Sign in to follow this  
Jacaylbaro

UCID Leaders to Cancel Their Second Citizenship

Recommended Posts

Labada Murashax ee uu tartamaya jagooyinka Madexweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka JSL doorashada soo socota ee Xisbiga UCID ayaa shaaca ka qaaday in ay ka tanaasulayaan Dhalashooyinkooda 2aad shisheeyaha ay sitaan

 

 

"safarkan waxaa kaliya ee u baxday waa labada musharax ee jagooyinka madexweynimada iyo ku xigeenka xisbiga UCID uga qaybgali doonna doorashadda madextooyada somaliland ee kala ah Musharaxa Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, cid kale kumay wehelin oo waa labaddooda oo kaliya.

 

Waxaanay u kicitimeen dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia khaasatan magaalada Addis ee caasimadda u ah Itoobiya, safarkuna waa safar u gaar ah musharaxiinta iyo xisbiga UCID. Ujeeddada Safarkooda waxaa ay la xidhiidhaa, sidii ay u soo xareeynayn lahaayeen Baasaabboorrada Ajanabka ah ee ay ka sitaan waddamada dibadda ay markii hore ku noolaayeen. Waxaanan filayaa inay booqashadoodu qaadato muddo saddex cisho ah". Sidaa waxaa yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Xasan Xuseen Maxamed [Codyare] oo ay Shabakedda Wararka ee Oodweynenews wax ka waydiisay safar dhulka ah oo ay galabta ugu ambabaxeen dalka Etniopia, Musharrixiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo u kala sharaxan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dhawaan ka qabsoonto Somaliland.

 

Musharaxiintan oo aanu isku daynay intii aanay ka gudbin xadka labada dale e Somaliland iyo Ethiopia, oo aanay noo suurto galin in ay wax faahfaahin ah naga siiyaan u jeedada safarkoodu la xidhiidho khadka is-gaadhsiinta ah oo aan si fiican wakhtigaa u shaqaynayn, ayaanu intaas ka dib la xidhiidhnay Afhayeenka Xisbiga UCID Md Xasan Xuseen Cod-yare, ayaa ku sheegay u jeedada safarka masuuliyiintan in uu la xidhiidho xaraynaynta Baasaabboorrada iyo dhalashooyinka ay waddamada Ajanabka ah ka haystaan oo ay ku wareejin doonaan safaaradaha ay ku leeyihiin dalalka ay ka haystaan dhalashooyinka dalka Ethiopia.

 

Md Cod-yare oo aanu waydiinay sababta keentay in xiligan ay musharaxiinta xisbigu wareejiyaan dhalashooyinka ajaanibka ah ee ay haystaan, waxaanu ku tilmaamay inay tahay arin distuuriya oo uu distuurka Somaliland qodobo ka mid ah dhigayaan in aanay haysan musharaxiinta u tartamaysa jagooyinka madexweynimada iyo ku xigeenka Somaliland, taas oo ay komishanka doorashooyinku ku xidheen.

 

Safarkan musharaxiinta Xisbiga UCID, ayaa la filayaa in uu qaato muddo dhawr cisho ah, waxaanay soo mari doonaan magaalada Nairobi oo ay u tagi doonaan arimo shaqo oo la xidhiidha doorashooyinka soo socoda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Of course Yeah RIGHT... Waraabe at least he isn't that f**l this time around. He knows this is unnecessary since the Land isn't a recognized nation but he misleads poor lads like JB, XX and likes... Hope you smarter than this and you don’t buy this no brainer crabs...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by TogaHerer:

Eng.Faysal true example to be followed.

Anyone believes these id^^t thugs is naive. You will see them in their hosted countries with no time when their welfare benefit's renewal is due. Or when they lose the election if any ever occurs, which I doubted it will.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Election time, saaxib. These men are so wadani that if you cut them open they'll bleed the colours of SL. Wax fahan. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this