Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Riots in wajaale Somaliland pics

Recommended Posts

Dilki Labada Ruux oo Sababay Mudaharaad Balaadhan oo Gaystay Khasaare Burburiyay Saldhiga iyo Dawlada hoose Degmada Wajaale:

 

Dadwayne Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose Daawo Sawiradda

 

Hargeisa (GNS)-Wararka Naga soo Gaadhaya Magaalada Wajaale ee Xarunta Degmada Wajaale ayaa Sheegaya in Mudaharaad Balaadhan oo Saacado Socday ka dhacay Degmada wajaale kaasi oo lagaga soo horjeeday Dhacdadii Foosha xamayd ee Xalay Ciidanka Booliska Somaliland ku Dileen Marxuum Yacquub Seeraar iyo Raxma Maxamed Ismaaciil, mudaharaadkaasi oo ilaa saaka waabarigii ayaa joogsaday Goor dhawayd ilaa abaaro salaadii Casar.

 

 

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gabiley News ee Magaalada Wajaale C/rasaaq Maxamuud Aw Daahir (C/risaaq Dhago) labada Marxuum ayaa Goor wakhti danbe ah oo ay ka soo Rawaxay Shaqo lagu dilay iyaga oo hortaagan Guriga Marxuumadda oo u dhaw suuqa wayn ee magaalada Wajaale, Marxuumad Raxma Maxamed ismaaciil oo Suuqa ku iibin jirtay Jaad iyo Marxuum Yaquub Seeraar oo ahaa Dirawal wata Gaadhi rakaab ah ayaa waxay wararku intaasi ku darayaan in maydkoodu yaalo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeisa,

 

 

Maydka Marxuum Yacquub seeraar ayaa waxaa ka muuqday Xabaddo badan halka mid ka mid ah Askartii Rasaasta ku Riday labada Marxuum uu dhaawac ka soo gaadhay Raas loo malaynayo in Daawaha Gaadhigu ku soo Celiyay kaasi oo lagu daawaynayo Magaalada wajaale.

 

 

Dadwayne Gadoodsan ayaa ilaa saaka hor tunaa Saldhiga Booliska Degmada wajaale iyo Xarunta Dawlada hoose kuwaasi oo ku weeraray Dhagaxaan ay ku tuurayeen Ciidanka Booliska iyo Shaqaalaha Dawlada hoose.

 

 

Dhinaca kale waxa aan ilaa hadda wax war ka soo saarin Xukuumada Somaliland arintaasi Shaqaaqada keenta, Xukuumada ayaa todobaakii ugu danbeeyay soo dhoobtay degmada wajaale ciidan dheeraad ah tan iyo intii la qabtay qaar ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa inay ka danbeeyeen Dhacdadii foosha xumayd ee ka dhacday inta u dhaxaysa Dilla iyo kalabaydh.

 

 

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay dadwayne ku sugan Degmada wajaale ayaa sheegaya in habeenkii saacadaha danbe ay gaafwareegaan Ciidan tirro badan oo aan hore loogu arki jirin Degmada Wajaale, halka dadka qaarkood sheegayaan in dhibaatooyin ay ugaystaan Muwaadiniinta Reer Somaliland eek u dhaqan degmada wajaale.

 

 

Dhakhtarka Wayn ee magaalada hargeisa oo ay yaalaan Labada ruux ee la dilay ayaa ilaa saaka la buuxdhaafiyay iyada oo dadwaynuhu ka sii badanayaa marba marka ka sii danbaysa, dadkuna aad u kacsanyihiin oo laga soo horjeedo in la aaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska oo laba qof ku dilay Wajaale iyo Mudaharaad ka dhacay Magaaladaas

January 19th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Laba qof ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Booliska ee Magaalada Wajaale toogteen xalay, taas oo keentay in ay dadweynaha ku dhaqani magaalo-xuduudeeddaasi ay maanta isu-soo-bax ka sameeyaan Magaaladaas.

 

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya, labadan qof oo Wiil iyo Gabadh ah ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Boolisku xalay Rasaas ay ku fureen Gaadhi ay saarnaayeen, taasina waxay sababtay inay labadooduba dhintaan.

 

Dadweynaha ku dhaqan Wajaale, ayaa arrintan maanta kaga jawaabay isu-soo-bax ay cabasho kaga muujiyaan, waxaanay socod ku marayeen Jidadka Magaaladaas. Iyaga oo wararku intaa ku dareen in meelaha qaarkood ay shiideen.

 

Maaha markii u horraysay ee Ciidamada Somaliland Rasaas ay rideen ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan, hase ahaatee, waxa sanadkii u dambeeyay ee 2009 dhammaadkiisii Ciidamada Booliska Hargeysa rasaas tan la mid ah ku dileen 3 dhalinyar ah oo isu-soo-bax ka qayb qaadanayay.

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

 

wararkasomaliland@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Jacaylbaro:

Democracy ....

LOOOOOOOOOL :D:D

 

Maybe holding elections on time would be a better sign of democracy loooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Sacad. Rayale has distinctive trade marks that he utilizes!!! He is most likely trying to play clan against clan in different parts of somaliland and hopefully have somewhere that explodes up and he can come in for the rescue and put ppl off the election!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Cowke, i am well aware of riyaales dirty tactitcs, but i don't think this has anything to do with elections i might be wrong though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ilaah ha u naxariisto dadka dhintay eheladoodana samir iyo iimaan Ilaah haka siiyo iyo beddel khayr qaba.

 

Wajaale? Soo ma ahan meeshii haruurka fiican ka bixi jirey? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this