Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

Clanism and Tribalism in the notion of Somaliland and Puntland!

Recommended Posts

Hadaan nahay soomaali waan is wada garaneynaa. Waxaan taas u leeyahay iney jiraan dhibaatooyin farabadan oo lagala kulmay deegaanada ay dadku ku sugnaan jireen kahor dagaaladii sokeeye inteysan qarxin. Hadaba nin walba markuu ogaaday meesha uu qabiilkiisa dago, soomaaliya markiiba waxaa ka bilaabatay in dhul walbaa qolada dagta ay ku dhawaaqdo dowlad. Dowladahaas lagu dhawaaqay waxaa ka mid ahaa dowlad kusheega Soomaalilanad, iyo Puntland.

 

Si kale hadaan u iraahdo dhulalkaas, waxay kala yihiin gobalada Waqooyi kalbeed, oo isku magacowday wixii uu gumeystaha ugu yeeri jiray, iyo gobalada Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya. Waxaa la ogyahay inay dagaan qabiilo Soomaali ah oo aan sidaas loogu taraxmin. Hadaba qofkii u ololeeya fikirka ah in qabiil uu ku andacoon karo dowladnimo, iyadoo la ogyahay in dowlada ethiopia ay ka danbeyso kala furfurida midnimada umada soomaaliyeed, soo lama oran karo waa qabiiliiste kii ugu xumaa, oo waliba gaalo u adeeg ah?

 

Taas waa iga su'aal. Tan kale waxay tahay, oo muhiim ah in la ogaado, ma qabiil baa qaran noqon kara si walba oo maro loo huwiyo ama daah loogu sameeyo? Waa maxay sababta keentay in magaca dowlad ku sheegyadaas uu gabaad ugu noqdo codowga boobka iyo dhaca ku haya kheyraadka umada soomaaliyeed? Maxaase looga bixi karaa qabiil-ku-naasnuujinta la rabo in shisheeye loogu adeego, iyadoo la dafirayo dantii guud ee shacabka ka dhexeysay? Hadii ay reer hebel goostaan, ma ogoshahay in cidwalbaa oo soomaali ah ay iyadana xaq u leedahay iney tuuladeeda la go'do? Ma ogoshahay hadiiba ay waxaas dhacaan, in dhulka qeybta reer X ay ka dagaan laga iibin karo Chinesse ama Hindi, Maadaama ay tahay sheekada qabiil walbaa wuxuu doono haku tagri falo?

 

Waxaan mowduucaan u furay inaan eego maskaxda ninka ay caadifada qabiil ama qabyaalada ay ka dhex guuxeyso, ee yaan qalad laga fahmin qasadka iyo ujeedada aan la lahaa mowduuuca! Waa iga araar midaasi. Shirkana waa furan yahay...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Assalamu calaykum, Alle-u-bahaane- waa mowluuc fiican oo u baahan in laga doodo- waxaan rajeeynayaa in dadka "boggaan" yimaada oo qabyaalada ku qoraacdo aaysan naga qasin.

 

Anigu run ahaantii waxaan ahay qof soomali ah oo doonaayo (kuna riyoodo) in ummadda soomaliyeed meel kasto aay joogto aay midoowdo- qabiilkana laga baxo. Anigu ma aaminsani qabiilka (ilaahey wejigiisa waxaan meel fagaaro ah ka sheegay inaan ka baxay qolada laigu sheegay inaan ka dhashay).

 

Sababta iigu wacan waxay ahayd in markii aan u dhabagalay biyo shubka qabiilka oo ila noqday wax aan caqli, cilmi, diin midna ku dhisaneeyn.

 

Soomaaliya marxalad adag ayaay soo martay (anigu ma aanan joogin afrika markaay xumaantaasi dhaceeysay)- dad soomaaliyeed ayaa loo laayey sabab qabyaaladeed (hargeisa, mudug iyo konfurtaba).

 

Maadama xumaan aad u xun dadka dhexmartay waa la fahami karaa in la sameeyey degaan isku magacaabay somaliland, puntland, jubbaland, hiiranland etc. Xaqiiqduse waxaay tahay in goobahaasi aay saldhig ku wataan arrimo qabyaaladeed.

 

Anigu ruux ahaan raali ayaan ka ahay in tuulo kasto, degmo kaste aay go'ado haddii lagu caafimaadayo- haddaba dhul gaalo ayaan deganahay, ee maxaan u aadi waayey soomaliland (oo ay deganyihiin dad aan isku af nahay, isku diinahay) ama puntland.

 

Laakin sida xaqiiqda ah taasi imaan meeyso ilaa waqti maadaama xumaan xun aay ummaddii dhexmartay.

 

Dadka aniga ila midka ah (inkastoo qaar aay gashay cuqdada qabyaalada) waxaay aadayaan NFD.

 

Arrinta ku saabsan soomaliland, waa mid adag - waxaad moodaa in istaraatejida aay tahay aqoonsi- wax lagu helo aqoonsi oo aan dawarsi ka ahayn ma jirto- ama lacag adag ah oo deeq ah, oo sababayso in qoloqolo loo kala baxo. Guusha maanta la gaaray kuma dhisno dawladnimo iyo aqoonsi ee waxaay ku xirantahay dedaal ka yimid dadka. Qof kaste oo soomali ahna waa inuu ku farxaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaqil si fiican ayaad u hadashay runtii, laakin kan la baxay Alle-u-baahne (I wonder who doesn't need Allah?? cajiib), waa dadka la yidhaado: Dusha ka miskiin, hoosta ka daalim!! kuwa ugu xun.

 

Laakin, wadada uu soo maraaba waa u mubaax, hadii uu harag diimeed soo gashado, hadii uu harag Somalinimo soo gashado, iyo hadii uu mid qabiil soo gashado waa isla lafihii waxa ka hooseeya. Nothing more!!

 

Having said that, contrary to what the Daalims here propagate, Somaliland is not about Qabiil. It is rather about the reclaimation of a lost nation. We all know, that dadka rer Somaliland, in aanu jirin qof uga sheekayn kara wax "midnimo" tahay. They know it, they been there, and they just didn't like what they saw. Munaafaqad xun oo dad sooc ahi ku shaqaystaan ayay midnimo u danaysaa. Taasi waa waxa maanta ina wada dhigay qurbaha ee qaxoontiga inaga dhigay.

 

Marka, we have two choices here, to make the same mistake all over again, or, sidii laka ahaa ha lagu kala joogo. The Somaliland people, waxay doorteen oo dan moodeen inay lasoo noqoshadooda madaxbanaanidoodii sida dhibta yar ay ku lumiyeen, tahay shay ubadkooda iyo ayagaba dan u ah.

 

Now, qofka taas ka soo horjeeda, waa qof dan Somaliyeed rabin, oo doonaya in Soomaali waligeed siday tahay ahaato. Taasina wax dadka reer Somaliland u cuntaamaya ma'aha, ninka Somaliland diidani waa nin habeen madow indha cadeeyey, isaga ayaa iska cadeeyey. Somaliland dadka reer Somaliland ayaa go'aankeeda leh, ilaahay ka sokow, ruux kale oo uga habranayaan aduunkan ma joogo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa wax lays ku qaldayaa!

 

Adeer ceeb maaha in dad isku qabiil ahi meel wada degaan, isku maslaxadna noqdaan. Waxaan kaloo ceeb ahayn iney danahooda u istaagaan; maamul iyo nidaam kala danbeyn leh dhistaan; hannaan dawladnimo tiigsadaan. Puntland & Somaliland ku dayasho ayey mudan yihiin. Haddaan lagu qoonsanayn magacyada qalaad eey ula baxeen dawlad goboleedyada ay dhisteen, iima muuqato wax lagu maago.

 

Maanta waxay haystaan hoggaan iyo maamul dawladeed shacabkoodu ogalyahay. Waa meeloo caqligu ka shaqeeyo. Waa ka ilbaxeen dowlad iyo hay'adaheed u garnaqsada odayo dhaqameed iyo isimo (not quite yet,in Puntland's case). Qaanuun, baarlamaan, iyo gole wasaaradeed bay leeyihiin. Ciidan urursan oo mushaar qaata oo amnigooda u xilsaaran baa u samaysan.

 

Maanta waxay haystaan hanaan siyaasadeed ooy uga qaybgalaan (in Puntland's case, and Somaliland, if it so wishes) siyaasada guud ee Soomaaliya.

 

Soomaalidu intaa waa iska hadashaa. Caddaalad xumadaana ku badan runtii.

 

So Alle-ubaahane, bal iisheeg meesha salaadu iska qaban la'dahay. Ma anaa mooday mise cadan baa laga heesayaa? Adeer haddii harumarka goboladaas qabiil kaaga uray adaa u baahan inaad dib isugu noqotid!Haddii kale oon anigu qalad fahmay,hadalkaaga doox, oo dux-diisa noo sheeg!

 

 

P.S: Goosashada Soomaaliland waa mawduuc kale oo ka duwan tan hadda aad meeshaan ku haysaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alle-ubaahane - mar haddii aad calmatay in aad wax turxaan bixiso, miyaanay kula haboonayn in si aad rubadda u soo taabato aad si mug ah uga magawsato.

 

Haddii aan yare milicsado qoraalkaaga waxaa muuqata in aanad ka dharagsanayn butaaca siyaasadeed ee Somaliya, mid hore iyo mid imminka ahba. Mar haddii aanad fahmasanayn xajmiga arrinkuna, xaajo waa ay kula bariiqataa. Aanse kuu saafe, waxa aad is dhex yaacinaysaa is ma laha.

 

Kala saar:

i) samayn maamul ku yimid rabitaan iyo baahi bulsho,

ii) u adeegsiga qabiilka ee dhisme maamul (mid ka mid ah sifayaasha toolmoon ee qabiilka),

iii) iyo Ethiopia-da aad dalacka haysato.

 

Taasi waa taa.

 

Waxaa la yaab leh muudalkan maangaabka ah ee Suldaanka la baxay (ilayn magac laga miskiin ma aha) ee kala laba canlaynaaya.

 

Bal yaan yaabin oo kalmahaas fasira?

"....Munaafaqad xun oo dad sooc ahi ku shaqaystaan ayay midnimo u danaysaa"

 

Haddii aanay ahayn, bal naga shaafi waxa ay tahay?

"...contrary to what the Daalims here propagate, Somaliland is not about Qabiil"

 

Inta kale, Xiinfaniin ayaan kala ardaa ahay, si sidaa ka haboonna uma dhigi kareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

War ninyahow Alle U Baahane ku mahadsanid mawduucaad bilowday waana mid u baahan in si qoto dheer looga dabaal dego, muddo dheera la siiyo balse maadaama soomaalidu ku dhowdahay inay qabiilka caabudo oo ay weliba dhacdo in diinta mararka qaarkood laga hormariyo wax raqiis ah oo loo arkayo maslaxada qabiilka.

 

Intaa waxaa ii dheer bottom-up strategy is one of the best alternatives available to us for rebuilding our nation aana ku gaadhi karo hanaankii dawladnimo lahayd sidaas darteed ugu horayn waa inaan nafaheena iyo guryaheena hagaajino dabadeedna inagoo danta guud diyaaar u ah isku nimaadno.

 

Ta Ethiopia haddaan wax ka iraahdo, for the sake of its survival, it ought to divide somalia into segments and then give directives to these, be it PL or SL in a proxy way as such her interest is served.

 

Caaqil, Xiinfiniin, SW.. it is newsworthy to mention that SL is a bit ahead than PL as far as the Hierarchal goverment branches are concerned, and I am with U guys on that. However, both are doing just fine in relation to the south.

 

Suldaanka, pls practice what you preach, your hypocrisy, ethnocentric, fabrications should be conveyed with modesty impeded some sort of intelligence, to us it is not merely a naked lie when you portray SL as nation of multiclan, while everyone in the world is realizing what it is by the day,rather than an insult on our intelligence, Saaxiib wax iskula har.. come out from the cave, be a man and proclaim !!,, that you are advocating I-people's kingdom and then and only then we can have a productive debate. Other than that sheekadaadu waxay la mid tahay “I jiid aan ku jiido waa gacmo daalisâ€

 

Qadarintiin,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

Cinwaanka aad kor ku qortay baan ka soo horjeedaa. Hadii Somaliland iyo Puntland ay yihiin maamulo ku dhisan hab-qabiil (waana xaqiiq), waxaa xusid mudan in ummada aad u sheegtid in maanta dhowrka maamul ee ka jira koonfurta Soomaaliya ay iyagana ku dhisanyihiin hab-qabiil. Tusaale: Waxaad sheegta mas'uul awood ku leh gobolka Banaadir oo jabhadii USC ka tirsaneen? Tusaale kale: Waxaad sheegtaa mas'uul awood ku leh gobollada Baay iyo Bakool oo u dhalan jabhada RRA? IWM. Arrinta qabiilka iyo maamulka waa arrin khuseysa Soomaaliya oo dhan ee ma aha arrin u gaara Somaliland iyo Puntland.

 

Anigu waxay ila tahay hadii maamul hab-qabiil ku dhisan nabadgelyo lagu heli karo waxaa waajib nagu ah inaan soo dhaweyno, sababtoo ah maamul la'aan baa wax walba ka daran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Saaxiib weli islama hayno!

 

Qabyaalad waa ka duwnatahay qabiil. Qabyaaladu waa qabiilkoo si xun loo adeegsaday. Somaliland & Puntland toodu maaha qabyaalad. Toodu waa maamulo xalaal ah oo ku yimid doonista bulshoweynta degan goboladaas. Haddii ay dhacday in degaanaadaas ay degaan u yihiin dad isku ab ah oo dhiig iyo dhalasho wadaaga, hadde waa maqaadiir alle keenay oon boos nooga bannaanayn falaqeynteeda. Haddiise doodu tahay maamulladaasi maadaama ay dad isku heybi ahi dhisteen waa kuwo qabyaalad ku binaysayn, taasi waa dood quus ah oo larabo in qiiq lagu shido wax qabadka beelahaas tooda kasoo dhalaalay.

 

Waxaasoo dhanse waxaa iiga daran, oo hadda hadalka igusoo celiyey waa isku darida aad isku dartay ood sintay jabhadaha boolidu kasoo urayso ee koonforta looga guuray iyo deegaano si xalaal ah isku maamulay. Adeer laba aan isgeyin baad rabtaa inaad duhurkii isku meherisid! Waxaa koonfurta yaala maaha qabiil iyo qabyaalad toona ee waa qawlaysato ku magtay boolida iyo xaaraanta,ku habsatay degaan aysan xaq ulahayn, rabtana iney sidaa siyaasada soomaalida uga qeybgasho. waa arrin jirta inaan koonfuri ka sinneyn fitnadda iyo boobka, muranse maleh in maanta waxaa dawladnimada soomaalidu u xayinrantahay ay tahay fawdada iyo waalida koonfurta ka jirta.

 

Horumarka bini'aadamku maalinba marxalad buu joogaa. Haddey shalay ahayd koonfuri meel loogu xisho ilbaxnimo, amni, iyo diin, maanta waa meel ay ku waabariisatay foolxummo iyo ayyaandarro! Duceey u baahantahay. lamase joogo xiligii lagu dheririn lahaa deegaano aysan asaagsan karin. Jamahada dhiiggu ka qoyanahay farahooda ha la simin nidaamyada ka jira Somaliland & Puntland.

 

Markaan yaraa een xamar joogay shiddoo dhan mudug iyo waqooyo baa laga sheegi jirey. Taasi waa sooyaal taariikheed oo in laga sheekeeyo mooyaane aan maanta waaqica waafaqeynin. Dadkaasi waa ka gudbeen jabhadnimadii.

 

waalida ninkii soo maraa laga waraystaa, adeer.

 

Gunaanadkii, waxaa xaqqiiqo ah in amniga iyo kala danbeynta ay tahay arrrimo Ilaahay maamulo hadba qoloduu doono ugu nimceeyo. Asbaab bayse leeyihiin, sida xikmadiisuba ku salaysantah. Yaan nimcadda ilaahay dadkaa lagu cawryin ee ilaahay halaga baryo in inta kalana uu siiyo.

 

P.S: SW, good to see you sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta ilaah baa mahad leh. Maadaama ay daacad iga tahay, sida walaalkeey Caaqil oo kale, waxaa runtii ila quman inaanan dan iyo heelo u galin qof aflagaado igu riday iyo mid ay rag iska dhicis uga cadahay. Laakiin waad ku mahadsan tihiin jawaabihii iyo aragtiyadii aad ka dhiibateen mowduucaan.

 

Waxaan hadaba wax ka dhihi lahaa runtii, qoraaga ugu danbeeyay hadalkiisa oo ah tusaalaha uu Koonfurta Soomaaliya usoo qaatay oo ah qabiilka la isku maamulo. Marlabaad waxaan jeclahay inaan mowqifkeyga ee qabiilada Soomaaliya cadeysto: Waxaan bari ka ahay wax walba iyo qadiyad walba oo qabiil ku dhisan, ilaaheyna waxaan ka baryayaa inuu dhamaanteen sidaas oo kale naga dhigo, aamiin.

 

Walaalayaal, waxaa jirta sideedaba oraah ay soomaalidu tiraahdo oo ah, Caanihii aan fiiqsi loo dhamin iyo hadalkii aan fiiro loo oran, intuba feeraha ayey waxyeelo u keenaan! Taas waxaan ula jeedaa dhibka nagu dhacay oo ilaa iyo maantadan taagan wuxuu saanqaadkiisa soo bilowday waagii aan xornimada qaadaneynay. Hadeey qabyaalad aheyd iyo hadeey qadiyado Gaalo aheydba waxaan goosanay mirihii iyo nacfigii laga dhursugi lahaa. Hadaba maanta oo xeeradii salkeeda lasoo taabtay, maxaa nagu kalifay inaan nidaam qabiili wax ku raadino iyadoo la heli karo in laga tanaazulo oo loo tafa xeyto sidii loo hanan lahaa qadiyad turxaan baxsan oo u adeegta cidwalba oo Islaamnimo iyo Soomaali ku abtirsata?

 

Sababta aan su'aashaas u weydiiyay waxay tahay, xitaa markaad u dhaba gashid nidaamyadaas qabiilka ku dhisan ee PL iyo SL isku magacaabay, waxaad arkeysaa in midnimada ay ku taagan yihiin oo dhan iney tahay reer hebel iska dhiciya oo yeysan idinka xin iyo cadaawad badin. Markaad dhageysatid qudbadaha iyo wacyigalinta ay soo jeediyaan madax kusheega labadaas maamul qabiili, (hadaan iyaga tusaale usoo qaato), waxaad dareemeysaa inay dadka ku heystaan sida qabqablayaasha xamar jooga ay qabiiladooda ugu sheekeeyaan, si xamaasad iyo jawi caadifad loo kicyo.

 

Waxaan ka daalacday mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee Soomaalida in Waqooyi Galbeed (Somaliland) lagu qabtay dhalinyaro u dhashay deeganada Cadaado iyo Ceelbuur, oo loo heysto iney damacsanaayeen falal argagixiso ah, waliba ay maxkamada Qabiilka Hargeysa daga ay ku xukuntay dil toogasho ah! Waxaa hada qoraalkaas ku lifaaqnaa codsiyada rag nabaddoono ah iyo ugaasyada ay ka kala dhasheen dhalinyarada dilka lagu xukumay. Halkaas waxaa iiga baxay sheeko ah in si walba oo ay maamuladaas qabiilka ku dhisan u hormaraan ineysan waligoodba ka weynaan doonin qadiyada ku qabiilka, maadaama ay tahay aasaaskii loogu dhagax dhigay jiritaanka ay maanta ku taamaan.

 

Marka hadaan dhan kale idinka tuso, sideedaba waxaan muran ka taagneyn in qof walba oo soomaali ah uu maanta qatyaan ka joogo arintan qabiiladu wataan oo dalkii iyo dadkii aad u kala fogeysay. Qabyaalada inay AIDS iyo Cancer ka liidato maanta soomaali loogama sheekeynayo, laakiin su'aasha iga dhex guuxeysa waxay tahay, waxa sidaas u qaldan ma noqon karaan daruuro lagu gaaro sax iyo wanaag? Taas ka sokow, sideedaba haduu qalad dhaco, maadaama aadane la yahay oo gafku uu intaas naga dhacayo, ma waxaa habooneyd inaan isi saxno mise inaan qaladkii qalad kale ku saxno? Haba lagu saxee, sideedaba laba qalad sax ma keenaan?

 

Tusaale waxaad usoo qaadataa cadaalad daradii uu xukunkii Siyaad Barre umada ku hayay. Waxaa timid U.S.C. oo jabhado kale oo jiray ugu tabar rooneyd, waxay halmar barqo cad majaraha u xaabisay xukunkii jiray, waxwalba uu yahay qasadkii U.S.C. ay markaas wadatay, waan ogeyn wixii ka dhacay oo halaag iyo qaryo-guur ahaa. Hadaba Dowladii Ina Barre waxay sameysay qalad, waxaase lagu saxay qalad kale. Su'aashu waxay tahay marka hadiiba intaas oo masiibo ah ay qaladaad qabiil ku yimaadeen, maxaan maanta uga kaaftoomi weynay qabyaalada caqligeenii doorisay?

 

Shaqi ahaan waxaa jirta arin aan la yaabay oo runtii dad farabadan kala sheekeystay, waxayna tahay arintaas mid la xiriirta fakarka qofka Soomaaliga ah oo qabyaalada aaminsan iyo aragtida ay ka qabi karaan aduunka intiisa kale, waliba kuwooda wax og oo wax un bartood garan kara. Waxaan la sheekeystay nin aan macriifo nahay, waxaan isku soo qaadnay dhibaatooyinka caalamka islaamka ka jira, markaan waxwalba ka dhageystay, kaaga daran quruxda iyo wanaaga ka muuqda aragtidiisa ku aadan caalamka, waxaan halmar mowjada saaranay Soomaaliya, ileyn maba aha ninkii hadalka qurxoonaa. Markiiba wuxuu bilaabay inuu yiraahdo dowlada C/Y hala raaco, (koley waa isku jifo asaga iyo C/Y) markaan weydiiyay maxaa loo taageeri waayay tii C/qaasim, wuxuu iigu jawaabay taas looma dhameyn oo caalamkuna xitaa iskuma raacsaneyn!

 

Marka bal eega nimanyahow caqlaaniyada qofkii soomaaliga ahaa ee maanta joogay, gaar ahaan, dhalinyaradii waxay la tiicayaan afkaartaas oo miiran. Marka qof walbaa haduu runta uga leexdo maslaxad shaqsi oo kaabe-qabiil ah, yaa u maqan dantii guud iyo diintii aan Islaamka u wada aheyn dhamaanteen?

 

Nin ayaa wuxuu aaminsan yahay qabiilka in loo adeegsan karo dhismaha qaranka, war ilaah baan idinku dhaarshee xitaa ma maqasheen meel ay dadkii reer miiga ahaa ku leeyihiin qabiil ayaa hada ka hor waxaan ku gaarnay wanaag noocaas iyo noocaas ah; waligeed lama sheegin taariikhda umada soomaaliyeed meel uu qabiil qaran af-hayeen ugu noqday. Waxaad eegtaan Halgankii gobonimodoonka ee Soomaaliya laga soo bilaabo Ina Cabdulle Xasan ilaa Burburkii Qarannimo ee '90-meeyadii, waxaad arkeysaa in qabiilka uu ahaa meesha kaliyah oo fashilka uu ka socday.

 

Halgankii Daraawiishta waxaa fashiliyay waa Qabiil. Kii SYL iyo ururadii kale waxaa dhaawacyo culus gaarsiiyay waa qabiil. Nidaamyadii wadanka ka soo jiray kadib markii xornimo-ku-sheegii la qaatay waxaa curyaamiyay isna waa qabiil. Kacdoonkii jabhadaha ee looga soo horjeeday taliskii Ina Siyaad waxaa majaraha u qabtay waa qabiil. Walina waxaan wax ku raadineynaa waa qabiil, oo ay tahay in xitaa dowlad-kusheega haatan jowhar fadhida lagu soo dhisay qabiil iyo aafooyin horleh, oo xitaa hadeey wax ku gaari lahaayeen waxna ma dhinteene, waxaad arkeysaa inay halkoodii qabiilka uga sii miiseen.

 

Dugsi maleh qabyaaladu waxay dumiso mooyaane

Ilaahey naxariistiisa ha geeyo, walaalkeen c/laahi suldaan aad buu nooga digay haadaanta ka danbeysa qabyaalad qaran iyo dowlad loo adeegsado, waana cibaaro cajiib ah qofkii ku quus qaadanaya meesha ay maanta ina soo istaajisay.

 

Raboow adaa mahad leh ee reerkaan u miciin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somaliland is a tribal-faction, thats why some one tribe supports it and other tribes are agianst.

 

One of the leaders of subclan parties of somaliland (supposedly political party)Mr Faisal said in an iterview that Somaliland is one tribe dream;

 

 

السيد Ùيصل: الاسحاقييون عرب هاشميون، ونحن الان لسنا اعضاء ÙÙŠ جامعة الدول العربية، وحزبنا يؤمن باهمية ا لاستÙتاء على موضوع عضوية الجامعة العربية.

المغترب العربي: ولكن هل انتم عرب؟

السيد Ùيصل: نحن عرب ØŒ ولكن لنا سياستنا المختلÙØ© عن بقية الدول العربية

 

 

The Arab expatriate Newspaper : is Republic of Somaliland Arab country ?

Mr. Faisal : Isaaks are Hashemi Arabs, and we now are not members in the Arab League.

 

The Arab expatriate Newspaper : but are you Arabs ?

Mr. Faisal : we are Arabs, but our policies are different from the rest of the Arab countries.

 

 

Questions to Faisal:

1) The question was "is Republic of Somaliland Arab country ?", who asked him about his tribal affliation, unless he suffering from tribal syndrome.

 

2)Since Mr. Faisal said that Somaliland is populated by one clan as Faisal said (Hashemi Arabs), how about other clans/communities, that somaliland illegitimately claiming their territories?

 

3) How are policies of somaliland are diffrent from those of Arab countries, does he mean Somaliland's relationship with Isreal, if it at all exists?

 

4)Nomads, how Faisal handled the questions?

Somalilanders (like qudhac, castro,etc), do you have better responses?

 

I believe Faisal should apologize for other clans/communities who think that they are part of Somaliland society like some sections of Awdal community ( Riyaale)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Atheer SOOMAL, I gave you my answer on the above in the other post. Furthermore, I'm not a Somalilander though the concept does not bother me and I support the people of that region in their bid for secession.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Somaal, with my limited Somali reading ability,i think people like Xiin are arguing that Somaliland and Puntland are breakaway regions that were created for the sole purpose of self-enhancement.Your comments about iina Warabee are chimerical and wholly unfounded fear of Somaliland progress(perhaps a mental derangement confined to Somaliland fear).Saaxiib,get over with the prejudice and give credit where its due.I personally have nothing against any region that is putting the welfare of it's people first(Puntland applied here).Both regions are children born simultaneously from the same mother(Somalia);get over with your fainhearted tactics of pulling the clan politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Suldaan aduu waxaa tahay daalim fowqal daalim, dusha iyo hoostaba daalim baa ka tahay

 

Somaliland waa jabhad qabiileed, nothing more

 

Having said that, contrary to what the Daalims here propagate, Somaliland is not about Qabiil. It is rather about the reclaimation of a lost nation. We all know, that dadka rer Somaliland, in aanu jirin qof uga sheekayn kara wax "midnimo" tahay. They know it, they been there, and they just didn't like what they saw. Somaliland iyo riyada qabiil waxaa dan mooda daalimiin. maanta soomaali dhibaatada heysata waaxaa ka masuul ah jahadaha qabiil ey Somaliland u horeysey, waa sababta ey soomaali dalkii u buburiyeen and qubahana loo soo aaadey.

 

 

Marka, we have two choices here, to make the same mistake all over again, or, sidii laka ahaa ha lagu kala joogo. Dadka soomaaliyeed u degan sool sanaag iyo cayn oo logu yaqaan taarukhiyaan wadanimadooda xaddhaafta ah, waayo waagii isticmaarka lala dagaalamayey, Gobolada SSC waxey ahaayeen xaruuntii ururada ladagaalamayey isticmaarada kala duwan European and African, maantana waa gobolka kaliya ee aan laheen militia qabiil sida northwest. Maanta dadka gobolada SSC waxey dan u arkaan ayaga oo wax la qabsada walaalahood soomaaliyeed dhamaantood, saasey dani ugu jirtaa horumarka dadka ssc iyo successive generations ka mustaqbalka.

 

Cid kasta oo kazoo hor jeesata rabitaanka dadka SSC inay dhamaan walaalhood soomaaliyeed wax laqabsadaan, waa cid daalim ah oo hunguri hayo una shaqeenaya cadow shisheeye, dadka SSC waa ka go an’tahay inay wax la qabsadaan gobol kasta oo soomaaliyeed oo ixtiraamaya rabitaanka dadka SSC, cidii moodasa inay ku gardaroon karta dadka SSC waa cid fashilan oo waligood ku guuleesaneen gardarada iyo dulmiga ey doonayaan. (xitaa hadii ey somalinimo shaqeenweydo Allaah kama yeele, dadka SSC ayaga eyey u taala danahooda cid kalana kalama tashanayaan, markastana 1 gobol ahaaade sida hiiraan ama bay iyo bakool, ama gedo, gobolada SSC wey lamidoobayaan waxna wey laqabsanayaan, Berlin conference (1984) waxa uu sheegayo mashaqeenayo ee waxaa shaqeenayo waxa umada soomaaliyeed doonaso. qofka ku doodaya waxa uu sheegayo General Act of the Berlin Conference waa qof daalim ah oo raba inuu dad dulmiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Atheer SOOMAL, I gave you my answer on the above in the other post. Furthermore, I'm not a Somalilander though the concept does not bother me and I support the people of that region in their bid for secession.

Adeer Castro,

Your personal opinion is yours, I guess you are northwest(=Somaliland)

If northwest wants to secede is not my concern, that should concern people of woqooyi galbeed, BUT northwest’s (=Somaliland) claim over SSC regions is NOT acceptable. People of SSC don’t want to be part of entity where faisal and likes are leaders- who saying Somaliland is inhabited by one clan and then claiming the territories of other clans

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Atheer, it is Somaliland's problem if one or more regions within it (or it claims) are not interested in staying in that union. Whoever said secession would be a cakewalk?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this