Sign in to follow this  
wind.talker

Gedo militias arrive in Waajid, Bakool

Recommended Posts

You gotta love GedoNet.com's explanation. Read below...The question is: How will the Muqdisho wing view such a new development?

 

Ilaa shan gaari oo kuwa tiknikada dagaalka ah kana yimid gobolka Gedo ayaa soo gaarey degmada Waajid ee gobolka Bakool

 

October 06, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Mukhtaar Maxamed Catoosh. Baydhabo.

 

Ilaa shan “5†gaari oo kuwa tiknikada dagaalka ah oo kayimid gobolka Gedo ayaa soo gaarey degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Ciidamadan ka yimid gobolka Gedo oo uu horkacayey Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah mas’uuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa waxey soo gaareen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Ilaa shan 5†gawaari oo ah kuwa gaashaaman ee tiknikada loo yaqaano ayey wararku tilmaamayaan in gelinkii danbe ee shaley ay soo gaareen Waajid, gaar ahaan goobaha ay ku xareysan yihiin maleeshiyaadka dowlada loo uruurinayo, lama garanayo sababta xiligan ay u yimaadeen.

 

Ilo kusugan gobolka Bakool ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay ku biirayaan kuwa la uruurinayo, isla markaana maalmaha soo socda ay soo gaarayaan kuwa kale oo gobolo kale ka imaanaya.

 

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta kusugan gobolka Bakool oo aan la xiriirney habeenimadii xaley, ayaa ka gaabsadey iney ka jawaabaan arrimaha la xiriira ciidamada soo gaarey gobolkaasi.

 

Wararka kale ee naga soo gaaraya goboladaasi waxa ay intaasi ku darayaan in degmadaasi ay sidoo kale gaareen gawaari kuwa xamuulka ah oo kayimid dhinaca kililka 5aad ee ismamaulka Soomaalida Itoobiya.

 

Ilaa iyo haatan lama cadeynin waxyaabaha saaran gawaaridaasi, laakiin warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in qaarkood ay saaran yihiin dharka ciidamada.

 

Bilihii ugu danbeeyey degmada Waajid ee gobolka Bakool oo ah halka lagu ururinayo maleeshiyooyinka daacada u ah dowlada federaalka garabka Jowhar, ayaa waxaa soo gaarayey boqolaal maleeshiyooyin beeleedyo oo ka kala imanayey deegaano kala gadisan oo katirsan gobolada Baay iyo Bakool, laakiin waa markii ugu horeysay oo ay soo gaaraan maleeshiyooyin kasoo jeeda gobolka Gedo.

 

Xildhibaanadii Ku Sugnaa Degmada Luuq Oo U Caraabay Jowhar

 

Qaar ka mid ahaa xildhibaanadii Dowladda ku meel gaarka ee ku sugnaa magaalada Luuq ee gobalka Gedo ayaa u boqolooyey xarunta dowladda ku meel gaarka ee Jowhar ee gobalka shabeelaha Dhexe.

 

Xildhibanaadan aaday dhanka Jowhar ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka hanti dhowrka qaranka, Maxamuud Sayid Aden, Wasiir ku xigeenka howlaha guud, Cabdiraxman Diiriye Saayoon iyo Xildhibaan Col.Cabdirizaq ***** Biixi.

 

Xildhibaanadii kale iyo nabadoonadii shirka u dib u heshiisiinta u fadhiyey magaalada Luuq ayaa dib ugu kale noqday degaano ka tirsan gobalka Gedo ayada oo dib loogu balamay inay dib loogu soo laabto magaalada Luuq bishan 14keeda. Lama oga waxa keenay safarkan deg deg ah oo ay xildhibaanada oo aan horay loo filayn.

 

Madax sar sare oo ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyey inuu safarkoodu la xiriiro arrimo wadotashi ah oo la leeyihiin dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Jowhar. Dhanka kale, sarkaalkan ayaa sheegay inuusan ka war hayn ciidan ka socda oo gobalka Gedo oo ka mid noqonayaa ciidamo la sheegay in loo aruurinayo dowladda federaalka soomaliya magaalada Waajid, balse ciidamadan la sheegay inay yihiin ciidan waardiyaal u noqonaya xildhibaanadan u baxay Jowhar.

 

 

Xamdi-Yare

Gedonet

Garsaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

You gotta love GedoNet.com's explanation. Read below...The question is: How will the Muqdisho wing view such a new development?

Why blow this out of proportion? The "Gedo militia" are just few men with weapons who are playing the security role, I mean we all know what happened the last time one of our own went to Jowhar. Why else would they be there, do you think they are on some kind of a mission? Or do you see this as the Gedo people picking a side, your side :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

As usual the Somali media is running with the news. There are five tiknikos accompanying ministers and parliamentarians and waxaa lagu dhawaaqayaa ciidan baa dhinac raacay!

 

BTW Wind, I've never known Gedonet to lie. Call me partisan or not, one can they have exaggerated in the past, but they have never falsified information sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Raqid:

BTW Wind, I've never known Gedonet to lie. Call me partisan or not, one can they have exaggerated in the past, but they have never falsified information sxb.

And I said GedoNet.com lied when... :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^^I don't think I accused you of anything sxb. :confused: I was just making a point that Gedonet was probably right and they did turn out right didn't they?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Raqid:

I was just making a point that Gedonet was probably right and
they did turn out right didn't they?

I dunno...you tell me. This is how GedoNet.com explained the arrival of Gedo militias into Bakool region for training:

 

sarkaalkan ayaa sheegay inuusan ka war hayn ciidan ka socda oo gobalka Gedo oo ka mid noqonayaa ciidamo la sheegay in loo aruurinayo dowladda federaalka soomaliya magaalada Waajid, balse ciidamadan la sheegay inay yihiin
ciidan waardiyaal
u noqonaya xildhibaanadan u baxay Jowhar.
[/b]

Now, other sites disagree. But, HOL recently wrote that the Gedo militias number about 2,000 men. No man in Somalia needs a 2,000-strong personal bodyguard army.

 

Ciidamo ka socda Gobolka Gedo oo ku soo biiraya Ciidamadii horay ugu sugnaa Magaalada Jowhar

 

Sabti, October 15, 2005(HOL): Warar laga helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Mileterigii hore ee Soomaaliya oo ka socda gobolka Gedo ay dhawaan ku soo fool leeyihiin magaalada Jowhar oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka kala socda gobollo kala duwan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 5 kun oo Askari.

 

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Reer Gedo oo ilaa 2 kun oo Askari lagu sheegay tiradooda uu soo horkici doono Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamuud Sayid Aadan, kaasi oo la sheegay in ay isaga iyo ciidanka uu horkacayo ay soo gaareen Gobolka Bakool deegaano ka tirsan.

 

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadaas iyo kuwo ka soo jeeda gobolka Bakool ay soo raaci doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed oo la filayo in uu maalmaha soo socda socdaal ugu amba baxo degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Dowladda Federaalka ayay wararku sheegayaan in ay qorsheyneyso in ay diyaariso ciidamo gaaraya ilaa 10 kun oo Askari, kuwaasi oo la sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan sugitaanka ammaanka, isla markaana ay la shaqeyn doonaan ciidamada ka socda Midowga Afrika marka loo fasaxo in ay soo galaan Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this