Sign in to follow this  
zamatar

Radio Maqaloocshe

Recommended Posts

zamatar   

RAADYOW MA QALOOCSHE

 

A. A. Garas

 

Halkani waa Raadyow ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mowjadaha kaftan aqoonka iyo ilaaq-buurka. Dhegeystayaashayada indhaha naga dhegeystoow, waxaan idiin huluuqsiin doonaa warkii dunida, waxaana dabada idiin qaban doona weriye Gaacuuro..

 

Warkii Oo La Gamuuray

Daba iyo dacal dawlad wada qabqable ah ayaa tii Soomaaliya la odhan jiray dhawaan loo soo sameeyay. Sodon qabqable oo qaf-qaftoodii wata ayaa wasiirnimo loogu daray, iyadoo Madaxweynahooduna qabqable sare ahaan jiray, balse wasiiradan waxa soo saare ka ahaa Rayiisal wasaaraha oo isaga laftiisu qabqable xoolaha ahaan jiray.

 

Qabqabtaas wasiirnimada loogu dallacayay waxa ka qaday laba nin oo qabqableyaal geedkaas le’eg ahaan jiray. Arrintani waxay kaga oohisay raggag aqoonyahano iyo cilmiyo kale ku soo shaqo tegay, kuwaas oo wasiirnimada isu diyaar-gareeyay, balse markii ay arkeen nin qabqabta ka soo qallin jebiyay mooyaane inaan Shahaadooyin kale sitaa meeshaas ka soconaynin ayay isku ciil-kaambiyeen waxay hore ugu qabqableyn waayeen, waxaana wararku sheegayaan inay raggaasi isbaarooyin cusub imika kiraysteen oo ay doonayaan inay Farxiye Cali Qaanje BBC-da ka sheegto markay isbaarooyinkooda ka soo qabqableeyaan.

 

Arrintani waxay sii qollaysiisay dadweynihii Muqdisho joogay oo marka horeba ka cadhaysnaa Madaxweyne qabqable ah oo la doortay ayay kaba quusqaateen markay maqleen “Qabqale Gofermankan†isu baxay. Habar reer Banaadir ah ayaa laga hayaa; “Waxaanu moodaynay in dawlad loo samaynayo oo hubka layska dhigayo ee waxaanu ogaanay in dalkaba laga qabqablaynayo.â€

 

inkasta oo dadka qaar sheegayaan in qaabkani yahay hanaanka ugu dhow ee Soomaaliya dawlad iyo nabaddayn lagaga sameyn karo, iyada oo ay qabaan in qabqableyaasha oo dhami haddii laysu geeyo nin waliba isbaaradiisii dawladda ku wareejin doono, markaa isbaarooyinka laga reebana duco-qabayn lagu dambaysiin doono.

 

Dawladdan wada dagaal-oogaha ah, waxa la sheegay inay shaki gelisay dalkii Kiiniya ee ay dulsaarka ku ahaayeen ee Kiiniya oo is tidhi “Qabqableyaashan isu baxay malaha Nayroobi dhexdiisa ayaabay isbaarooyin dhigan,†taas oo la sheegay inay hoos ugu tidhi: “Kuwaahiri kubbendhaâ€.

 

Qabqablaha hogaamiya qabqableyaasha, Berisidhan Beerloox, ayaa la sheegayaa inuu Baarlamaankana Nayroobi kaga tegayo qabqablayaashana isbaarooyinkoodii u kala dirayo, inkasta oo la sheegay in isbaarooyinka laftoodii qabqableyaal yaryari isku laba rogeen.

 

Xubnaha Baarlamaankii Inbagaati ayaa Beerloox ku eedeeyay inuu durba distoorkii jejebiyay oo uu wasiiradiisii cidla iskaga dhaarsaday, isagoon golaha ka ansixinsan, balse waxay ilowsan yihiin in C/laahi qabqable ahaa, iyaguna ku meelgaadh ahaayeen, C/laahina ku meelgaadhaay oo qabqableyaashiisii kale ku gaadhay, waxaana laga yaabaa raggaas gole Baarlamaan isu qaba in gebigoodaba isbaaro laga dhigo oo hogaamiye kooxeedyadu haashteriyo ka dhigtaan, distoorka ay sheegayaana waxa ka sokeeya xeer qabqable, qodobkiisa shanaad wuxuu sheegayaa ‘kashkaaga iyo kistaada’, mabaa’diida guudna waxay sheegaysaa “Xul maahee waa xal, sharci maahee waa shaqo, xeer maahee waa xarfad, cadaalad maahee waa maxaad cuntaa, intaad taqaan maahee waa intaad gebgeblayso, intaasaanu lahaan jirnay maahee waa intaad ka adagtahay, qaran baanu nahay maahee waa qabqablenimo, dawladnimo maahee waa dantaada u xoogso, hub-ka-dhigi ma jirtee waa aynu kala xareysano, goleyaal maahee waa balwado cid lagaga dayano, hay’ado dawlo ma jiraane waa hebel hebel, Madaxweyne maahee waa shaxaadweyne.â€

 

Askar Kabaha Subkatay

Ministerka xukuma daakhilka Shankaroonta ayaa maalin dhawayd cad u qaaday ciidamada ku jira jiidda af-doolinta bari ee gobolka Sool, kadib markii dadka ku nool gobolkan magaca loo bixin kari waayay ee Hargeysa loogu yeedho iyo degmooyinkiisu isu soo ururiyeen laba kun iyo dhawr boqol oo neef oo adhiya iyo dhawr kun oo ah Singalaydhada dhaxanta laga gashado.

 

Shixnadaas shaxaadka ururay ahayd oo ay sidaan Cuqaasha reer Hargeysa ayaa waxa hadiyadaas horgalay wasiir daakhilka hebel yaroobe, kaas oo la sheegay inuu ku hubsaday oo uu farta ka saaray milateriga qayilay ee ku jira jiidaha Adhi-caddays.

 

Ministarka oo ciidanka la hadlayay ayaa yidhi: “waanu ognahay bahasha cawaandinimada ah ee idinku jira, waxa kaloonu ognahay inaad xoog la seexan la’dihiin oo aad doonaysaan Buntland yarba gorofta ka dhigtaan, laakiin anaga ayaa idinka horjoogna ee idinku ka baqanmaysaan cidna. Waxaad yeelaysaan cadadkaas cunna oo cidna haynagu laynina, intaanu idiin soo gacan-baxayno. Haddii dalkeena lagu gar-******o danba waranka waynu u dhiigeyne.â€

 

Cadkaas oo loogu talo-galay in ciidanku Buntlaan u sii cunaan si colaadda ugu cayilaan ayaa lagu soo waramay inay kabaha ka subkadeen oo sanka ka keeneen kii hillib la odhan jiray. Arrintani waxa kaloo ay camirtay oo dhaqdhaqaaq weyn ka abuurtay degmada Caynabo oo isu dhigtay caasimadii gobolka Sool. Hebel yaroobaha Daakhiliga ayaa gobollada kale ee dalku la soo xidhiidheen si iyagana hadiyadooda uu u horgalo markaa ciidamada waxa u geynayaan.

 

Minister yaroobahan Daakhilka xukuma oo indhawaalaba ka adkaaday argagixisadii dalka dhexdiisa habraha ku leyn jirtay, kaas oo qofkii yara cawlan ee dalka yimaadaba askar ilaalisa daba-dhigay, isagoo sameeyay askar bileys ah oo dadka cadaanka ah waashmaan ka ah. Askartaas oo la sheegay inay siday u dedaaleen ee ay islahaayeen cadaanka ilaaliyo la arkay askari bileys ah oo gabadh buufis ah oo is caddeysay ilaalinaya oo caddaan moodaya. Markii la yidhi maxaa ka ilaalinaysaana waxa uu ku jawaabay; “Wasiirkaa na yidhi dadka cadcad ee dalka yimaada ilaaliya yaan argagixisadu dilline.â€

 

Itoobiya Oo Nacnac Guratay

Dawladda Itoobiya ayaa lagu soo waramay inay nacnac ka urursatay Bakhaaro tuulada Dhagaxle ee dalkeeda dhexdiisa ku yaalla, kaas oo malaha qiyaastii gibir la’aan inay ku soo gashay dalkeeda ku qoonsatay alaabtaas.

 

Nacnaclaydii alaabtaas laga qaaday oo Ma Qaloocshe u warantay ayaa sheegtay in Soomaalida aan Shaar-shaarinimadaba loo ogolayn oo dawladdu doonayso in dadka Tigreega ah oo keliya liisamadii la siiyay.

 

Aroos Geedkaas Le’eg

Bahal aroos ah oo buurtaas le’eg ayaa xalay ka dhacay buulka Madaxyuubka Shankaroonlaan. Arooska oo aan maqlay Madaxtooyadii oo laga mashxaradayo oo markii hore aan is idhi malaha Madaxweynihiibaaba minyaraystay, balse markii aan tegay waxaan ogaaday in abwaankii Qaranku guursaday, ninkaas oo ah Gabyaa lagu goblamay, Gaariye yarena la yidhaahdo, wuxuu ahaa nin ku guur waayay gabayadii nabaddeynta dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay, kaas oo ahaa abwaanka keliya ee nabadda lagu faano afkiisa ugu halgamay, kaas oo tiriyay gabay yaab lahaa oo taariikhda dalka ku suntamay, sidaasna waxa loogu aqoonsaday darajada abwaanka qaranka.

 

Haddba xalayna wuxuu noqday arooska qaranka, taas oo aan idhi Allaylehe nin weynoo guursaday wa in qabqabtiisa la maqlaa. Sidaas darteedna waxaanu idiin soo dayn doonaa gabay ka mid ah gabayadii gaafkaas laga tiriyay, wuxuu yidhi:

 

Gabay

Abwaankii qarankoow

Afaduu calamadaay

Caruuskii amranoow

Aabihii gabaygoow

Waxa aan odhanlaa

Nin aroosana waatoo

Ereygiisu tufleeyee

Abwaanadii dhici waayay

Ina Haybahan laambad

Iid Millaaxiyo Faysal

Amuumaha Cali Duul ah

Arrimaa dalka haystiyo

Asli waad u ducayn

Anigayga laftaydaa

Istahbiil islahaaye

Haddii eebbe yidhaahdo

Dhirbaaxaad ila eegan.

 

Ragga ooryaha seegoow

Hadaydaan iska guursan

Ayaan baa iman doonta

Hablaa Sool iyo Awdal

Ee Aadanow garabkeena

Arooskood adkaado oo

Lagu raadsho ilays.

 

Ayaan baa iman doonta

Ilmaadeertu isdayso oo

Aabihii sodog waayay

Ubadkii abti waayay

Ilbaxaad laga gaadho oo

Gayaankii asalkii

Ixtiraamka badnaa

Dib u soo if-baxoo

Is furiinku yaraado.

 

Ku darsoo Asliyeey

Amranaanta caruuskan

Abyanaanta caweyskan

Awtaadii wada joogto

Ashqaraarka ka muuqda

Amuuraa isku toosay

Isjacaylka qudhooda

Illaahay barakeegan

Maxaa khayr u aslaaxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Askartaas oo la sheegay inay siday u dedaaleen ee ay islahaayeen cadaanka ilaaliyo la arkay askari bileys ah oo gabadh buufis ah oo is caddeysay ilaalinaya oo caddaan moodaya. Markii la yidhi maxaa ka ilaalinaysaana waxa uu ku jawaabay; “Wasiirkaa na yidhi dadka cadcad ee dalka yimaada ilaaliya yaan argagixisadu dilline.â€

:D:D

 

Ina Cali Garas and ina Haybe Laanbad are my favourite comedians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this