Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale to Europe

Recommended Posts

Hargeysa (Qarannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta dalka ka amba baxay, iyaga oo u sii jeeda dhinaca Dalka France.

 

Madaxweynaha waxa Madaarka Hargeysa ee Cigaal International ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , Wasiiro, Shirgudoonka Guurtida, Mudanayaal iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, madaxweynaha ayaa waxa uu ku sii hakan doonaa magaalda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaasi oo ay maanta galinkii danbe diyaar ugu ahaayeen soo dhawayntiisa madax sar sare oo ka tirsan dawlada Itoobiya iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland iyo wakiilka Somaliland ee fadhigiisu yahay magalada Addis Ababa, socdaalka madaxweyanah ee xiligani waxa uu ku soo beegmay xili ay ururka midowga Afrika iyo dalal waaweyn oo ka mid ah dalalka Carbeed ay ka soo dabceen mawqifkii ay ka taagnaayeen gooni isu taaga Somaliland

 

Hadaba intii aanu madaxweynahu uuna ka dhoofin garoonka kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu casuumad ama ballan ka helay Dawlada Faransiiska, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in uu la kulmi doono madaxda sare ee France, isaga oo isla garoonka

 

Maanta galinkii danbe markii uu sii dhoofaayay salaan sharaf kaga qaatay ciidmada Band Boys-ka oo xagaasi u garaacayaay ilaa intii uu dhoofaayay isla goobtaasina ay ku siiyeen salaan sharaf madaxweyne, madaxweynahu muu sheegin xaga uu u sii dhaafaayo dalka Faransiiska inkasta oo wararka ay helaysay shabakada qarannews ayaamahii ina soo dhaafayba ay sheegayeen in uu tagi doono dalalka Jarmalka iyo Faransiiska,iyo Ingriiska hadana ilaa hada wax la hubo ma aha

 

Wefdiga Madaxweynaha oo sii raacay diyaarad ay leedahay shirkada diyaardaha ee Ethopian Airline-ayaa waxa ka mid ahaa marwada koowaad marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo xoghayaha khaaska ah ee madaxweynaha mudane Axmed Maxamed Ciise.

 

Dhanka kalena xafiiska Somaliland uu ay ku leedahay magaalda London ayaa isna mudooyinkii danbe qaaday talaabo dardar galin ah oo diblomaasiyadeed isaga oo wakiilka Cusub ee Somaliland dhawaan u soo magacaabtay dalka Ingriiska uu soo jiitay saxaafda reer galbeedka siiba kuwa Bitain, taasi oo saakana uu magaalada London soo gaadhay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland sidoo kale dhamaan xafiisyada iyo wakiilada Somaliland ee caalmka ayaa la dar dar galiyay xiligani iyada oo ay ku soo beegantay xili ay caaalmku dhagaha u fureen xukumada Somaliland aad iyo aadna ugu amaaneen horumarka iyo nabadgalyada uu ku socdo dalkaas yar ee aan cidna caawimo ka helini, kaasi oo ay saxaafda Ingriisku dhawaan ku tilmaamtay dal yar oo dadaalkiisa ay Afriki wax ka baran karto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Hargo maran side...lol...Waxna ma qabtaan odayaashaan xilna kama degaan...in katiifad guduudan loo dhigo oo salaan loo wada taago calanna loo suro sacabna loo tumo ilkahana loo caddeeyo bay ka siman yihiin...Koofur iyo Waqooyi meel ay joogaanba!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Presenter: A delegation led by the president of the Republic of Somaliland, Dahir Riyale Kahin, this afternoon left for France on a working mission. This followed an invitation. The delegation flew from Hargeysa’s Igal International Airport.

 

The president, who spoke to journalists at the airport lounge, said the visit to France follows invitation from the French government. He said that he would hold talks with French leaders, adding that France was the current chair of the European Union. The president stated that although Somaliland had no relations with France, it has an office there.

 

Kahin: First, I will visit France where I have an appointment with the French government. France is the current chair of the EU. I haven’t visited France before. They accepted us to open an office in their country; that is my mission. After I return, God willing [words indistinct]

 

Presenter: The president added that he also planned to visit Germany on medical grounds. The president and his delegation was seen off at the airport by the vice-president, Ahmad Yusuf Yasin, and other government officials.

 

The president inspected a guard of honour mounted by the national armed forces. He was accompanied by the first lady, the minister of finance, and his personal secretary.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo Guda Galay kulamadii uu La'lahaa Dawladda Fransiiska

 

Paris (Qarannews)-Wefidii uu hogaaminayay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa maanta oo Isniin ah guda galeen Kulamadii ay la yeelanayeen Dawlada Faransiiska , waxana maanta xarunta Madaxtooyada Faransiiska ku qaabilay La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Africa, Mr. Bruno Joubert

Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu soo saaray Afhayeenka Wefdiga, ahna Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale ayaa u qornaa sidan, kaasi oo loo qaybiyay saxaafda isla arkaasna uu nuqul ka mid ahii uu soo gaadhay shabakada qarannews waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 

“ Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay waxa uu ka degay gegida Dayaaradaha De gaulle ee Magaalada Paris, halkaasi oo ay Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socday Dawladda Fransiiska iyo Jaaaliyadda Somaliland ee Dalka Fransiiska.

 

Weftigu waxa uu Maanta oo Isniina guda galay kulamadii uu la'lahaa dawladda Fransiiska, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa Xarunta Madaxtooyada dalka Fransiiska ku qaabilay la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Africa, Mr. Bruno Joubert, kullankaasi waxa la taliyaha ku wehelinayey, Safiirka Djibouti u fadhiya Dalka Fransiiska, Mr. Dominique Decherf iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Madaxtooyada Fransiiska. waxa kale oo Maanta Madaxweynaha iyo weftigiisu kullan kula yeesheen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Debedda, u qaybsanaha Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Africa iyo Indian Ocean , Mr. Jean De Gliniasty iyo Masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee Africa.

Madaxweynaha iyo We.ftigiisu waxa kalooy Maanta booqdeen Xarunta Senate-ka ee France, halkaasi oo ay kula kulmeen Guddiga Arrimaha Debedda ee Senate-ka.

 

Madaxweynuhu Madaxdaasi kala duwan ee uu arkay, waxa uu warbixin qoto dheer ka siiyay Xaaladda Somaliland ee Maanta iyo halkii laga soo qaaday, iyo siday diyaar ugu yihiin shacbi iyo dawlad sidii dalkooda ay horumarin u gaadhsiin lahaayeen.

 

Waxa Madaxweynuhu ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Dalka iyo wax allaale wixii ay gacan nagu siin karaan. Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta uu arkay dhammaantood u fidiyey Casuumad inay dalka yimaadaan, isla markaana indhahooda ku soo arkaan xaqaa’iqa ka jira Dalka.

.

Masuuliyiintu dhammantood, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen warbixinta dhammays-ka tiran ee uu ka siiyay xaaladda Dalka, iyo booqashada isaga iyo weftigiisu ku yimaadeen caasimada dalka Faransiiska ee Paris.

 

Waxay Madaxweynaha iyo weftigiisa u ballan qaadeen in ay gacan dhaqaale iyo mid kaleba ula diyaar yihiin. Isla markaana ay ka aqbaleen Casuumadda Madaxweynuhu u fidiyey.

 

Madaxweynaha waxa kullamadaasi ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale , Cali Ismaaciil Xassan, Xog-hayaha 1aad ee Xafiiska Somaliland ee France iyo Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL”.

 

Qarannews, kala soco wararka socdaalka waftiga uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this