Sign in to follow this  
Jamster

Hogaamiye Kooxeedkii Ugu Awoodda Badnaa Soomaaliya Oo Dawladda Laga Qadiyay:

Recommended Posts

Jamster   

Hogaamiye Kooxeedkii Ugu Awoodda Badnaa Soomaaliya Oo Dawladda Laga Qadiyay (Hogaamiye Yuusuf Garaad Cumar)

 

Qormada Maanta(Radiossc.com) 16/02/05:-Tan iyo markii ladhisay xukuumadda Soomaaliya ee uu madaxda kayahay prof. Cali Max’ed Geedi waxaa soo baxayey hambalyo loo jeedinayey Ra’iisul wasaaraha taasoo ku aadan sida uu isugu dheeli tiray dhismaha xukuumadda iyo sida uu isugu dayey qancinta hogaamiyayaashii ay Soomaaliya kadegi weyday mudada 14-sano ahayd ee wadanku bur-burka kujiray.

 

 

Inkastoo Ra’iisul wasaaruhu uu ku cusbaa siyaasadda Soomaaliya wuxuu kudadaalay sidii uu u qancin lahaa cid kasta oo uu islahaa waxbay udhimi karataa hanaanka nabadda ee Soomaaliya, taasoo dhabowday markii uu jagooyinkii xukuumadda kutaxay hogaamiya kooxeedyadii Soomaalida iyo caalamkuba khaatiga ka istaagtay.

 

 

 

Arintaan oo ay fahmeen badiba Soomaalidu ujeedada Ra’iisal wasaaraha, haddana waxaa dad badan is weydiinayaan sababta uu ugusoo dariwaayey hogaamiyaha awoodda badan ee laga yaqaan dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba kaasoo ah Yuusuf Garaad Cumar oo ah Madaxa laanta afka soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

 

 

 

Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay ku doodaan waa lahilmaamay. laakiin waxaan xusuusinayaa kuwa fikirkaa qaba in Yuusuf uu joogay Nairobi markii laridayey xukuumada Geedi ee u, balse waxaa laga yaabaa inaan Ra’iisal wasaaruhu uusan dareen sanayn awoodda hogaamiyaha da’da yar waa Yuusuf Garaade oo uu malaha uqaatay inuu yahay weriye madax ka ah idaacad madax banaan oo soomalida u dhex ah…!!!

 

 

 

Haddii raysal wasaaruhu uu sidaa ufahmay ma’aha wax lala yaabo waayo wuxu Ra’sal wasaaruhu garanayaa shaqada weriyaha inta uu kudhex jiro xayndaabka saxaafadda, balse waxay soomaalidu ku maahmaahdaa ( alow nimaan wax ogayn ha cadaabin ).

 

 

 

Qatooyadii Yuusuf ee xukuumaddu waxay siweyn usoo shaacbaxday markii ladhisay xukuumadii uhoraysay ee uu magacaabo Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geedi goortaasoo afka ciida loodaray iyadoo loo daliilsaday kutumasho sharci, Yuusuf isagoo faraxsan kana duulaya oraahda ah (Qayla yeertaba qolaysan uga darin) ayuu isla markiiba rakibtay qorigiisii awooda badnaa ee la oranjiray BBC.

 

 

 

 

Wuxuuna meel ku xaraystay koox kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo uu miciin biday kadib markuu galabtii codayntu ay dhacaysay uu hubsaday halka ay kataagan yihiin xukuumadda Geedi oo ahaa ninkii Yuusuf kaqdiyey, xukuumadda wuxuuna bilaabay wax uu isagu ubixiye dooda baarlamaanka balse dadka intiisa badan ay kufasirteen dudmada Yuusuf iyo tijaabinta awoodiisa.

 

 

 

Arintu siday doontaba ha ahaatee taasi Yuusuf macne badan uma samayn marka laga reebo I arkow mooyaane, Yuusuf maharin ee weli wuxuu sii baadi goobay meel kale oo uu uga soo duso prof. Geediga Iloobay iyo xukuumadiisa wuxuuse nasiib wanaag helay daaqad uu muddo kudhabiil tami karo kadib markii dhawaan Africa ay kudhwaaqday in ciidamo nabadda suga lageeyo Soomaaliya oo weliba howshaas fursad loo siiyey wadamada safka hore laysku yiraahdo ee IGAD oo ah wadamada Soomaaliya deriska dhow la ah sida:-Keynya, Ethopia, Sudan, Ugsndha, Eretereya iyo Jabuuti.

 

 

 

Yuusuf Garaad Cumar wuxuu bilaabay dib uhabayn ku aadan barnaamijkiisa siyaasadeed wuxuuna markii ugu horaysaba Muqdisho udiray weriye Xassan Bariise oo ah aftahayn aad unaash-naashi yaqaan siyaasadda saaxiibkiis Yuusuf Garaad, kaasoo mar kale dhawaaqiisa laga maqlay Magaalada Muqdisho wax yar ka hor markii ay halkaas gaareen Xubnihii kasocday Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

 

 

 

Xasan soo hadal, Muqdisho faani, nabad kadhig mash-xaradeediina soo bandhig, laakiin waxaa caqabad ku noqotay dilkii loo gaystay gabar weriye ah oo ay Yuusuf hay’ad kawada tirsanaayeen.

 

 

 

Arintaan ayaa yaab iyo fajac kunoqotay Mr Garaad wuxuuna garan waayey si uu usheego dilka gabadha maadaama uu isla maalintaas iyo habeenkii kadambeeyeyba uu waday Xamar waa nabad loomana baahna ciidamo shisheeye,Yuusuf wuu ogaa inaan dilka gabadhu uusan qarsoomayn laakiin waxay ula muuqatay inay taasi booska kasaarayso wax doonkiisii ahaa (Walee Cadkanow Ama Ku Cunay Ama Ku Ciideeyey)

 

 

 

Waa farsamo yaqaan xirfadeeya waxdoonkiisa wuxuu bilaabay inuu soo xigto cambaarayn ay soo jeediyeen xubno katirsay dawladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha udooda oo cambaaraynaya dilka Gabadhaas oo dadka qaarkiis ayba tilmaamayaa in Yuusuf wax ka ogaa, kuwaasoo daliilsanaya sababta Yuusuf Garaad uu u sheegi waayey markay dhacdadu cusbayd, waayo bay leeyihiin waxaa Muqdisho kusugan ugu yaraan laba weriye oo ogsoon dhacdo kasta oo Muqdisho kadhacda.

 

 

 

Iminka Yuusuf wuxuu baadigoob ugu jiraa sidii uu usoo urursan lahaa cid kasta oo isleeyahay waxay kasoo horjeedaa in ciidamo lakeeno soomaaliya balse Yuusuf waxaan weydiinayaa Soomaaliya ma Xamar oo keliyaa? Maxayse tahay ujeedada Yuusuf uu kaleeyahay diidmada ciidamada IGAD? Intii uusocday shirka Nairobise muxuu Yuusuf kusoo biiriyey oo aan ka ahayn lugooyo iyo dibindaabyo? Mase hilmaamsan yahay kaalinta ay IGAD kaqaadatay shirka soomaalida haday tahay dhaqaalo,talo,iyo martigelinba? Iyadoo intaasi ay dheertahay qaxootiga tirada badan ee ay wadamadaasi marti geliyeen.

 

 

 

Waxaan had iyo jeer maqalaa muda-haraadyo laga dhigayo Xamar oo laleeyahay waxaa kaqayb galay Daladda culimada soomaaliyeed,ururada rayidka ah ee Soomaaliyeed, ciidamada milatariga Soomaaliyeed, ururada haweenka Soomaaliyeed iwm.

 

 

 

Hadaba waa yaabe ururadan Yusuf buunbuuninayo ee wada sheeganaya soomaaliya goormay Soomaalidu wada dhisatay oo ku heshiisay?, Yuusuf-se muxuu u inkirayaa Soomaalida kabadan tan xamar oo hal magaalo ah oo uu uraadin waayey af-kaarta soomaalida dalka intiisa kale.

 

 

 

Arimahaan oo dhan waxay muujinayaan sida Yuusuf Garaad uu ugu ciilqabo inuu mar’uun maqlo isagoo xil loo magacaabo waa hadii uu ka hanweyn yahay mida uu hada hayo ee ah madaxa laanta af-ka soomaaliga ee BBC-da.

 

 

 

 

Jamaal Faarax Aaden

 

E-mail: Jamaalrg@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

What??? If everyone gets post just because he can be a threat then what????

 

 

This Idea is as absurd as no one can take it, its tasteless and getting onto my nerves, I said for once and all this policy has to stop or else I take legal actions and the government will face the consequence.

 

Brains should work not A$$E$...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this