Sign in to follow this  
Paragon

9 year girl lives; Ethiopians kill all her family members of 8

Recommended Posts

Paragon   

8 ruux oo isku qoys ah oo ku geeriyootay maanta madfac ku soo dhacay, iyadoo qoysaskaasi ay ka hartay gabar yar oo 9 jir ah

 

Mogadishu 09, Nov. 07 ( Sh.M.Network)- Madaafiic xoogan oo Maanta ciidamada Ethiopia ay ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in ay ku geeriyoodaan 9 ruux oo isku qoys ah marka laga reebo gabar yar oo 9 jir ah oo iyadu ka soo hartay qoyskaasi, haatana ay gacanta ku hayaan dad kale oo xaafadahooda geeyay.

 

Gabadha yar ee ka soo hartay qoyskaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Sucaado Cali, waxaana gacanta ku haya Faadumo Xasan oo soo qaaday iyada wax yar ka dib markii ay dhinteen 8 ruux oo qoysaskeeda uu ka koobnaa oo kala ahaa Aabaheed, hooyadeed iyo 6 caruur ah oo la dhalatay.

 

Gabartaan oo lagu hayo haatan xaafad ku taala Madiina oo Shabelle u warantay ayaa waxa ay sheegtay in qoyskeeda ay iyada ka soo hartay, waxaana ka muuqday walwal.

 

Qoyskaan ayaa waxaa ku soo dhacay madfaca loo

yaqaano Kaaraha oo ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafadda Albaraka ee duleedka suuqa Bakaaraha.

 

Faadumo Xasan oo gacanta ku heysa gabartaan ayaa waxa ay Shabelle u sheegtay in meydadka qoyskaan la qaadi waayay rasaas culus iyo madaafiic wali ku socotey halkaasi oo ay soo galeen ciidamada Ethiopia.

 

In ka badan 40 madfac ayaa maanta ku soo dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay sababeen qasaarooyin kala duwan oo wali isi soo taraya.

 

12 ruux oo 6 isku qoys ay yihiin ayaa ku dhaawacmay madfac ku soo dhacay xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile halka madfac kale oo ku soo dhacay suuqa Dawada ee Bakaaraha uu sababay dhaawaca labo kale, iyadoo sidoo kale tiro kale oo madaafiic ah ay ku soo dhaceen xaafadaha suuqa xoolaha, Black Sea iyo wadada 30 ka, lamana oga wali qasaaraha ay geysteen.

 

Dadka magaalada Muqdisho ku geriyooday shalay iyo maanta ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 70 ruux oo 43 ka mid ah ay yihiin dad si bareer ah ay u toogteen ciidamada Ethiopia, kuwaasi oo meydadkooda laga helay xaafadaha X/jadiid iyo Suuqa xoolaha.

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Amin. Allaha u gargaaro maskiinta hal mar agoomoowdey, rajowdey ee walaal beeshay! Allow u gargaar.

 

Allow Amxaaro jebi oo jahanama geli.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this