Sign in to follow this  
Abdi2005

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada KISMAAYO

Recommended Posts

^^^^ sxb you don't have to expelian anything to the hardheaded ppl. horaa loo yir nini meelkaca dayahay meeli u madoow. intem of the fighting is 20 solders oo burcadah wax yar kadib nah the truth will speak out. I myself just get off the phone in kismayo and the situation is normal and cam. ppl are doing their daily life.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Oki, Emperor, I called three different people, and I only got to one. Magaalada hadda waa deggan tahay yaa la igu yiri inkastoo dagaal ka dhacay saacado ka hor, Aargada ilaa dekadda inta u dhexeysa yaa wax la isku dhaafsaday, gawaarina waa la kala dhacay, warkii ugu dambeeyeyna, nimanaa la afduubtay.

 

Take care now.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Maleeshiyo beeleedyo la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo

Click here to find this article in English

 

Kismaayo 23, April.07 ( Sh.M.Network) Maleeshiyo beeledyo hubeysan oo iska dhigay dharkii ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo, ka dib dagaalo qaraar oo magaalada Kismaayo looga saaray ciidamada guutada koowaad ee dowladda KMG ah ee SOmalia.

 

1n ka badan 16 ruux ayaa ku nafweysay dagaalo qaraar oo saakay 9:00 Subaxnimo ka bilowday magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamada dowladda oo u kala jabay labo beelood uu goor dhaweyd istaagay ka dib markii magaalada Kismaayo ay la wareegeen maleeshiyo beeleed ku heyb ah wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale, halka ciidamadii guutada koowaad oo uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo ku heyb ah Madaxweyna C/laahi Yuusuf laga soo saaray magaalada Kismaayo sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, Max'ed Axmed Caaqil Yare.

 

In ka badan 10 meydad ciidamada Guutada koowad ah ayaa lagu arkay saldhigga magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn halkii ay cirib iyo jaandhigeyn ciidamadii uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo loo maleynayo in ay u soo baxsadeen dhanka wadada soo aada magaalada Muqdisho.

 

Xoogagga la wareegay magaalada Kismaayo ayaa iska siibay dhamaan tuutihii ciidamada dowladda, iyadoo wadooyinka magaalada Kismaayo lagu arkayay maleeshiyooyin aad u hubeysan oo la wareegay dhamaan Ctrl ka magaalada.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

Click here to find this article in English

 

 

Max'ed Axmed

 

Shabelle Media Network J/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this