Sign in to follow this  
Saalax

Wufuudii ugu cuslayd ee xisbiga UDUB ka socota oo maanta Soo gaadhay Burco,DAAWO SAW

Recommended Posts

Saalax   

Wufuudii ugu cuslayd ee xisbiga UDUB ka socota oo maanta Soo gaadhay Burco,DAAWO SAWIRADA

 

 

Burco: (Qaran news)- Xoghayaha guud e xisbiga UDUB Jaamac Yasin Faarax iyo Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB, ayaa maanta abbaaro 11:kii subaxnimo soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, Jaamac yaasin faarax iyo wefdigan uu horkacayey ayaa waxa si ballaadhan ugu soo dhoweeyey duleedka bari ee magaalada Burco masuuliyinta gobolka Togdher, heer degmo illaa heer gobol, masuuliyiintan soo dhoweysay xoghayayha iyo wefdigiisa waxa ka mid ahaa Badhasabka Gobolka Jaamac C/laahi Biin , Badhasaab xigeenka Gobolka Tog-dher Guuleed Dahir samatar ,maayarka magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab iyo sidoo kale masuuliyin sar sare oo ka tirsan xisbiga Udub, sidoo kale waxa isna soo gaadhay Burco oo ay isku mar soo galeen wefdiga Xoghayaha wefdi kale oo uu horkacayay Guddomiyaha Ololaha Doorashoyinka ee Xisbiga UDUB Mr. Cisman C/lahi Cigaal CISMAN HINDI, oo isagana ay soo dhoweyen madax sarsare oo ka tirsan xisbiga waxana labada wefdiba lagu so dhoweyey xarunta Xisbiga, wufuudan oo masuuliyiintii so dhoweyey ay ka mid ahayeen Guddomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Mr.ayaanle ,Guddomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga Marwo Sahra Dubad ,iyo weliba Guddomiye waaxeedyada kala duwan ee xisbiga UDUB.

 

 

ndojfr.jpg

 

 

15y94i1.jpg

 

 

4jxaj9.jpg

 

 

e143mr.jpg

 

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB mr Jamac Yasin Faarax oo ka soo galay dhinaca bari ee magaalada Burco kana soo kicitimay saaka magaalada Caynaba ayaa soo maray Gobolo,Degmooyin iyo tuulloyin badan oo Bariga ah, waxanuu safarkiisan uu Burco ku yimi u muuqdaa kii uu ku soo gebogabaynayay safaro uu ku gaalaa bixinayay deegaanadaas

 

 

30tqd6h.jpg

 

2wnbtio.jpg

 

 

Hadaba waxa xarunta xisbiga UDUB Hortiisa oo loogu talo galay in wefdigu uu kula hadlo tagerayaasha xisbiga ka hadlay Guddomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer mr. Ayaanle wuxuuna ka dalbaday taageryaasha inay si weyn ula soo dhoweyaan labada wefti isagoo gaadhsiiyey salaan ballaadhan iyo hambalyo Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB Cisman Hindi, intaas ka dib waxa halkaas isna hadalo kooban uga soo jeediyey taageeryaasha xisbiga Udub Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB MR.Cisman Hindi, kadib waxa mikirrifonka la wareegay xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mudane Jamac Yasin Faarax, wuxuu taagerayaashii iyo shacabki tirada badnaa ee hor tubnaa BARXADDA hore ee xarunta xisbiga UDUB ee gobolka togdheer u sheegay ujaadada safarkooda, isagoo ka dhawaajiyey in safarada ay ku marayaan gobolada iyo degmooyinku aanay ahayn ololihi ee ay yihiin xog ururin iyo indho indhayn Guud oo ay ku samaynayaan shacabkooda ku kala firirsan gobolada dalkoo dhan, wuxuuna sheegay in ay laba wefti u kala baxeen oo weftina loo diray Galbeed weftina loo diray Bari maantana ay labadi wefti goobtan wada joogaan oo ah Burco.

 

 

1496uc2.jpg

 

 

Waxa iyaguna madashii soo dhoweynta wufuuda xisbiga UDUB ka hadlay Badhsaabka Gobolka Jamac C/laahi Biin iyo masuuliyin kale.

 

Sidoo kale waxa madashii soo dhoweynta Hadhuub Caano ah lagu Guddonsiiyey Horkacayaashii Labada wefti waa Mr, Cisman Hindi iyo Jamaac Yasin Faarax e, waxaana halkaas ku Guddonsiisay hadhuubka caanaha ah Guddomiyaha Cusub ee Garabka Haweenka ee Xisbiga Talada Haya ee UDUB Marwo Sahra Dubbad Axmed oo dhowr iyo tobankii bishii Hore lagu caleemo saaray Hotel Cigal ee magaalada Burco .

 

Soo dhoweyntan qiimaha badnayd ee loo sameeyey weftiga Xoghayaha Guud iyo weftiga Guddomiyaha Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga UDUB ayaa ahaa mid maalmihii u danbeeyey ay u dhegtaagayeen taageryaasha xisbigu, waxana markii munaasibadu dhammaatay loo gelibbiyey wufuuda dhinaca HOTEL IGAL oo badanaa wefdigu marku yimaado ay degaan, isagoo intii aanu madasha ka dhaqaaqina xoghayuhu sheegay in uu joogi doono maalmo kooban lana kulmi doono madax dhaqmeedyada iyo shacabka Gobolka.

 

 

2z7edsx.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

udub tallow sanadkan maxay reer burco ka ibinaysa ololihi doorashadi wa bilawday.

Laakin Burco wa kulmiye.
:D

:D:D:D:D

 

 

Udub caano geel ayey suuuq geyneysaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Haji , if Burco was kulmiye , UDUB wouldn't be welcomed in the city ? don't you think :D well it's clear you can say the eastside of burco is pro Kulmiye , but i can't say the same about the westside though, the westside is properly divided into loyals of UDUB and Kulmiye. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^^ anigu waxan ka sheekaya Kilinka shanaad marmar, laakinse siyaasadoda markasta ma iska so dheex galo, waba iska boring siyaasad. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco oo dhan ba is bedel u bahaan no no . lets say somaliland oo dhan ba is bedel u bahan marka qeyb burco tageerta udub u malayn mayo ileen dadku wa isku baahi eh. africanka hadaad ta ka dhadhiciso wax badan ba hagaagi laha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

the day siilanyo came back from USA ayaa taageerayaashisa oo dhan aaya waxay buxin karay wayan barxada weyn ee ka horaysa airport-ka Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Burco oo dhan ba is bedel u bahaan no no . lets say somaliland oo dhan ba is bedel u bahan marka qeyb burco tageerta udub u malayn mayo ileen dadku wa isku baahi eh. africanka hadaad ta ka dhadhiciso wax badan ba hagaagi laha

Xaji Xandjuf, sxb we all know the truth that burco like everywhere has alliances to both UDUB and Kulmiye, UCID that is the truth.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by NGONGE:

Waxano o dad ma UDUB bay o yimadeen? Ana waxan is laha kalabkii yaryarka Ukraine geen jiray aya so noqday.

of course UDUB bii uu yimaadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this