Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Smooth transfer of power: PICS

Recommended Posts

IMG_1871.jpg

Madaxweynaha cusub ee Puntland oo la wareegay xilka

11 Jan 11, 2009 - 2:06:42 AM

 

Waxaa saakay Hoolka Baarlamaanka ee magaalada Garowe ka dhacday munasabad uu xilka kula wareegayey Madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Puntland, taasoo si wanaagsan loo soo agaasimay.

 

Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen mas'uuliyinta maamulkii hore, kan cusub iyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaana halkaasi ugu horeyntii ka hadlay Gudomiyaha Golaha Wakiilada C/rashiid Cali Xirsi oo sheegay in uu ku faraxsan yahay xil wareejinta uu Madaxwenihii hore sameynayo, isagoo dhinaca kale ku booriyay maamulka cusub in uu u istaago wax ka qabashada xaaladaha ka jira PL, isla markaana uu ka mira dhaliyo balankiisa waxqabadnimo.

 

 

Cadde Muse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isna halkasi khudbad gaaban ka soo jeediyay isagoo ugu horeyntii xilka ku wareejiyey wareejiyay xilka, wuxuuna ka waramay waxqabadkiisa isagoo sheegay in wax badanna qaban.

 

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in qaladka ugu weyn ee xukuumadiisa aheyd ciidamada oo la dayacay, wuxuuna ka codsaday Madaxweynaha cusub inuu u istaago horumarinta ciidamada, isla markaana uu kula dardaarmay in noqon kuwo beeleed oo ay noqdaan kuwo dhisan oo wax ka qabta xaaladaha ka jira Puntland.

 

 

Xildhibaanada Puntland oo ka qayb galey xil wareejinta.

"Waxaan ku dadaalay inaan sameeyo dhaqaale, shirkaddo ayaan heshiis la galay waana diyaar, dowladdaan ku wareejiyay, wana sii wadayaa howsha, awal Canada aad baan is-lahaa, laakiin Boosaaso ayaan tegayaa" ayuu yiri Cade Muuse wuxuuna intaa raaciyay in uu la shaqeynayo Madaxweynaha cusub oo uu sheegay in C/raxman Faroole uu yahay qof howsha ka soo bixi kara.

 

"Inaga kolba naga kala daadatay, waxaan rajeynayaa in iyagana aysan ka kala daadan" ayuu sii raaciyay Gen. Cadde Muuse oo u rajeeyay maamulka cusub in howsha hortaal dhabarka u xertaan.

 

 

Masuu'liyiinta xilalka lakala wareegey.

C/raxmaan Maxamed Faroole isagana ka hadlay Munaasabadaasi oo xilkii uu kala wareegay Madaxweynihii hore, wuxuuna u mahad celiyay Cadde Muuse isagoo ugu hanbalyeyay sida gesinimada leh ee uu ugu soo baxay balantisii aheyd in doorashada ay dhici doonto xiligii loogu talagalay.

 

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in Cade Muse uu yahay wixii maanta ka danbeeya la-taliyihiisa gaarka ah ah kalana shaqeyn doono hormarinta dalka, kana qaadan doono talooyinka muhiimka ah.

 

 

Qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka qayb qaadanaya xil wareejinta

C/raxmaan Farole wuxuu sidoo kale u mahad celiyay intii ka soo shaqeysay habsami u socdka doorashadii Puntland ee sida wanaagsan u dhacday.

 

Madaxweynaha cusub ee Puntland waxaa kaloo uu ka hadlay xaladda dalka Soomalia waxuuna baaq u diray Shacabka Soomaliyeed meel kasta oo ay jogaan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha , sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo hey'addaha samafalka in ay ka taageeraan maamulkiisa horumarina bulshada, waxbarashada iyo sidii amaanka Puntland.

 

Waxaa uu soo dhoweeyay C/raxmaan Faroole shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo cararay ee soo doontay nabadgelyada ka jirta Puntland, wuxuuna sheegay in ay la qeybsanayaan dhibaatooyinka heysta, isla markaana sameyn doonaan wixii ay ku taageeri karaan.

 

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo aan wax hadal ah ka jeedin.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Odeyga Cabdullaahi Yusuf halkan ayuuba ku nuurayaa, markii horeba meel laga jecelyahay intuu ka cararey ayuu meel laga necebyahay u ordey, and back to meeshii laga jeclaa, odey dhaqameed ayuu noqdey!

 

 

Adeer Duke, sorry am not spoilin ur topic smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

DSC00756.JPG

 

Such a powerful pic masha'Allah. For one man to have complete power for 4 years and on top of it all and within a couple of days hands over that power while smiling, is simply amazing.

 

Regardless of what you think of the state, whether you want to say that it was a selection and not a election or that it was tribal based. An African leader transfered power peacefully after being voted out and now are willing to work together.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this