah oo aad ciriiri u ah isagoo siwayn ilaalo ay uga hayeen rag ku hubaysan qoryaha garabka lagu qaato una badan Baasuuke,iyo Qoriga BKMka oo somalidu u taqaan Dabajeexa.

 

 

Wariyaha aljazeera oo ka warbixinayay sida ay ku gaareen goobta uu ku sugan yahay xassan turki ayaa yiri waxaanu ka baxnay magaalada kismaayo anagoo nalagu qaaday gaari nooca 4WD ah oo siwayn loo ilaalinayay in guuxiisa la maqlo iyadoo aanaan adeegsanayn indhaha gaariga inta badan xiliyada hamaynkii ah meelaha qaar waxaanu ifsanaynay Tooshash lagu hagayay gaariga kuwaasoo booskii indhaha u joogay gaariga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by The Duke:

loool. Adeer Xasan Turki and myself belong to the same clan that has
vacated Kismayu to the JVA militia
. The same family of ina Gaboose and Koojar and Afgaduud. You know that, we aint a
minority like our distant kisnmen.
;)

Classic! :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ok waa hagaag Duke, you have really given me a laugh here. :D

 

Sheikh Turki balse karaamadiisa iyo sharaftiisa ha dhaawacin. Sheikh Turki, and Sheikh Dahir Aweys and others of their ilk are respectable men who have no siblings but those who stand with them in the name of Alle.

 

Before the movement was hijacked by clan opportunists, I and many others of the "JVA clan" were some of the ICU's ardent supporters and if the movement is started once again today I will support them anyway possible. If you support Sheikh Turki then I guess we are on the same divide against the Xabashi and gaal-raac. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Shiekh Turki aint doing the TFG a favor either Duke..so hold your horses. This is wider warfare against the invaders from ardul Abysinia and their stooges and you know who is part of that Duke?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Quote of the DAY...

 

 

Sheikh Turki balse karaamadiisa iyo sharaftiisa ha dhaawacin. Sheikh Turki, and Sheikh Dahir Aweys and others of their ilk are respectable men who have no siblings but those who stand with them in the name of Alle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this