Sign in to follow this  
Som@li

Breaking News:- Wasiirkii Warfaafinta Puntland oo hada lagu diley Gaalkacyo

Recommended Posts

Som@li   

Gaalkacyo (Allpuntland) War hada naga soo gaarey gaalkacyo ayaa sheegaya in wasiirkii Warfaafinta Puntland allah ha unaxariistee Warsame Cabdi Shirwac (Seefta banaanka)hada lagu diley magaalada gaalkacyo.

 

5764-seeftabanaanka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Wasiirka Warfafinta Puntland oo Galkacayo lagu diley

5 Aug 5, 2009 - 2:59:55 AM

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac(Seefta Banaanka) ayaa war hadda soo gaarey warsidaha Garowe sheegayaa in lagu diley magaalada Galkacayo halkaas safar shaqo ah uu ku joogey in muddo ah.

 

Wararka ayaa sheegaya Alaha Naxariistee in Warsame Cabdi Shirwac ay toogteen labo nin oo so xirtey dharka Tuutaha.

 

Lama oga sababta loo diley Wsaiirka oo halkaas oo joogey howlo shaqo oo xasaasi ah oo ka dhexeeya qabaa'ilka wada daga magaalada Galkacayo.

 

Magaalada Galkacayo ayaa waxaa horey loogu diley shaqsiyaad magac ku leh Puntland iyo saraakiil ka tirsan mamaulka halkaas oo xuduud la leh gobolada dhexe oo rabshado ka socdaan.

 

Dilkaan ayaa ka dhigaya Wasiirkii ugu horeeyey oo ka tirsan dowladda Puntland in la dilo isaga oo gudanaya howlihii loo igmadey.

 

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan eheladii uu ka geeryodey Warsame Cabdi Shirwac iyo shacabka Puntland geerida naxdinta leh oo ku timid Seefta Banaanka ilaaheyna waxaan uga baryeynaa in Jano Fardowso ka waraabiyo.

 

Garowe Online ayaa idinla soo socodsiin doona warar dheeri ah.

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Warfaafinta ee maamul Goboleedka Puntland, Warsame Cabdi Shirwac, ayaa goor dhoweyd lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

 

Allaha u naxariistee, Warsame oo ku magac dheeraa Seefta Bannaanka, waxaa toogtay laba nin oo hubeysan ka dibna waa ay baxsadeen.

 

Waxaa uu magaalada Gaalkacyo u joogay hawl abaabul ah oo isaga oo Wasiirro kale oo gobolka ka tirsani ay u tageen si ay u sii diyaariyaan hawlo ammaanka lagu hagaajinayo oo Madaxweynaha Puntland u tegi lahaa magaaladaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ina Lillahi Was Ina Illeyhi Rajicuun

 

'Seefta bananka ' Allah uu naxaristo...amiin.

He was really a good and resourceful charecter for all those who knew him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Between his sub-clan and another one that live in Qaloocan/reserved area. It has been resolved or so I have heard, Let us hope it has nothing to do with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Allah ha unaxariisto Seefta banaanka.

 

Just wonder why Puntland minsters roam in the city cafes and bars without any body guards as if they dont carry any titles. When I was there I saw minsters eating out in restaurants barely with any body guards. Questions should be asked why such high profile minsters are let loose like that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this