Sign in to follow this  
ansaar17

Ethiopian Tank, Uraal destroyed in overnight clash

Recommended Posts

ansaar17   

Faah faahin Dheeri ah oo kasoo baxaya Dagaal Fool kafool ah oo Shalay Mujaahidiin ay la gashay Tikreega Dalka kusoo duulay.

 

Muqdisho,24,February-07 ( Qaadisiya.com) Iyadoo Magaalada Muqdisho maalintii shalay gelnkeeda dambe uu ka dhacay Dagaal qaatay nus saac la iskuna adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan kadib markii si fool kafool ah looga hortagay Xabashida dalka kusoo duushay ayaa waxaa kasoo baxaya arrintaasi warar dheeraad ah.

 

 

 

Xaruntii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayay aheyd markii weerar lagu qaaday saacaddu xilli ay ku beegneyd 5:30pm xilliga Muqdisho halkaasi oo mar qura looga duulay Xabashidii kusugneyd xaruntaasi labo dhinac, waxaana labadaasi dhinac ay kala ahaayeen Dhinaca albaabka weyn ee laga galo iyo sidoo kale dhabarka dambe ee Xaruntaasi.

 

 

 

Waxaa mar qura lagu huwiyay rasaas aan loo kala meeldayin Tikreega Dalka kusoo duulay ee kusugnaa Gudaha Xaruntaasi kadib markii Albaabka hore ee Xaruntaasi loo istaagay, waxaana mar keliya lagu tuuray Xaruntaasi dhowr xabad oo laga riday Qoriga Baasuukaha loo yaqaano.

 

 

 

Gaari Ural ah ayaa Allaah Fadligiisa lala helay Baasuukihii, waxaana sidoo kale mar keliya la dabsaaray Ciidamadii fadhiyay Albaabka hore oo iyagu gudaha ku kala cararay, waxaana xabad kale oo ka dhaceysa Qoriga Baasuukaha loo geliyay goob ay Markaasi isku uruuriyeen iyaga oo cararaya taasi oo sababtay Dhimasho iyo Dhaawac fara badan oo soo gaaray Tikreega inkastoo aysan u suuragelin Mujaahidiinta Xaq u dirirka in ay gudaha Xaruntaasi galaan.

 

 

 

Wixii uu socda Dagaalkaasi ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu guuleystay in wixii tikree ahaa ay isku dayeen in xaruntaasi dhabarkiisa dambe ay ka cararaan inkastoo markii ay halkaasi u carareen dib looga caabiyay oo Mujaahidiintii kale halkaasi kasoo rasaaseesay taasi oo sababtay in ay ku dhabar adeegaan Tikreega in gudaha ay wax waliba kasoo ridaan.

 

 

 

Daqiiqado fara badan kadib hal kaaro ayaa isku dayay in uu si xoog leh ugu soo cararo dhanka Mujaahidiinta inkastoo Markii lagu tuuray Dhowr baasuuke uu dib u noqday, hayeeshee markii uu sii socday dagaalka wax kabadan 30-daqiiqo ayaa mujaahidiintii dib isaga laabteen goobihii ay kasoo duuleen iyagoo Tikreega gaarsiiyay Khasaare fara badan Allaahu Akbar.

 

 

 

Markii ay isaga soo baxeen Aagii ay kujireen Mujaahidiinta cirka oo madoobaaday awgii. Waxaa la xaqiijiyay in Ciidamada Tikreega iyo Shaqaalahooda Soomaalida ah ee lasoo qalday ay ka cararaan halkaasi inkastoo sida muuqata amaro uga yimid saraakiishooda sar sare lagu qasbay in ay halkaasi sii deganaadaan.

 

 

 

Illaa iyo iminka lama hayo tirada Baqtiga Tikreega dalka kusoo duulay hayeeshee Gaarigii Uralka ahaa ee ku gubtay Xaruntii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga ayaa saakay lagu arkayay gudaha xaruntaasi sida dad halkaasi degan ay inoo xaqiijiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^^Yeah we need some pics...and am still waiting the pics of the captured american soldiers?

 

Wadaada need some digital cameras walaahi...They should learn from Iraqi insargent!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Dhubad:

Wadaada need some digital cameras walaahi...They should learn from Iraqi insargent!!

Be careful for what you wish for, less it becomes a reality. In any case, the Somali insurgency is on the footsteps of the Iraqi insurgency.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I'm eagerly waiting for the first somali suicide bomber. As things proceed though, it seems I'll most likely see 'mujahideens' using civilian as shields. I guess the modifications didn't stop with establishing Clan Courts Sharia, but also Clan Courts Warfare.

Share this post


Link to post
Share on other sites

it seems u dont have any prove, dese days any1 can rite watever they want, sometimes the baseless propaganda of the UIC far exceeded that frm the TFG and the Amxaaro. hard to blve.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taliban:

quote:Originally posted by Dhubad:

Wadaada need some digital cameras walaahi...They should learn from Iraqi insargent!!

Be careful for what you wish for, less it becomes a reality. In any case, the Somali insurgency is on the footsteps of the Iraqi insurgency.
That is right yaa Taliban. People are somewhat hasty, they can't wait the coming of the climax that is going to look like the Iraqi insurgency or worse in both tactical and sacrifices.

 

Aloow yaa wax u sheega dadka, in soomaali ay diinta maanta daacad ka tahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

war garaad .mailowday Niicdii badneyd ee kacalaacali jirtay meesha ? Somalilnd has accupied our lands redface.gif blabla!!. How comes today you are cheerleading for someone else land forcefull accupation and killings of innocent civilians. wallee waalidu dadka qaar wax walba waykakeenta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this