Sign in to follow this  
Juje

Government troops Recapture Bletweyne + Pics

Recommended Posts

Juje   

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne

saraakiil.jpg

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada la wareegay gacan-ku-heynta Beledweyne

 

Isniin, September 28, 2009(HOL): Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo Gen. Muqtaar Xuseen Afrax ayaa saaka Waaberigii hore la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne kaddib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen Ciidamo ka tirsan kuwa ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo ay HOL kula kulantay gudaha Saldhigga Baliiska Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Ciidamada Dowladdu la wareegeen dhamaan Ammaanka Magaalada Beledweyne, isagoo intaas ku daray in wixii waqtigan ka dambeeya aan la ogolaan doonin kooxaha sida uu hadalka u dhigay Mucaaradka in ay ka taliyaan Magaalada Beledweyne.

Gen. Muqtaar oo aan weydiinnay cidda ay dhab ahaan kala wareegeen Magaalada waxaa uu sheegay in Magaalada ay kala wareegeen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda gaar ahaan waxaa uu carrabka ku dhuftay Ururka Xisbul Islaam ee dhawaan ku dhawaaqay ayuu yiri in ay gacanta ku hayaan Magaalada.

Sidoo kale Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar oo ka mid ahaa Saaraakiishii Dowladda ee saakay gudaha u galay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in marnaba aan la oglaan doonin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda in ay gacanta ku hayaan Magaalada, waxaana uu intaas raaciyay in dadka Goballka ku dhaqan sida uu hadalka u yiri laga dulqaaday dulmi lagu hayay.

Dagaalka saakay ka dhacay ee Ciidamada Dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili maalmo uun ka hor Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ku dhawaaqay in uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam isaga oo dhinaca kalana fariin u diray Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee saakay la wareegay gacan ku heynta Magaalada.

Lama oga halka uu ku danbeeyay Guddoomiyaha oo saakay la arkayay isaga iyo Ciidamadiisa oo Magaalada dibadda uga sii baxaya, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan la ogeyn khasaare rasmi ah oo ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha Dowladda ee saakay Magaalada ku sugan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar, Gen, Muqtaar Xuseen Afrax, Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) Tobane Gururey, iyo Salaad Xareed oo dhamaantood maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

 

 

saraakiil1.jpg

 

saraakiil2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo laga saaray galbeedka magaalada B/weyn & ciidamada oo isugu uruuray Bariga.

 

(28-09-2009) Ciidamada dowladda soomaaliya ee saaka la wareegay magaalada B/weyn ayaa laga saaray galbeedka magaalada B/weyn kadib markii ay iska caabin kala kulmeen ganacsato ka soo jeeda Galbeed oo gacan ka helayay qeybo ka mid ah kooxaha mucaaradka.

 

Xaalada oo ah mid haatan degan ayaa waxaa ciidamada dowladda ay isugu soo uruureen dhinaca bari ee magaalada, waxaana kooxaha mucaaradka ay soo buuxiyeen dhanka galbeed ee magaalada.

 

Wararka laga helayo magaalada B/weyn ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay galbeedka uu ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah ciidamada ay ku kaceen falal burcadnimo ah,taasoo keentay in ay qoryahooda la soo baxaan ganacsatada ku sugan galbeedka.

 

Ciidamada dowladda ayaa difaac ku jira haatan, waxaana ay ka soo baxeen Xaafada H/wadaag ee dhinaca galbeed ee magaalada, waxaana ciidamada ay ku sugan yihiin xarunta maamulka saldhiga booliska oo ay ku xoogan yihiin.

 

Lama saadaalin karo sida ay wax isu badali karaan,hase yeeshee magaalada B/weyn ayaa waxay caan ku tahay is badalada dhanka maamulka ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya.

 

Dagaalkii ka dhacay barqanimadii maanta galbeedka magaalada B/weyn ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal lagu magaacay salaad Xareed oo ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada dowladda.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka dowladda Kmg ee la wareegay magaalada, hase ahaatee waxay arinta u muuqataa in ciidamada dowladda haatan isugu soo uruureen dhanka bari oo ay muuqato in ciidamada qeyb kaliya oo magaalada ay gacanta ku hayaan.

 

Dalkanews.com, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalada magaalada Beledweyn oo degan, kadib dagaal ka dhacay Galbeedka

 

Xaalada Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa degan kadib dagaalo ka dhacay barqanimadii maanta Galbeedka Magaalada oo ay ku faafeen Ciidamada Dowladda markii ay la wareegeen.

 

Ciidamada Dowladda oo ku sugan dhanka Bari ee magaalada ayaa laga soo eryay Xaafadaha Galbeedka oo ay ka geysteen dhac iyo bililaqo, waxaana ka hortagay ganacsato is abaabushay oo dagaal la galay.

 

Ganacsatada ku dhaqan Galbeedka ayaa dagaalka ay la galeen Ciidamada Dowladda kadib keenay in Ciidamada ay dib u gurtaan oo ay ka baxaan xaafadihii ay ku jarmaadeen ee Galbeedka.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay heegan ka galeen dhanka Bari oo ay u muuqdaan kuwo ku fara adeegaya si aan loogaga saarin.

 

Waabarigii saaka ayay aheyd markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen guud ahaan magaalada Beledweyn, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamadii Xisbul Islaam,waxaana la ogeyn halka uu qabtay Sheekh C/raxmaan Mocow Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

 

Man cada sida ay ku dambeyn doonto Mustaqbalka magaalada Beledweyn oo ay ka jirto loolan dhinaca Maamulka oo ka dhex taagan Kooxaha isaga soo horjeeda siyaasada dalka

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Aw Muuse Ismaciil:

^Boowe ma durba?
:D

No that is Duke quoting dalkanews.com - I didn't even know he read it. I only remember him calling it crap.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Government Forces Retake Beledweyne City'''

 

 

Hiiraan Online

Monday, September 28, 2009

 

BeledWeyne (HOL) - Pro-government forces have retaken the strategic city of Beledweyne, the capital of Hiiraan region. The forces were commanded by Gen. Muqtaar Hussein Afrah who supports Somalia’s Transitional Federal Government (TFG). Gen. Mukhtaar and his forces were able to take control of the city after brief fighting with opposition forces.

 

HOL was able to meet with Gen. Mukhtar at the city’s police centre. Gen. Mukhtar told HOL that his forces have taken control of the whole city and added that from now groups opposed to the TFG will not be allowed to control any part of the city.

 

HOL asked Gen. Mukthtar which group had control of the city before his forces have retaken it. He responded that his forces took control of the city from groups opposed to the government, and in particular Hisbul Islam which recently announced that they control the city.

 

 

HOL also spoke to MP Mohamed Dhaqane Ilmi who is among the senior officers the TFG tasked with establishing a pro-government administration in the region. Mr. Dhaqane told HOL that opposition forces will never be allowed again to take control of the city and that today residents in the region have been librated from (the) oppression (of opposition groups).

 

This latest development comes few days after the Governor of the region Sheikh Abdirahman Ibrahim Ma’ow announced that he formally joined Hisbul Islam and said that his administration does not recognize the TFG.

 

The whereabouts of the region’s governor is not known. Eyewitnesses report that they saw him leaving the city with his forces. Also, it is not also know the number of people injured or killed as a result of the fighting.

 

Senior TFG officer who are currently present in the city include Gen. Muqtaar Hussein Afrah, Mohamed Dhaqane Ilmi, Adam Abdi isse (Garaase), Tobane Gururey and Salad Hareed all of whom recently were staying El-Gal area which is located just outside the city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What did i tell you Juje ?? ,,, See how they are already vacating the town ...... Silly.

 

 

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo baneeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan

 

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa Saakay waxa ay baneeyeen guud ahaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

 

Ciidamadii dowladda KMG Soomaaliya ee labadii maalin ee ugu danbaysay fariisimada ku lahaa gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay gabi ahaan faarujiyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan iyagoona u ruqaansaday dhinaca deegaanka Ceelgaal oo Waqooyiga Magaalada ka xiga ilaa 15-KM.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ay arkayeen Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka qaarkoodna ay lug ku socdaan oo Magaalada ka sii baxaya hase ahaatee rasmi ahaan lama oga ujeedada ay Ciidamadani uga baxeen Magaalada Baladweyne maadama markii hore dagaal ay ku qabsadeen,laakiin warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan iyo gaadiid dagaal oo uu wato gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow uu ku soo wajahanyahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

 

Si kastaba ha ahaatee Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa haatan u muuqata mid degen inkastoo aysan jirin cid ku sugan gudaha Magaalada gaar ahaan Xarumaha gobolka Saldhiga Booliska iyo Xarunta Gaalshire balse goobahaasi waxaa si aad ah loogu arkayaa dad wayne farabadan oo isha ku haya cida sida rasmiga ah ula wareegi doonta saacadaha soo socoda Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo xiligan aysan ka jirin wax Maamul ah.

 

 

Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne

 

where's the news in that?

 

you people will have to clear the area for those who are actually interested in politics and care about the world and maybe want to make history.

 

the politics section reminds me of the garbage dumpster outside suuqa bakaaraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this