Sign in to follow this  
A_Khadar

Israel Oo ku Aqoonsatay‏ - Gabay

Recommended Posts

A_Khadar   

Aw Riyaaliyo, aag Hargeysaay,

Israel oo ku aqoonsatay,

ilbaxnimo iyo aqoon maahoo

anfac kuma jiro. Dad islaamoo,

imaan badan lihi, erayada qaar,

afka soo mara, asal uma lee,

markaad ajashee, iilka lagu dhigo,

bay Isreal, aboorkiyo boodh,

aaska kaa celin? Ma ilays iyo

iftiin badan bay isha kuu bixin?

 

 

Umul dihatoo, uurka fooshii

la ildaranoo, ooyaysaa tidhi,

odaygaygii, eelkan kii dhigay,

eegan dabadeed, agtiisa ma maro.

Markay umushee, afartan baxdayna,

uunsi shidataad, aynigeed tee,

Israel oo ku aqoonsatay,

maxay umal iyo aafo soo kicin.

 

 

Awel lixdankii, umadnimo iyo

aasaas dawladnimo, aan unkamayneyba

oogta waaberi, kii uugaamaye,

aqbalaay yidhi, Israel iyo oodaheedii,

bay ahaayeen. Meeyey aayuhu?

 

 

Aadur baan garan, afkaar iyo hadal,

loo amaamuday. Maxaa indho xumi,

arligeenii, arin Soomaal,

Afrikoo idil, agoon iyo rajay,

uurku madhan yahay, ayaan daran baday?

Sow asaagood, i aqoonsoo,

ii arimiyoo, ilkahaygana

waxan ku asturo, afka ii geli,

arin muu noqon, uurkutaalo ah.

 

 

Haday orobiyo, Ingiriiskiyo,

Amerikankiyo, Eeshiyaankuba,

irid wayn iyo, albaab kuu furo,

asaad eber tahay, aan ildheerayn,

agab badan hayn, afku weyn yahay,

see aduunyadu, kuu afgaranoo,

ixtiraam iyo awood kuu siin?

 

 

Afrikaankiyo, amiirada carab,

kuwa ehelka ah,ee agtaada ah

afka taagtoo, ka irdhowdoo,

eeyda gaalada, aabahoodii ,

abeed tidhiye, aragxumadaa,

uunku yaabyoo, anfariiryaye

kaad u orodee, u ergootaa

amakaagoo, adur kugu yidhi.

 

 

Ayro geeloo, ay dhex joogtoo,

ilmaheedii ,aar ka cunayoo,

arxan weydaad, u ekaatoo

u ololaysaa. Ictiraaf li’i,

u asqoowdaye, amal xumadani,

yanaanay eebiyo alle kugi dirirn.

 

 

Ilaah hadalkii, Alxamdu lilhaah,

aayadaha sare, Ancaam iyo Qaaf,

aduun waa gelin, aakhiraa daran,

acmaalaha wacan, anshax iyo dhaqan,

kii adkaystaa, asxaabtii garan,

oo ilwaadii, asturnayd iyo

indho weyntii, aqalka la geli.

 

 

Waa astaamaha, aakhiru sabaan,

nin Islaamoo, alle qirayaa

uu ambado oo, ibleys iyo gaal,

aan abaal gelin, awliyeystaa.

 

 

Waa astaamaha, aakhiru sabaan,

dad ihaanadu, irsaaqad u tahay.

Amaanada weyn, Aadanuhu sido,

nin baa iibsada, ninna ayidyoo,

adkee balantiyo, axdi iyo qowl.

 

 

Maxaa inamada, O-gaadeeniya,

ustaad iyo shiikh, utun aan qabin,

axmaar iyo xabash, looga iibshoo,

godkii Alabakha, loogu aabudhay?

Ma Israel, Itoobiyaan iyo,

Obaamiyo Bush, aamusii baa?

 

 

Koley askartiyo, odayada qaar,

aanadaa galay, abaar weeyoo,

indheergaradnimo, agtooda ma taale,

maxaa ardaydiyo, ubaxaa kacay,

waxaanay ab iyo isir u lahayn,

loogu ababinoo, loo akaakumin?

 

 

Hadaad ina Cali, ashkatayseen,

Aw Riyaaleba, abaanduulaha,

aarmiga qarsoon, Awdal iyo Sool,

buu ahaayoo, inkir kuma jiro.

 

Ina Xaabsade, waa Asluubtii.

Af-hayeenkii, Idaacada xamar,

Axmed Cige iyo injineeradii,

Octoobar dhashayba, waa agtiinee,

Maad afduubtaan, amaad eridaan.

Eexdu waa maxay? Ma aqoonsiga,

Ashuunka ku dhacay, ee ilduufaad,

Israel iyo aduun tusaysaan?

 

 

 

Ifafaalaha, waxaa imanoo,

la arkaayoo, la urinayaa,

aroor wacanoo, Isha Baydhabo,

Aangaliyo Hawd, ilaa Arabsiyo,

ugbaad iyo roob, oonba jirinoo,

amni badanoo, lays aaminee.

yaan ibtilo iyo eed la gudo gelin.

 

By Mohamed Hassan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaad ina Cali, ashkatayseen,

Aw Riyaaleba, abaanduulaha,

aarmiga qarsoon, Awdal iyo Sool,

buu ahaayoo, inkir kuma jiro.

 

Ina Xaabsade, waa Asluubtii.

Af-hayeenkii, Idaacada xamar,

Axmed Cige iyo injineeradii,

Octoobar dhashayba, waa agtiinee,

Maad afduubtaan, amaad eridaan.

Eexdu waa maxay? Ma aqoonsiga,

Ashuunka ku dhacay, ee ilduufaad,

Israel iyo aduun tusaysaan?

 

 

 

Nicely put

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

jaahil somali ayaa waxan tiriyey

Xaji, you are very simple minded person. Anyone agaist this project is either Jaahil, Qabiilist etc according to your books but Gaaroodi, Waraabe, u and likes know all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

This is an other section which is hit the nail on this project..

Haday orobiyo, Ingiriiskiyo,

Amerikankiyo, Eeshiyaankuba,

irid wayn iyo, albaab kuu furo,

asaad eber tahay, aan ildheerayn,

agab badan hayn, afku weyn yahay,

see aduunyadu, kuu afgaranoo,

ixtiraam iyo awood kuu siin?

 

 

Afrikaankiyo, amiirada carab,

kuwa ehelka ah,ee agtaada ah

afka taagtoo, ka irdhowdoo,

eeyda gaalada, aabahoodii ,

abeed tidhiye, aragxumadaa,

uunku yaabyoo, anfariiryaye

kaad u orodee, u ergootaa

amakaagoo, adur kugu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

israel....who the hell cares. its a state whether we like it or not. The very arabs who dispise it recognise it,

 

- jordan

-tunisia

- morroco

- egypt

- labnon

 

so....looooooooool !

 

give me an israeli made uzzi and i would go after the very man who wrote this so called poem. poetry saxib, should be left to the pro's not the rockies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this