Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Hiiran front Latest: War concentrating in Jiracle 25km from Beledweyn!

Recommended Posts

Baladwayn: Dagaal aad u kharaar oo ka soconaya duleedka magaalada Baladwayn.

 

Axad, December 24, 2006

 

Baladwayn (AllPunland)- Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal aad u kharaar uu deegaanno ka mid ah gobolkaas ku dhex marayo ciidamada maxkamadaha iyo ciidamo uu hogaaminayo gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yusuf Axmed Xagar (Daba geed).

 

Dagaalka ayaa waxa uu haatan ka soconayaa deeganka Jiracle oo 25 Km u jirta magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Mid ka mid ah hawl wadeenada shirkadda Nation ee magaalada Baladwayn ayaa waxa uu ino sheegay in ciidamo fara badan oo ka amar qaata maxkamadaha magaalada Muqdisho ay ku baxeen deegaanka uu dagaalku ka dhacayo.

 

Dagaalkani ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu ku sii fido deegaano badan oo hoos yimaada gobolkaasi oo ay ka mid tahay magaalada Baladwayne.

 

Magaalada Baladwayn ayaa waxaa laga dareemayaa cabsida dagaaladaasi, iyada oo dadka magaalada intooda badan ay ka wal wal qabaan in dagaaladu ay ku soo fidaan.

 

Wixii ka soo kordha dagaaladaasi kala soco AllPuntland.com

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladweyn in the hands of the TFG!

 

Dowlada FKMG oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay la wareegtay Beledweyne iyo Bandiiradley!!!

 

Last Updated::2006-12-24 15:42:15

 

Baydhabo:- Warsaxaafadeed qadar yar kahor laga soo saaray Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa

shaaca looga qaaday in Ciidamada Dowlada Federaalka ay la wareegeen magaalooyinka kala ah Beledweyne (gobalka Hiiraan) iyo Bandiiradley (Gobalka Mudug).

 

Goobahaasi ayey saaka ka dhaceen dagaalo xoogleh oo dhexmaray Ciidamo hoos yimaada DFKMG iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Dhinaca Bandiiradlay ayuu saaka dagaal xoogleh ka qarxay ayadoo ay halkaasi fooda isku dareen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Maleeshiyooyinka Col.Cabdi Qeybdiid oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in looga awood roonaaday ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayadoo gacanta looga dhigay saldhigoodii ku yiilay magaalada Bandiiradley.

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka Md. Cabdiraxmaan Diinaari oo maanta shir jaraa'iid ku qabtay xarunta Idaacada DFKMG ee Baydhabo, ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada taabacsan Dowlada ay la wareegeen magaalooyinka ku yaal gobalada Hiiraan iyo Mudug.

 

Warar aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa sheegaya in wararka laga soo xiganayo illo madax banaan oo ku sugan magaalada Gelinsoor ay sheegayaan in ay halkaasi gaareen ciidamadii Puntland iyo kuwa Col.Cabdi Qeybdiid, halka la sheegayo in ciidamada Maxaakiimta ay hada ku sugan yihiin degmada Cadaado.

 

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaala aaga Diinsoor iyo Buur Hakaba.

 

Wararka aanu ka helayno magaalada Buur hakaba ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qax ay dadku ku barakaceen ayagoo ka fogaanaya dagaalada kusoo siqaya degmadaasi.

 

Jidka Daynuunaay iyo Buur Hakaba iyo dhinaca degmada Diinsoor ee aaga Iidaale ayey weli ka socdaan dagaalo xoogleh.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

come on now TFG, or Ethiopia, waa dowlad nooceed, dowlad u hogaaminaysa cadowgeeda inuu laayo dadkeeda hadana si xishood la'aan u sheeganaysa inay qabsatay magaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Dowladda Federaalka oo sheegtay inay si rasmi ah ula wareegtay deegaanno badan oo Maxkamaduhu haysteen

Posted to the Web Dec 24, 17:04

 

 

Baydhabo (PP) - Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari ayaa daboolka ka qaaday maanta in Dowladda Federaalka Sooomaaliya ay la wareegtay Degmooyinka Bandiiradley, Baladweyne, Matabaan, Guri-ceel iyo Degmada Buur-hakaba oo ku taalla gobolka Bay.

 

C/raxmaan Diinaari ayaa u sheegay warfidiyeen ku sugan Baydhabo in dowladdu ay kala wareegtay intaas oo magaalo Maxkamadaha Midoobay, isla markaana ay tusayaan saxaafadda, isagoo intaas ku daray inay sii wadayaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan Maxkaamdaha.

 

"Maxkaamdaha waxay kaashanayaan kooxo shisheeye ah waxaana u dagaalamaya Eritrean, mana dhacayso inay dowladdu u dulqaadato dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waana taas midda keentay inaan kala wareegto degmooyinkaas oo ay ku tageen si khalad ah markii hore" ayuu yiri C/raxmaan Diinaari.

 

Afhayeenka oo shir jaraa'id dhawaan ku sheegay arrimmahaan oo dhan, ayaa u sheegay saxaafadda in dowladdu ay doonayso inay goobahaas oo dhan iyo kuwo kale gacantooda ka bixiso Maxkamadaha Midoobay oo uu sheegay inay jabiyeen heshiiyo ay horay ula gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Saakay ayuu dagaal aad u culus oo u dhexeeya ciidammada Dowlad Goboleedka Puntland, Malleeshiyooyinka Cabdi Qaybiid iyo ciidammo Ethiopian iyo kuwa Maxkamadaha Midoobay ayaa saakay ka dillaacay deegaanka Bandiiradley, waxaana la sheegay inay si toos ah ula wareegeen.

 

Sidoo kale saakay ayuu sheegay C/raxmaan Diinaari inay soo weerareen Maxkamadaha ciidammada dowladda oo saldhig ugu yaallay meel ku dhow Degmada Buur-hakaba, balse ay waabiyeen isla markaana ay kala wareegeen gacantooda Degmadaas iyo deegaanno ku xeeran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada FKMG oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay la wareegtay Beledweyne iyo Bandiiradley

Last Updated::2006-12-24 15:42:15

 

Baydhabo:- Warsaxaafadeed qadar yar kahor laga soo saaray Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa

shaaca looga qaaday in Ciidamada Dowlada Federaalka ay la wareegeen magaalooyinka kala ah Beledweyne (gobalka Hiiraan) iyo Bandiiradley (Gobalka Mudug).

 

Goobahaasi ayey saaka ka dhaceen dagaalo xoogleh oo dhexmaray Ciidamo hoos yimaada DFKMG iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Dhinaca Bandiiradlay ayuu saaka dagaal xoogleh ka qarxay ayadoo ay halkaasi fooda isku dareen Ciidamada Dowlad Gobaleedka Puntland iyo Maleeshiyooyinka Col.Cabdi Qeybdiid oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in looga awood roonaaday ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayadoo gacanta looga dhigay saldhigoodii ku yiilay magaalada Bandiiradley.

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka Md. Cabdiraxmaan Diinaari oo maanta shir jaraa'iid ku qabtay xarunta Idaacada DFKMG ee Baydhabo, ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada taabacsan Dowlada ay la wareegeen magaalooyinka ku yaal gobalada Hiiraan iyo Mudug.

 

Warar aanu ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug ayaa sheegaya in wararka laga soo xiganayo illo madax banaan oo ku sugan magaalada Gelinsoor ay sheegayaan in ay halkaasi gaareen ciidamadii Puntland iyo kuwa Col.Cabdi Qeybdiid, halka la sheegayo in ciidamada Maxaakiimta ay hada ku sugan yihiin degmada Cadaado.

 

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaala aaga Diinsoor iyo Buur Hakaba.

 

Wararka aanu ka helayno magaalada Buur hakaba ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo qax ay dadku ku barakaceen ayagoo ka fogaanaya dagaalada kusoo siqaya degmadaasi.

 

Jidka Daynuunaay iyo Buur Hakaba iyo dhinaca degmada Diinsoor ee aaga Iidaale ayey weli ka socdaan dagaalo xoogleh.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dawlada KMG ah oo ku sii siqaya magaalada Buurhakaba lana wareegay gacanta ku haynta magaalada Baladweyne

 

Posted to the MOL December 24, 2006, 8:05 am

 

 

Baydhabo:- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii ka socday degaanka Daynuunay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalku hadda ku sii socda dhinaca Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

 

 

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga dawlada KMG ah Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in ciidamada dawladu iminka u jiraan magaalada Buurhakaba wax ka yar 3 km.

 

 

Dagaalkii u dhaxeeyay Ciidamada Dawlada KMG ah iyo kuwa duulaanka ah ee maliishiyada maxkamadaha ayaa iminka ku fiday gobolo awal nabadi ka jirtay. Maxkamadaha Muqdisho ayaa horey u balan qaaday inay balaarin doonaan dagaalka balantaas oo ay maanta fuliyeen ka dib markii ay dagaalo ka qarxiyeen gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Baay iyo Bakool.

 

 

Dhinaca kale Ciidamado daacad u ah dawlada KMG ah oo ay hogaaminayaan gudoomiyaashii maamuladdii Jawhar iyo baladweyne ee ay maxkamadaha Muqdisho afgambiyeen ayaa gacanta ku dhigay fariisimadii maxakmadaha ee magaalada Baladweyne. Arintaas ayaa la soo sheegayaa in ay khasaare weyn ka soo gaaray maliisiyada maxkamadaha oo hadda isku urursanaya meel u dhaxaysa magaalada Baladweyne iyo Jawhar. Maleeshiyada maxkamadaha ayaa gacan ka helaya mintidiin shisheeye oo doonaya inay weeraro ku qaadaan dawlada aan deriska nahay ee Itoobiya.

 

Dhinaca kale, Subaxnimaddii saaka ayaa weerar ay maleeshiyada maxkamaduhu ku qaadeen magaalada Bandiiradley kala kulmeen qasaare ba'an iyadoo magaalada bandiiradley oo ay awal dhinac ka joogeen haatan gacantooda ka baxday dagaalkuna wali socda iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada Puntland iyo kuwa koonfurta Mudug ee Cabdi Qaybdiid hogaaminayo wax yar u jiraan degmada Galinsoor oo gobolka Galgaduud oo uu haatan dagaalku ka socdo.

 

Wixii soo kordha dagaalada Somaliya kala soco Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^ waad ogtahay Duke in A/Y iyo TFG ay dhulka Soomaaliyeed ka talinahayn. Dhibaatada TFG ay u geesanayso maanta waan wada aragnaa, in tigreega aad dhulkeeni ku soo hogaamiseen.

 

Maanta soomaali wey ku mideysan tahay la dagaalanka cadawga tigreega ah iyo dabadhilifka TFG.

 

TFG = Tuugtii Foolxumada Gaysatay.

TFG= Tuugtii Foodakusidatay Gumaysiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib, long ago I told you that the clan courts actions would lead to war. Thus one can not start making excuses for what is happening now. We all know who started this, who brought foreign fighters firts and who even burned down the Somali flag and even attacked Baidoa a week ago. Thus ME, your cries are about being against Yusuf's win and not the suffering of the people.

 

DFKMG ah iyo Maxaakiimta ayaa tageero kal hela wadamo shishiiye sida horay logu sheegay warbxin ay QM soo saartay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^^ I think A/Y is a weak leader. He has proven that and spekaing about foreign forces, whose airforce is bombing Somali towns? who has invited 30.000 Ethiopian soldiers in Somalia?

 

You call the ICU clan courts, while the TFG is a clan puppet government.

 

We know who is responsible for this, its that spinesless A/Y and his greed for power, the man is a lunatic, Siyaad Barre ayaa meel ka maray ayaan u malaynayaa.

 

 

PROVE TO ME ANY FOREIGN FIGHTERS WITH THE ICU.

 

I DON"T HAVE TO PROVE TO YOU ABOUT FOREIGN FIGHTERS WITH TEH TFG, THE ETHIOPIAN GOVERNMENT ADMITTED THAT, AL JAZEERA IS REPORTING IT WITH PICTURES.

 

So it is the TFG that has invited our ennemy to our country. The TFG has no legitimmacy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ME, proof is that Xaji IndaCade and Xasan Dahir coninue to call on foreign fighters, mere mercenaries. Xasan Dahir right now is outside the country geting more foreign fighters. Even the UN have said more alot of countries are supporting the clan court.

 

In Kismayu the men who burned the flag where foreigners, white some even say.

 

Dont get emotional my friend, it makes you seem smaller than you are.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

^^^^^ Your words are as hollow as your cowardly stance. Not only will your uncle never rule over Somalia, the days that you run around and spread falsehoods are quickly coming to an end.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this