Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The kidnapping of Cabdiqaadir Nadaara

Recommended Posts

Wariye Cabdiqaadir Nadaara oo u shaqeeya Telefishinka Universal oo Muqdisho lagu jirdilay lana xiray
[/b]

 

08 Abriil 2007

 

Waxaa maanta Muqdisho si xun loogu jirdilay Xabsigana la dhigay Wariyaal ka tirsan telefishinka Caalamiga ah ee Universal uuna ka mid yahay Agaasimaha Telefishinkaas Cabdiqaadir Maxamed Cashar Nadaara iyadoo Maleeshiyada ka tirsan kuwa Dowlada ee Muqdisho ku sugan ay si xun u jirdileen Xabsigana u taxaabeen markii uu amar ku bixiyay Ninka lagu magacaabo Xuubsireed oo sheektay in uu yahya Afhayeenka Cabdilahi Yuusuf

 

Cabdiqaadir Nadaara iyo Wariyayaasha la socda ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa uu xiritaankoodu dhashay kadib markii Cabdiqaadir su-aalo kul kulul uu waydiiyay ina Xuubsireed [idamaale] oo shir Jaraa'id ku qabanayay Hotel Ambasador isagoo ku eedeeyay in su-aalahaas ay ahayeen kuwa loo dhiibay Nadaara,Wuxuuna Qirtay inuu isaga amray in la xiro.

 

Wuxuu kal oo Xuubsireed Saxaafadda u sheegay in Nadaara loo xiray dimbiyo la xiriira wareeysi uu la yeeshay Askari reer Puntlanad ah oo Muqdisho lagu jiidjiiday dagaalkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Gaashaandhiga.

 

Ururo iyo warbaahino qaarkood ayaa cambaareeyaya Xariga Nadaar waxana ka mid ah ONKOD NEWS AGENCY iyo Ururka isu taga ee suxufiyiinta ee markii la soo gaabiyo loo yaqaano ASOJ iyo wariyaal fara badan oo soomlaiyeed waxayna ka codsadeen Dowlada KMG in si deg deg a ay u soo daayaan wariye Nadaara.

 

-----------

 

Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara oo Muqdisho mudda ku xiran

 

Saxafi lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cashir Nadaaro ayaa Axadii aynu soo dhaafnay ciidamada Dowlada KMGS Soomaaliya ku xireen magaalada Muqdisho xili uu halkaasi howlo shaqo u tagay. Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa xiran maalintii labaad isagoo aan la ogeyn halka ay ciidamada Dowlada ku hayaan balse waxaa la sheegay in xabsi sir ah oo ku yaala gudaha eleboorka saxafiga lagu xiray.

 

Wariyahaan ayaa u shaqeeya Univesal TV,

isagoo la sheegay inuu hotel utagay howlo shaqo oo shabakadaasi u dirtay.

 

Wariye Maxamed Cabdi Cashir Nadaara ayaa sheegay in markii ay gaareen hotel uu kusugnaa afhayeenka madaxweynaha ayka kaxeesteen ciidamada Dowlada qaarkood ay wariyaha dhaheen Nadaara soo ma tihid kadibna ay wateen isaga iyo labo qof oo lasocotay mid kaamiriiste iyo darawalkiisa waxaa wax mooga sheegay dhacdadaas nin ushaqeeya TV oo layiraahdo maxamed qaliif ayaa sidoo kale sheegay in Wariyaha markii uu diiday inuu raaco ciidamada Dolwada KMG ka tirsan ay jirdil u geysteen isla markaana ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqeynayay oo aysiteen.

 

Waxa uu halkaasi u tagay inuu kasoo tabiyo warar ku saabsan xaaladda imaatinka madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha iyo wareysiyo muhiim ah oo uu doonayay in laga soo daayo TV, sida ay sheegeen weriyayaal uu la hadlay intii uusan ka ambabixin xafiiska TV Muqdisho.

 

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in weriyaha weli lagu hayo xabsi iyada oo laga qaatay Islamarkaana laga jejebiyay Kaamiro, MP3 iyo Mobile uu watay.

 

Ilaa hada lama yaqaan sababaha rasmiga ah oo ay ciidamada Dowlada u xireyn Saxafigaan balse warar ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada waayadii ugu dambeeyay Saxafigaan ay raadinayeen iyagoo ugu shakisan inuu xiriir la lahaa Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga oo wararkooda inta badan uu tabin jiray, iyadoo la sheegay in ciidamada Dowlada KMG ay jir dil xoogan u geysteen saxafigaasi.

 

Ururada Bulshada Rayidka kuwa Xaquuqda Aadanaha U Dooda iyo Ururka Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Wariye Mxamed cabdi cashir nadaara iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah Saxafigaasi xoriyadiisa dib loogu celiyo.

 

-----------

 

Maalintii labaad oo uu xabsi ugu jiro dowladda agaasimihii TV-ga Universal

 

Agaasimaha TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara iyo labo ka mid ah kalkaaliyeyaashiisa ayaa shalay la dhigay xabsi ku yaala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku guda jiray howlihiisa suxufinimo.

 

C/qaadir Nadaara iyo dhalinyarada la socotay ayaa la sheegay in afhayeenka madaxweynaha Xuseen Xuubsireed [idamaale] uu ku soo war geliyay inuu qabanayo shir jaraa’id ayna yimaadaan hotelka Naasahablood, iyadoo markii ay tageen hotelkana ay la kulmeen Mr. Xuubsireed [idamaale].

 

Markii la guda galay su’aalihii shirkiisa jaraa’id ayaa waxaa sul’aalo ad adag la weydiiyay afhayeenka madaxweynaha kuwaasoo u badnaa xusuuqii afarta maalmood ee shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo qaarna uu ka jawaabay afhayeenka

qaarkoodna uu aad u dhibsaday isla markaana amray in la xiro agaasimaha qeybta Soomaaliya ee TV-ga Universal C/qaadir Max’ed Cashir Nadaara.

 

Maalintii labaad ayaa waxa uu ku xiran yahay C/qaadir Nadaara iyo dhalinyaradii kal

kaaliyeyaashiisa aheyd ee la socotay xabsi ku yaala gudaha garoonka caalamiga ah ee

magaalada Muqdisho, mana jiraan wax mas’uul dowladeed ah oo ka hadlay, waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli la jir dilay kuwona la xabsiyeeyey qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgasha warbaahinta Muqdisho.

 

------------

 

TV-GA UNIVERSAL OO KA FIIRSANAYA IN UU SI GAAR AH UGA DACWEEYO XUUB-SIREED DALKA BRITAIN

 

13 Abriil 2007

 

Warar aan rasmi ahayn oo laga helayo ilo ku dhowdhow Xarunta TV-ga Universal ee magaalada London ayaa sheegaya in maamulka TV-gu ay qaadanayaan talooyin xagga sharciga ah oo ku saabsan inay dacwad ku furaan nin haysta dhalashada dalka Britain oo lagu eedeeyey inuu afduub ku haysto 3 weriye oo uu ku jiro C/qaaadir Nadaara.

 

Warar laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in koox ka tirsan shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho ay muddo todobaad ah ku xiran yihiin magaalada Muqdisho, waxaana weriyaashaas la sheegayaa inay u xiran yihiin afhayeenka C/hi Yuusuf Xuseen Xuubsireed [idamaale] oo maliishiya ka amar qaadata ku dalbadey.

 

TV-ga Universal ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo inuu si gaar ah dalkan uga dacweeyo Xuub-Sireed oo ay ku eedeynayaan inuu shaqaalahooda isagu qof ahaan u afduubtey, oo aysan u xirnayn dawladda markii baaritaan la sameeyeyna arrintaas lagu ogaadey.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Xuseen (Maariyaa) “Saxaafaddu waa in ay sameysaa shaqo joojin & banaanbax ay ku dalbanayaan in la sii daayo Nadaara, Xaamud, & Max’ed Bashiir”

 

C/llaahi Xuseen (Maariyaa) oo ka mid ah weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa ugu baaqay dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya in si degdeg ah, oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo Agaasimihii teleefishinka Universal ee xarunta Magaalada Muqdisho C/qaadir Cashar Nadaara iyo labo wariye oo ka tirsan isla taleefishinkaasi kuwaasoo kala ah Xaamud Maxamed Sheekh iyo Maxamed Bashiir Diiriye, wuxuuna Maariyaa sheegay in xariga weriyeyaashaasi ay tahay ku xadgudub xorriyada saxaafadda & dastuurka ay ku dhisan tahay dowladda federaalka, wuxuuna tilmaamay in dastuurka dowladdu qorayo in qof muwaadin ah uusan xirnaan karin waqti ka badan 48 saacadood iyadoo aysan xukumin maxkamad.

 

“Waxaan ka codsanayaa dowladda federaalka in weriyeyaashaasi ay dib u helaan xorriyadooda” ayuu yiri Maariyaa, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda federaalka ay wada-shaqeyn la yeelato suxufiyiinta, kuna ixtiraamto howlahooda.

 

“Waxaa nasiib darro ah in weriyeyaashaasi lagu iloobay xabsiga, oo aysan jirin cid soo hadal qaadeysa xarigooda, waana in hay’adaha saxaafadeed, sida: idaacadaha, wargeysyada & website-yadu ay sameeyeen shaqo joojin & banaanbaxyo lagu codsanayo in la sii daayo weriyeyaashaasi” ayuu yiri Maariyaa, wuxuuna intaasi raaciyey haddii aysan saxaafadu midoobin, in ay noqonaan 4-tii DIBI ee midba maalin la cunay.

 

Wariye ka tirsan Shabeelle oo loo taxaabay xabsiga degmada Afgooye

 

Maajo 07, 07 - Wariyaha shabakadda warbaahinta shabelle uga soo warama magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa lagu soo waramayaa in maamulka degmadaasi ay xabsiga u taxaabeen.

 

Wariye Xasan Mayoow ayaa la sheegay in saakay ay ciidamada maamulka degmada Afgooye ay xabsiga dhigeen, iyadoo wali aan la garaneyn sababaha ka dambeeya xarigga loo geeystay.

 

Idaacadda Shabelle oo xiriir la sameysay maamulka degmada Afgooye ayaa waxa ay ka gaabsadeen in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan sababaha loo xirey suxufigaasi oo la yiraahdo Xasan Mayoow Xasan.

 

Arintaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli wariyeyaal ka tirsan TV ga Universal ay wali u xiran yihiin dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

It is so unfortunate that weriye Nadaara did not receive the support that he and his colleagues deserve.

 

Waa ayaan darro in qofka Soomaaliga ah uu garab ka mutaysto oo keliya qabiilkiisa markii uu dulman yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Someone make us Free Nadaara banners. Where are the computer wizzards? The brother needs all the help he can get.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by TheSomaliEconomist:

Must be that fat guy who loves to show-off how he hands over bundles of somali cash to poor ppl. Exhibitionist grande.

I would have said 'ceeb-caleek' - butthen I realised you lack the meaning of the word let alone its modesty.

Your comment is cheap,very cheap.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The owner of Idamaale.com website, a man called Hussein from Manchester, UK, now "security chief" of YEY :rolleyes: is responsible of his detention.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Max'ed-Dheere Oo Amar Ku Bixiyay In Lasoo Daayo Wariye Nadaara

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah loosoo daayo Agaasimhii iyo shaqaalihii Telefishinka Universal. Wariye C/qaadir Nadaara iyo 2 kale ayaa mudo ka badan bil waxa xirtay afhayeenka Col. C/lahi Yusuf ninka lagu magacaabo Ina Xuub-Sireed,kaasoo ku haya xabsiyo ku yaala Villa Soomaaliya, waxaana lasoo sheegaya in xaalada caafimaad ee wariye Nadaara ay liidato kadib markii loo gaystay jir-dil, isla markaana loo diiday daryeel caafimaad.

Gudomiyaha Gob. Banadir Max'ed Dheere oo maantay xafiiskiisa uu si kedis ah ku booqday Afhayeenka Col.C/laahi Yuusuf, ayaa kulan uu la yeeshay Ina Xuub-Sireed wuxu ugu sheegay inuu maxkamad soo taago Wariyaha hadii loo hayo faldembiyeed uu galay isla markaasna uu cadeeyo dambiyada uu ku haysto, hadii kalana uu mudo 24 saac gudahood ah kusoo daayo. Gud. Max'ed Dheere ayaa horay u sheegay inuu nadiifin doono caasimada kana qaban doono ragga aargoosiga ka dhex wada magaalada. Max'ed Dheere wuxu sheegay marka aysoo baxaan ciidamada boliska ee tababarku uga socdo Lafoole in magaalada laga saari doono maleeshiyaadka Imbagathi uuna isago sugi doono amaanka magaalada. Lama garanayo sida uu u fulin doono amarka la siiyay Ina Xuubsireed, wuxuse cadeeyay Max'ed-Dheere haddii aan degdeg lagu soo dayn wariye Nadaara inuu qaadi doono talaabooyin uusan caymin balse loo qaatay inuu xabsiga kaga sii daynayo wariyaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@xuubsireed baa xiray.

 

I believe folks are giving too much credit to this Xuubsireed dude. I don't think he has any means to arrest or do anything to anyone for that matter. If anything happened to this good reporter, the blame would lie with Yeey and his main TFG sidekicks.

 

Free Mummia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this