Sign in to follow this  
Jabhad

In pictures:The war on Qaad continuees..

Recommended Posts

Jabhad   

qaad4.jpg

 

qaad16.jpg

 

qaad15.jpg

 

 

qaad14.jpg

 

Diyaaradda African oo ganacsato ay qaad kusoo qarsadeen oo Maanta lagu ganaaxay 7.000 oo doollar.

 

 

Muqdisho, 23-November-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ilaalada ka ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kudhigay qaad fara badan oo lagu keenay diyaaradda African Airway oo ganacsato ay kusoo rarteen qaad fara badan.

 

 

Daawo Sawirada qaadkii la qabtay iyo sida loogu soo keydiyay Boorsooyinka.

Qaadka oo laga soo buuxiyay Boorsooyin waaweyn iyo marooyin waaweyn ayaa baaritaan kadib laga helay iyadoo qaadkaasina ganacsatadii laheyd durba la waayay.

 

Kadib markii la waayay ganacsatadii qaadka laheyd ayaa waxaa gacanta lagu dhigay kabtankii diyaaradda iyo guud ahaan shaqaalihii Diyaaraddaasi, waxaana ugu dambeyntii garoonka yimid Mas'uuliyiinta Shirkadda Xafiiskooda Muqdisho.

 

Wada hadal kadib waxaa lagu ganaaxay Mas'uuliyiinta Diyaaradda African Airways lacag gaareysa USD $7.000 waxaana sidoo kale lagu amray in dib dambe aysan u soo qaadi Karin diyaaraddaasi wax qaad ah haddii lagu arkana lagu ciqaabi doono maadaama ay ogsoon yihiin in Soomaaliya laga mamnuucay qaadka.

 

Qaadka ayaa ugu dambeyntii go'aankiisa waxaa gaaray Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta iyadoo caawa lagu gubayo Magaalada Muqdisho.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ganacsatadii qaadka ay kusoo qariyaan Diyaaraadaha Muqdisho soo gaaraya, waxaana ugu dambeyntii Shirkadaha diyaaradaha looga digay in ay keenaan ama ay soo qaadaan wax qaad ah ama cid sidata qaat taasi oo ay kujoojin karaan iyagoo macaamiishooda ku wargeliya in qaadka uu diyaaradooda mamnuuc ka yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Busted..........ceeb baa ka dhacday. Toloow ma waxay is lahaayeen wadaaddadaan wax walba waa la marsiin karaa oo ma tababarna? Waxaa ku xiga ayaan filayaa in haweyn mar dhow jaad looga dhigo iney uur leeyihiin camal.@lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

I love the jaad to be banned for good. It is killing our society today, however that method employed by UIC iant working and we all know that, they should have used different strategies than that. Hasty decision and would soon backfire on them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this