Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Boycott Xabashi companies

Recommended Posts

25no3.jpg

 

Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qabanqaabiyeen Ururka Midowga Qurbajoogga Soomaaliyeed

 

Kulanka ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurbajoogga Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) ee saldhiggiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, Sabti Nov 24, 2007. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo lagu qiysaaya ilaa sagaal boqol (900) oo qof iyo ka badan ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa:

  • Allah qolo ma badalo haddii aysan iyagu is babalin (C/rashiid Macallin Faarax)
  • Xalka Siyaasadeed ee Soomaaliya (C/risaq Xaaji Xuseen, Ra'iisul wasaare hore ee Soomaaliya)
Siyaasadda khaldan ee maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (Prof. Xasan O. Mahadallah, Jaamacadda Southern University)
Habka ay Isbahaysigu ku samatabixinayaan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya (Sakariye M. Xaaji Cabdi - guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed)
Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi - Isbahaysiga)
Ku xadgudubka Ethiopia ee xuquuqul Insaanka iyo Dembiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya (Fowsiya Maxamed Sheekh)
Warbixin Xasuuqa ka dhacay Xamar
[
Ka bood
]

 

Maxaa nala gudbod si dhibka looga baxo [sida uu soo jeediye Sakariye Xaaji Cabdi]:

 

Arrintu alamtara soo dhaaftay ayey taaagan tahay, siin soo dhaaftay, dal soo dhaaftay, waa arrin shakhsi ah (pesonal), ayuu yiri Sakariye oo intaas ku daray:

 

Si aan xorowno:

  • Qof kasta waa in uu ogaado in Qarniga 21aad Soomaaliya la haysto oo aysan jirin Dawlad Soomaaliyeed.. Cali Geedigii calanka ka taagey gurigii anigu aan ku aroostay (guriga uu geedi calanka ka taagey aniga ayaa ku aroostay ayuu yiri...) (xagge ayuu maray Geeddi...)
  • Xaqa madax bannaanida iyo xaqa nolosha.. xaq ayaan u leenahay in aan is xorayno... sida South Afrika, eeg Nelson Mondella... oo lagu sheegi jirey Argagxiso oo xabsi kujiri jirey isagii ayaa hadda la soo booqdaa. Anagu ma nihin Argagxiso. Maraykanka saaxiib ayaan la nahay, xorriyad doon ayaan nahay, xaq ayaan u leenahay isxorayn. Madax bannaani iyo noqol... Waa Asaaska xuquuqul Insaanka. [Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo. Tixraac qodobka 3aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka]
Si loo gaaro xorriyad:

  1. Midonimo dhab ah meel kasta oo aan joogno.. qabiilka ha la halgaado.. aan soo ceshanno midnimadii aan ku saaryan gumaystayaashii hore...
  2. Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu keenaa qori caaradiis.. Annagu haddaanu nahay isbahaysiga dib u xoraynta waan ballan qaadnay.. Marka aan Tigreega ka boohino ayaa la inala hadli doonaa.. Kuwa hadda dhimanaya hadduu dhintona janno ayuu geliyaa, Insha Allah, hadduu noolaadona sharaf ayuu ku noolaanayaa. [Geeri ama sharaf iyo xorriyad ku noolaansho..]
Daqaale dagaalka lagu galo in la helo, qofka dhimanaya ama dhaawacmaya waa in loo helo dhaqaale, lagu daweeye, qof kasta oo Soomaali ah -- Xusuusta xilligii Maxkamadaha (ammaankii iyo sharaftii la helay)
Qof Soomaali ah yuusan raacin DIYAARADDA ETHIPIAN AIRLIES... Raaca diyaaradaha dalalka kale, raaca diyaaradaha Soomaalida
... Tusaale ahaan diyaarada Daalo waxay ka baxdaa LONDON... Sidaas daraadeed haddaad ka bexeysaan Maraykaanka raaca Diyaarada Northwest Airlines kaddibna 'connection' ahaan London ka raaca Daallo Airlines oo idin geyneysa Soomaalia.. Soomaali ayaa diyaaradaha Itoobiya Airlines raacda ma ahan arrin la qaadan karo.. Dawlada Maraykanka oo idin soo dhoweysey diyaaradeheeda raaca, shilin aad leedihiin ha siinina Itoobiyaan...
Qaadka in la joojiyo ama la qaadaco. Waa in aan la iibsan qaadka laga keeno Itoobiya
.
Cuntada Xabashida waa in aan la iibsan, CANJEELA XABASHI ama CANJEELO ITOOBIYAAN waa in aan la iibsan
.
Meel Soomaali degan tahay wax ku dirso. Xawaaladaha waxaan ka codsaneysna in ay xiraan xafiisyadooda Addis Ababa
. Shirkadii diida in ay xirto xafiisyadeeda Addis Ababa yaan wax lagu dirsan... waa nala xumeeyey oo gabdhehenii ayaa la kufsaday.. sidee lacagteenu u tegi kartaa Itoobiya.. taga JABUUTI, iyo gobola Soomaalida... Kuwa deggan Addis Ababa reerahooda ha u rareen JIGJIGA, WARDHEER, QARIDAHARRE.. HARGEYSA.. GALKACYO.. BAYDHABO...JABUUTI...iyo meelaha Soomaalidu degto... Shirkadii diida arrimahaas yaan lala macaamil.
Xumaanta ku suuliya gacanta, carrabka, haddii aysid awoodin qalbiga ka nebcaada
... Sidaas daraadeed dhaqaale haku bixinana meel faa'iidada laga helo lagu wax yeelayn doono shacabka Soomaaliyeed.
Bannaanbax joogta ah, "lobby" (ololayn) joogto ah, gaar ah reer Minneapolis.. Xooggiina iyo midnimadiina aduunka tusa, mudaharaada oo isu soo baxa xitaa haddii qabowgu ka hooseeyo -20... Idaacadaha ka hadala, joornaalada wax ku qora, shir marka la qabanayo meel la maro hala waayo.. Ogaadana dadka raba Amxaarada waa dad yar (kuwaas oo berri ina soo raaci doona).. Waa inoo halgan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalkii C/risaaq Xaaji Xuseen ka jeediye shirka.

-----------

 

huseen.jpg

 

Xalka Siyaasadeed ee Xaaladda Soomaaliya

 

Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey C/Risaaq Xaaji Xuseen, ra'iisul wasaarihii Soomaaliya 1964-67, oo ka hadlay sida uu u arko xalka Soomaaliya. Waxana uu ugu horayn xusay in aysan sahlanayn xalka Soomaaliya maadaama ay soo jiitameysey muddo 17 sano. Waxana marka hore muhiim ah in la ogaado meesha arrimahu ka khaldameen, ayuu yiri.

 

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii siiwata waxa uu yiri:

 

Dhibtaada ugu weyn ee haysata Soomaaliya waa qabiilka . "Haddii aynaan ka harin qabiilka, oo ku midoobin qaranimo raadin. Haddii aan sidaas la helin arrintu ma sahlana..." Dawlad haddii aan rabno, aan ka harno qabiilka, oo sidii hore loogu keenay qaranimada aan u raadino...

 

Gaar aan waxa uu toos ula hadlay dhallinyarada, oo uu ku adkeeyey in ay qabiilka ka haraan..

 

Madaxnimada waxaa laga eegaa in qofku yahay: aamin, mukhlis ah, daacad ah, in uu aqoon leeyahay, in uu cod kar yahay, in uu danta guud ka shaqaynayo, camal fiican yahay, dul qaad badan yahay.. Marka haddii la isu yimaado oo qabiilka laga haro waa la helayaa hoggaan fiican ama qofkii hoggaamiye noqon lahaa.

 

Waa in la ogaado askarta uu Zenawi keensaday Soomaaliya, in dhabarkeeda uu joogo Maraykanku oo ah kan shukaanta haya... Yurub mindideedu af maleh.. waad aragteen marar badan oo EU hadashay, waxba kama soo naasacadaan.

 

Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo oo ka hir gasha dalka Soomaaliya..

 

Waad ogtihiin markii wadaadadu qabsadeen (Muqdisho) in Bush yiri Taaliban oo kale in ay Soomaaliya ka hir gasho ma dooneyno.

 

Inta arrintu joogto kala doorasho DFKMF iyo Wadaadada, waxay arrintu tahay in ay tageerayaan DFKMG iyagoo adegsanaya Itoobiya.. Marayknaku waxa uu dhehayaa arrimaha National Security ee USA aayan ka eegeynaa... isagoo xusaya safaaradihii Maraykaanka ee Nairobi iyo Tanzania... Itoobiya waxay dheheysaa haddii Soomaaliya Wadaado qabsadaan inaga ammaankeena ayaa wax u dhimayaan..

 

In kasta oo dagaaladii socdaan, dad badan ayaa dhintay, barakacay, waxa la oran karaa waxa ka dhacay Muqdisho iyo agagaarkeeda wax aan la arag oo la maqalay ma aha...

 

Cadow ayaa ina haysta... Xeelad ayaa loo baahan yahay.. waa in waan-waan la helo, in la helo sidii dagaalka lagu joojin karo.

 

Ugu horayn: Cadow ayaa ina qabsaday, inta dagaalameysa hambalyo ayaan u soo jeedinayaa, inta dhimatayna janno ayaan ugu ducaynayo, qadiyad xaq ah ayey u doonayeen...

 

Anigu waxaan rumaysnaya in Maraykanka iyo DFKMG in aysan dooneyn ama rabin in Ciidamada Midowga Afrika ay yimaadaan Soomaaliya, waayo hawsha isku-si ma u qabanayaan... Is bar bar dhiga, Yuganda iyo Itoobiya hadda jooga Muqdisho isma leh. Ugandha waa nadad ilaaliyayaal (peace keeping).

 

Waa in ay ogolaanaa ciidamada Afrikaanka ee nabada ilaalinta, in aan ogolaano oo ay shuruud ku yimaadaan, mudada ay joogayaan in la isla ogyahay weeye, Itoobiya hal qof waa in uusan ku jirin gudaha Soomaaliya... Dawladda (FKMG) Soomaaliya waa in aan laga aqbalin askar ayey Itoobiyaanku noo tababarayaan... Waa in aan hal qof oo Itoobiyaan ah ku sugnaan gudaha Soomaaliya oo lagu bedelo ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin dawladaha deriska.

 

Markaas kaddib, Ciidamada Dawladda Soomaaliya loo asaasayo waa in ay noqdaan kuwo aan dawladda oo keliya soo xulan, waa in ay noqdaan ciidamo qaanuunka ilaalinaya, oo aan ku dhisnayn qabiil, waa in noqdaan ciidamo qaran.

 

C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu markale ku celiyey: Ilaa intii meeshu joogto ma Wadaado qabsanaya mase DFKMG, waxaad ogaataan in xaalku ahaanayo sida uu yahay... Marna ma ogolaanayaan inta "Alternative" ay wadaadadu yihiin.

 

Dadku waa dareemeen 6dii bilood ee wadaadaddu joogeen in ay wanaag keeneen. Billad waxay ku helayaan waa Qaadkii ay joojiyeen, arrintaas waxay wadaadadu ku heli doonaan billad joogta ah... Ma u malayneysaan Bilyanno Doolar oo ah lacag BAAD ah, oo ah lacag adag "HARD currency" in ay Itoobiya iyo Kenya ay ka qaadaneyso Soomaalida.. Adigaa lacagtayadii siinayayna.. Wax ka soo noqonayaana ma jiraan, wax lagaga soo beesho lacagtaasna ma jiraan (aan ka ahayn qaad).

 

Xeel aan la nimaadno, aan tijaabino, marka aan niraahno waxaan dooneynaa dawladaha Afrikaanka, markaas ayaan tijaabineynaa Maraykanka in ay daacad ka yihiin Soomaaliya iyo in kale.. Waana in dawladahaasi Afrikaanka aysan ku jirin kuwa safka hore aam deriska, sida Itoobiya, Kenya ayuu yiri Ra'iisul wasaare C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadda deggan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

 

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

So what exactly are there products?

 

Khat

Coffee

and?

 

The Irony is that the biggest investor in Ethiopia is a Muslim( Sheikh Almoudi). I doubt you can boycott his products.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

The list of bloody hypocrites

 

1)C/rashiid Macallin Faarax

2) C/risaq Xaaji Xuseen

3)Prof. Xasan O. Mahadallah

4)Sakariye M. Xaaji Cabdi (he is also a buffon)

5)Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi (fow-fowle)

6)Fowsiya Maxamed Sheekh

7) Ahmed and Abdi Samatar

and the list goes on.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

^^^^ LOL

 

Ma xuma soo jeedinta in meel looga soo wada jeesto wixii Soomaali oo dan ah. Laakiin dadka waxaan soo jeedinaaya naftooda intaysan dagaalada sokeeya Soomaliya ka bilaaban maxay qaban jireen haddana qabtaan?

 

Waa wax laga xumaado markaad akhriso wax ay sameeyaan dad dhul qalaad nolol ku haysta, qaarna sharci ku leeyihiin ay Soomalidoo idil ku baraarujiyaan dagaal.

 

Dagaal waa laga daalay, Soomali haddaan nahayna cid inooga khibrad badan ma jirto dagaal, wax faa'iido lehna ma keeno. Haddaan Soomalideena dhexdeena heshiino, illaahna tawakalsano wax naga halaabayo ma jiraan.

 

Dadkaan ku qaraabta Soomaliya dhibaatadeedad ha la iska dhowro, intaasaa iga waano ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Absolutely. It's about time someone suggested the boycott of Ethiopian products. What an inspired idea!

 

Half measures will not do here. Ethiopia must be made to suffer. Do not visit Ethiopian coffee shops, even if the waitresses there are the prettiest girls alive and would sit at your table pouring your coffee. Do not eat Ethiopian food and, as a mark of respect, stop cooking any food that has an Ethiopian origin in your homes. Cut out any Ethiopian words that managed to creep into Somali everyday speak. If the Ethiopians dress like us, we should change our national dress. Come on, urge everyone you know to do what they can to sustain this boycott.

 

Ps

At this point I think it is unwise to boycott Ethiopian bullets. The resistance must go on. But, if the brave boys and girls can help it, it would be advisable to dodge these Ethiopian bullets rather than boycotting them entirely.

 

As ever, stuff and nonsense...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^

I will give one example sxb - Sakariiye the minister from Asmara is from Dhumoodle and Mudug region , there is no uprising in there against the Ethiopian occupation and he is not advocating for it. C/risaaq Xaaji Xussen if from Puntland - and I dont hear him say that Puntlanders should take up arms against the Xabashi. However these whole lot are shouting and yelling so vehemtly for the residence of the square-mile in Bakara area to fight.

Saxiib ii sheeg marka halke bey saladu iska qabsan la'adahey?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Zeynaboy. That was for the Mzee not Yarta.

 

Dhibicoow, Dee I'm neither in control of PL militia nor sympathize for their cause.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this