Sign in to follow this  
UZTAAD

Dr Cali Warsame: Mizsaaniyada Puntland waa in laga qaado shaaca

Recommended Posts

UZTAAD   

Waa muhiim in dadweynaha iyo barlamaanka ay sadex dii bilood in loo soo gudbiyo qarashaadka dowlada iyo misaaniyada Puntland, waa muhiim in misaaniyada ay la socdaan dadka reer Puntland oo aysan noqonin wax qarsoon oo ****olan.

Waa muhiim in saxafadu ay noqoto mid xoriyad leh oo aan wixii dhacay maalintii hore oo kale sida Idacadii horseed iyo saxafi lagu xirayo 6 sano aysan dhicin oo ay ogadan dadka maamulka u haya Puntland in ay dadkey matalaan aysan ahey kuwa gudaha dalka jooga oo kaliya oo ay matalaan pulsho weynta reer Puntland gude iyo dibadba oo waxa aysameynayaan ay tahay wax aan aduunkoo dhan aan looga dhaqmin, hal sabab oo kaliya ayey yeelan karaan oo ah in lala dagalamo saxafadu micnaheedu waa in indhaha laga xiro dadka oo ay dowladu sidey rabto wax u baabi iso uguna takafusho xoolhii dowlada.

Waxaan og nahay saxafadu in ay lee dahay xoriyad dal aan saxafadiisu xor aheyna waa dal maamulku uu doonayo in uu rarto dadka uu matalo oo waxkasta uu ka qariyo lana dagalamo saxafada .

Waxa gacantooda soo galey madaxda Puntland dibada markey jogaan qarashaadka ku baxa sida hotelada ay seexdaan oo kale oo ah wax aan madaxa ka qabsaney markii loo fiiriyo meesha ay madaxda ka yihiin iyo qarashaadka ay dibada ku gubayaan shacabkoodana uu ka gaajeysan yahay, waxaan u keydinaya maalin aysan anfici doonin qolyaha maanta isku sheegaya madaxda oo ah qolyo ku ah dhib umada somaliyeed horumarkeeda.

Qiyaasta Miisaniyada sannadkii 2009ka la odorosay waxay dhameyd Shso. 545 Bilyan oo iusgu jirta dakhli iyo kharash, halkii ay ka ahayd sannadkii hore 2008 Shso.363B,taas oo muujinaysa koror dhan Shso.182B,sida laga arki karo shaxda warbixinta ku jirta, waxa kale oo xusid mudan in Miisaniyada sanadkan 2009 ay u kala qaybsan tahay labo qaybood oo kala ah:

Qaybta Kowaad:

 

Jannaayo ilaa April 2009, oo ka kooban Shso.128.9B,una dhiganta bishiiba 32Bilyan.

Qaybta labaad:

May ilaa Decembar 2009 oo ka kooban Shso. 416B,una dhiganta bishiiba 52B.

Kororsiimada dakhliga ee qaybta kowaad Jan ilaa April 2009 oo u dhiganta 6.7.%,wuxuu ku yimid kor u qaadida sarrifka oo la kowsaday bartimihii qaybtaas kowaad.

Kororka dakhli ee qaybta labaad May ilaa Dec 2009 oo u dhiganta 66.3%, wuxuu ka imaan doonaa: kor u qaadida sarifka $1 oo la mid ahaa 22,000, waxaa la gaarsiiyey $1=28,000.

Ballarinta iyo horumarinta canshuuraha oo ah 6B=30%

Canshuur kordhin badeecadaha aan daruuriga ahayn 7B=35%

Si dhaqaale loogu helo baahida kharash ee jirta,waxaa lagama maarmaan ah in lagu sameeyo Canshuur kordhin badeecadaha aan daruuriga ahayn kuwaas oo la qiyaasay in laga heli doono dakhli dhan Sh.so 7Bilyan, bishiiba una dhiganta $250,000 bishiiba taasoo miisaaniyada sannadkan ka ah 13.5% waxyaabaha laga qaado canshuurta furdooyinka 52% waa waxyaabaha daruuriga ah, halka 48% ay yihiin waxyabaha aan daruuriga ahayn.

Waxaa jirta iyana in sanadkan la saadaalinayey in labo madax laga heli doono dakhli aan hore u jirin kuwaas oo kala ah:

a) Khidmada maxjarka xoolaha oo laga filaayo in laga heli doono lacag dhan Sh.so14.56B sideeda bilood ee dambe 2009.

b) iyo ruqsada sahaminta khayradka oo la filayo in laga heli doono lacag dhan Sh.so14B, sideeda bilood ee dambe 2009, inkastoo madaxaani horey u jirey hase ahaatee aan dakhli miisaaniyadda ka soo geli jirin haba yaraatee, haddana waa lagu soo daray iyadoo la saadaalinaayo in wax ka yimaadaan.

Sidoo kale dhinaca kharashka,oo u kala baxa labo qaybood oo kala ah.qaybta kowaad ee Jannaayo ilaa April 2009 oo ka kooban Shso.128.9B(bishiiba 32.2B). qaybta labaad May ilaa Decembar 2009 oo ka kooban Shso.146B(bishiiba 52B).

Waxaa xusid mudan in la tilmaamo sababaha mudnaanta koror loogu sameyey kharashka Dawladda.

1. Kororka mushahar ee Golayaasha, shaqaalaha iyo Ciidanka Dawladda wuxuu dhan yahay Shso.5.5B, taas oo loo tixgelinayey baahida dhaqaale ee ay qabaan oo ka dhalatay isbedelka macaamiisha iyo ballaarinta dawladda oo u dhiganta 34%koror kharash.

2.Kororka hawlsocodsiinta Dawladda, wuxuu dhan yahay Shso. 2.5B oo u dhigma 12% kororka kharashka, waxaana lagama maarmaan noqotay in la kordhiyo kharash hawlsocodsiinta hay’adaha Dawladda si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyadoo markii hawlsocodsiintu timaado qoondan la’aan darted mushaharooyinku kaharash u bixi jireen sidii hore u dhici jirtay.

3.Kharashka dhexe ee Dawladda waxaa la kordhiyey 12B.oo u dhiganta 54%, si Dawladdu u gudato hawlaha baaxada leh ee laga sugayo,oo isugu jira suggidda nabadgelyada, siyaasadda iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.

Waxaan raba halkaan diraasad qiyaas ah oo ay sameyeen Urur ku takhasusey hanti dhowr ka ee jooga dalka dibadiisa

Waxay ku qiyaseen misaaniyada Puntland ee kasoo xaroota canshuurta tooska ah in ay gaareyso 25,000,000 malyan oo dollar sanadkii.

Qarashaadka dowlada waxay wax ku qiyaaseen sidan 40 wasaradood oo lacagta ay ku bixiyeen ay dhan tahay qiyaastii wasarad walba iyo adeegeeda 15,000 oo dollar oo u dhiganta 600,000 oo dollar .

Waxay wax ku qiyaaseen 10,000 oo qof oo isugu jira ciidan iyo shaqaale dowlad isku celcelis mushaar gaaraya qofkii in la siiyo 100 dollar oo u dhiganta 1000,000 malyan oo dollar.

Waxaan la ogeyn qiimaha ku baxa madaxtooyada qarashaadka iyo safarada madaxweynaha i.wm.

Waxaa iyaduna layaab leh in ay dowladu ku celceliso badana in miisaaniyada Puntland 75 % ay amniga gasho oo aan wax isbadal ah aan la arag oo aan ciidanka amniga qalab casri aysan heysanin i.w.m.

Waxa iyaduna meesha ku jirta kaalmo lasiiyo Maamulka Puntland oo aysiiso UN iyo heyádo dowli ah oo mashaariic iyo wax lagu qabto aysan jirin oo ay noqdeen waxyaabo ,sida gudniin xoriyada dumarka maalmaha aduunka laga xuso iyo waxyaabo fara badan oo aan qiimo iyo hurumar dalka gaarsiineyn.

Dr Ali Warsame

 

 

http://www.raxanreeb.com/?p=62463

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Waxaa iyaduna layaab leh in ay dowladu ku celceliso badana in miisaaniyada Puntland 75 % ay amniga gasho oo aan wax isbadal ah aan la arag oo aan ciidanka amniga qalab casri aysan heysanin i.w.m. Waxa iyaduna meesha ku jirta kaalmo lasiiyo Maamulka Puntland oo aysiiso UN iyo heyádo dowli ah oo mashaariic iyo wax lagu qabto aysan jirin oo ay noqdeen waxyaabo ,sida gudniin xoriyada dumarka maalmaha aduunka laga xuso iyo waxyaabo fara badan oo aan qiimo iyo hurumar dalka gaarsiineyn. Dr Ali Warsame

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this