Sign in to follow this  
Emperor

Somali Poet, Abshir Bacadle on Zamzam's case; Abshir oo Jawaab ka bixiyey (Gabay)

Recommended Posts

Emperor   

Abshir Bacadle oo Jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe iyo Xabsigii Zam-Zam (Gabay)

bacadle.jpg

Bacadle, Poet and religious in Mogadishu

 

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

 

Abshir Nuur Faarax Waa abwaan Soomaaliyeed oo laga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa mar walbana gabay ku cabira xaaladda markaas taagan, wuxuuna gabaygaan ku cabbirayaa ama ku dhaliilay hadalladii ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ku aaddan gabadhii Zam-Zam Axmed Ducaale oo ah gabar aan hubeysnayn isla markaana gashay guri nin madax ah, dambina looga dhigay gelidda gurigaasi, wuxuuna aad uga xumaaday markii gabadhaasi gurigiisa laga jiitay uuna awoodi kari waayay inuu yiraahdo gabadha hala sii daayo. taasoo keentay in gabadhaasi la xiro isla markaana Maxkamad la soo taago Wuxuu sheegay Abshir Bacadle sababta loo xirey gabadhaas ay tahay in Reer Waqooyigu ay doonayaan inay sameeyaan wax fool xumo ah oo ay ku nacaan reer koofureedka.

 

Abshir Nuur Faarax waxa kale oo arrinta gabadha ku baraarujiyay Weriye Fahad Yaasiin oo todobaad ka hor qoray maqaal uu hal-ku-dhig uga dhigay (Gabyaagii Wahaabiyada maxaa hadal looga waayay).

 

Abshir Nuur Faarax (Bacadle) wuxuu ku dhashay Degmada Mustaxiil ee Zone-ka shanaad ee Soomaalidu dagto ee Itoobiya sannadkii 1946-kii, wuxuuna weligiis ku dhex jiray ganacsiga, wuxuuna gabayga uu ka tiriyay Zam-Zam ku billaabay sedan:

 

--------------------------------------------

Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray

Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday

Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday

Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay

 

 

Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne

Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin

Gu’gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada

Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline

Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye

 

 

Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda

Go’aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin

Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay

Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye

 

 

Guddiga habar-magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin

Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya

Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye

Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay

 

 

Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye

Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna

Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede

Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa

Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay

Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye

Go’aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin

 

 

Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye

Zam-Zamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye

Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine

 

 

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay

Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin

Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede

 

 

Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna

Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay

Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda

 

 

Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa shuuci gaamuraye

God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene

Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye

 

 

Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye

Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin

Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene

Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene

Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye

Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday

Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay

 

 

Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay

Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay

Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye

Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine

Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay

 

 

Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane

Inaad naga go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’

Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin

 

 

Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye

Go’aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige

Gidaar adag rabaa u dhigay si aan la iiga kaa goyne

Intey caradu kaa go’i un baad gooni joog tahaye

Inaan gacan labaad kaaga haro iima soo geline

----------------------------------------------

 

faysalw.jpg

Mr F. Waraabe Ucid party leader.

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Xusuus: Abwaanka waxaa laga rajaynayaa gabaygan oo cod ah...

 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Can you just feel the highlight, how the poet nails with no fear and hesitation.

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay - Bacadle

Best lines for me:

 

 

----------------------------------------------

Waxaan gacani qaban baa jiroo Gobi ka sheexdaaye

Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin

Marna guri Nin weyn bay gashoo waad u gudubteene

Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene

Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye

Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday

Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiya

-------------------------------------------------

 

 

-------------------------------------------------

Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna

Gobos-nowdii xabashida miyaa tan idin gaarsiisay

Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda

--------------------------------------------------

 

Briliant job he did, deep sad awakening poem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin

If they scared about an armed girl isn't that explains why their army never reaches Laaso caano. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

^^^

 

If they scared about an armed girl isn't that explains why their army never reaches Laaso caano

^^^

doqonyahay degalada lagu diririrayaaba waa degaladaadiiye

 

 

since you speaking about beel beel sxb yaad u malaysay inay iska leeyihiin yagoori, adhicadey, laascanood xudun etc etc etc..its all the same to me. ;) iska aamus sxb hays ceebayne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Nin tiisi iloobey, oo tu kale ku mashquulsan :D

 

"Geedkii midho leh ayaa dhagaxa lagu tuur tuura"

"One throws stones at fruit bearing trees"

 

 

Duq gaboobey wax u roon [waxsan hadii aanu ka hadlahayn] afkii inu dabooshaaye

Marse hadduu duleeddada ka ciyo waa darxumo weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

God forbid that the war you lot of puntland are aching takes place BUT

I have feeling the way these folks are going, we are about to see history repeat itself.

 

Now SOL since you have started this Physco Babble

hope you can take the heat and thus read on:

 

Sidii oday malluugaha bartiyo moorada iyo faalka

Bal aan mariyo maansada anay igu ******taane

Maskan iyo Cagaar duriyadow mooyo tumanaysa

Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda

 

Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae

Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye

Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare

Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase

 

Madda kama helaan inamadii magaca waynaaye

MadaxGaallo iyo Toommo iyo Magan Xawaalkiisa

Maatadu haraad Samataroow waa ku madhataaye

Moqorraysta waataad arliga madhax u diiddeene

 

Kana macaasha waataad in badan maya lahaydeene

Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye

Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline

Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye

 

Ragse hadu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo

Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane

maatada rasaas lala dhacaa malaha maamuuse

Makhrib reero degey tuugag baa mira habeenkiiye

 

Marjaf lama ammaanee baqii magane yuu raacay

Misir iyo Madheedh iyo Galgalo maye ragi joogay

Mataanaha gobka le Kahinaw waa lagama marmaane

Maryo Dhiig le baa lagu furtay iyo mayd la qawracaye

 

Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye

Mudo aan yarayn baan LA muranto taagnayde

Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane.

 

Now if the above is not a forcast, I dont what is.

 

A Plus

Dusty.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

:D:D:D

 

God forbid that the war you lot of puntland are aching takes place BUT

I have feeling the way these folks are going, we are about to see history repeat itself

Puntland maxaa meesha keenay?

 

YaaaB!!!!

 

:confused: :confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay

Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay

Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin

Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede

 

 

>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>

 

i couldn't say it better.

 

<<<<<<<<<<<<<<< the best line for me.

oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin :eek: ;)

 

lets leave like that, a babygril who came to your house us gust i don't now why you harm it where she never harm you. :confused:

 

 

oh i forget, she is from puntland. she was going to kill the vice presdent. easy she will scream and he will die :D no wait she didn't have weapan how will she do it. she paid the tax driver to hide the weapons for her :D

 

this was how the court in hargeys people saying to each other.

 

finaly 16 years gril who was there at court said that doesn't make sence, where are the CIA. they didn't do their job. :eek:

 

lol this is the past case that i have ever seen it

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

^^^^^

reer afka nool your calaacal and baroor is getting tad bit boring these days put up or shut up... ;)

 

 

Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye

Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene

 

Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?

Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina'e

Hana toosin waa gama'sanyay tuugga Habarwaaye

Yawle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Qudhac:

[QB] ^^^

 

since you speaking about beel beel sxb yaad u malaysay inay iska leeyihiin yagoori, adhicadey, laascanood xudun etc etc etc..its all the same to me.
;)
iska aamus sxb hays ceebayne.

If you don't know the difference between the people you taking about, I suggest you read the history of that part of the former Somalia but this time give more attention to what it says about these points.

 

1. Early arrival of Colonial powers what people of Sool and Sanaag did. Never sold to them or recognised their authority over them including their borders.

 

2. What did they do when they felt their way of life was threatened? Surely they didn't go asking protection but they challenged them over 20 years until even ARF aircrafts were used.

 

3. What did they do in 1960? They unequivocally demonstrated their will not settle anything less than total and permanent reunification with their brother in the south.

 

4. What did they do in 1980s, 1990s and up to now? They refused secession in any cost. Never indorsed the slands constitution and didn't take part any elections. When Reyoole broke understanding between Egal (Allah yarxam) and people in Sool and visited LA they gave him a lesson he would never forget.

 

5. Ask slands army and they will tell you the difference between them and those from LA.

 

So sxb with this little help from me you will now the difference. But about Beel Beel I leave that to your imagination.

Share this post


Link to post
Share on other sites
India   

Qudhac

 

I have recently began to enjoy Somali Poetery and admitedly I dont understand it word to word. But with little help from my freinds/family I am able to decipher the meaning behind the metaphors and I am left impressed by every term.word.line. We have rich language and our forfathers were lamented with talent.

 

Yawale, is certainly a man of his era. My mother sings his praises all the time.

 

Dusy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Honestly, Why are you guyz so obsessed with Pland Vs Sland and change every topic as bashing between the two.

 

This is simply a case of 16 yr old young innocent girl accused of committing murder. She was tortured, rapped and prisoned. Every Somali person has talked about her case from North, South, West and East regardless of their tribal and regional difference. Is an absurd and evil act commited by men which will and should pay the price. It has nothing to do with politics, and I can't see any involvement of Putland in this case. OOh the girl is, if that is how naive you think ....OK

 

Now this poem was composed by a Somali man from Mogadishu, Sheikh and famous for his religious poems. OH and if you want to his... Hint(his reer somehow a traditional foe to reer Puntland).. OK let me put it this way, He's from the same reer and subclan as Abdi Qasim (Former TNG president).

 

Can you for once and all stop the bulshit of twisting topics from what their aimed for.. It a poem bringing into attention a case of a girl talked by every1 including:

 

Amnesty International

Raqiya Omar

Somaliland Lawyers

the BBC

I heard Sland boqor(tradional leader)Burmadow took actions for the release of the girl, not sure about this. But what the man can do, When he himself got jailed not long ago.

 

and Now Somali Poet from Magadishu, composing a whole long peom dedicating to her ordeal.

 

Are all this people and organisations Puntlanders??????????

 

 

Stop the crap and just comment on what you think of the poem and the poor girl's trauma.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amnesty International

Raqiya Omar

Somaliland Lawyers

the BBC

I heard Sland boqor(tradional leader)Burmadow took actions for the release of the girl, not sure about this. But what the man can do, When he himself got jailed not long ago.

 

and Now Somali Poet from Magadishu, composing a whole long peom dedicating to her ordeal.

 

Are all this people and organisations Puntlanders??????????

 

You talking to deaf folks in here bro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this