Sign in to follow this  
General Duke

Villa Somalia: President on talks meeting opposition chiefs PICS + Audio

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha DFKMGS oo ka hadlay waxyaabo ka jira Soomaaliya.

12. juli 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad Faderaalka KMG ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu maanta saxaafada kula hadlay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin bixitaanka ciidamada Shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya,Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeeed iyo cafis dhawaan loo fidiyay maxaabiistii Maxkamadihii Muqdisho.

 

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay Shirka Muqdisho ayaa sheegay in uusan marna shirkaasi dib udhaceyn ayna ka qeybgalayaan dadkii loogu talagalay ,isagoo sheegay in ay tahay in lataageero shirkaasi .

 

Wuxuuna Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed sheegay in ay dawladiisu aysan maamuleyn shirkaasi ee hawlihiisa gacanta ku hayaan gudiga uu Madax uyahay Cali Mahdi Maxamed isla markaana dawlada Soomaaliya ay ka caawineyso ergayada oo amaankooda ay sugto.

 

Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu ku booriyey dhamaan beelaha Soomaaliyeed in ay shirkaasi ka soo qeybgalaan isagoo Madaxweynuhu ugu baaqay beelaha aysan soo xaadirin ergadooda in lasoo dadajiyo.

 

Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya ku yimaadeen dalab ka yimid dawladiisa isagoo Madaxweynuhu sheegay in ay baxayaan markii dawlada Soomaaliya sameysato ciidamo sugi kara amaanka dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Md.Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada ka socda Itoobiya yihiin kuwa ku yimid codsi ay dawlada Soomaaliya ka codsataya dawlada Itoobiya in ay ka taageerto dagaalkii lugula jiray kooxihii dalka laga saaray dhamaadkii sannadkii 2006-dii.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in cafiska ay fidisay dawlada Soomaaliya yahay mid dawlada Soomaaliya ay qorshestay in dadkaasi layska siidaayo ,maadama uu soo dhaw yahay shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayadoo dawladuna tahay mid ay shacabka Soomaaliyeed u dhan yihiin.

 

Shirkaan Jaraa'id ee uu qabtay Madaxweynaha DFKMGS Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa hareer fadhiyay masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiyaha golaha dhaqan beelaha ****** Cabdi Iimaan iyo C/laahi Shiikh Xasan oo labadooduba ka midaa masuuliyiinta dawlada Soomaaliya sida weyn uga soo horjeeday haatana taageersan.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dawlada kaliya ee ka jirta Soomaaliya ee ah dawlada Faderaalka KMG ahna mid kaliya ee ku guuleystay gacan ku qabashada caasumada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf oo sheegay in shirka dib uheshiisinta qaran la qaban doono waqtgi loo balamay

 

Last Updated::2007-07-12 17:29:10

 

Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa shir jara'id uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya

 

waxaa uu daboolka ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta qaran la qaban doono waqtigi lagu balamay ee 15 Julay isla markana aysan waxyaalaha ka dhacaya magaalada Muqdisho wax saamayn ah ku yeelan doonin qabsoomida shirka

 

Madaxweyne Cabdulahi Waxaa uu sheegay in xataa hadii ay adeegsadan kooxaha ka soo horjeeda hubka Nuclear uu shirku sidii loogu tala galay u socon doono

 

Waxaa madaxweyne Cabdulahi ugu baaqay dhamaan beelaha Somaliyed in ay ka qayb qaatan shirka dib u hesshiisinta

 

Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu sheegay in DFKMS ay cafis u fidisiyay dadkii gacan saarka la lahaa maxkamadihi Islaamka marka laga reebo kuwa aduunka u aqoonsaday in ay yihiin aragagaxiso caalami ah

 

Waxaa sidoo kale shirkan jara'id ka hadlay Guddoomiyaha golaha midnimada beelaha ******, Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in cafiska ay dawladu fidisay uu yahay mid la soo dhawayanayo isla markana loo qaaday dhanka dib uheshiisinta

 

waxana uu ugu baaqay shacabka Somaliyed in ay kala shaqeeyan dawlada sidii ay xasiloonida iy degaanan shaha ugu soo dabaali lahayd dalka Somaliya .

 

Wakaalad@hotmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf
"Kuwa amni darada ka wada Muqdisho waa kuwo dano gaar ah leh oo doonaya inaan la qaban shirka dib u heshiinta Qaran, wuuna furmayaa Hoobiye iska daaye xittaa Nuclear haddii ay soo tuuraan"

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Somalia" shirku wuxuu ku dhacayaa wakhtigii loo qabtay inuu ka dibdhacana laga yaabi maayo.

 

Madaxwaynaha somalia cabdullaahi yusuf axmed oo maanta shir jaraaid ay ku wada qabteen magaalada muqdisho Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha ****** iimaan cumar iyo cabdullaahi sheekh xassan ayaa uga warbixiyay arimo ay ka mid yihiin shirwaynaha qaran ee lagu wado in laba bari kadib lagu qabto magaalada muqdisho iyo sidoo kale hoobiyayaal xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada.

 

Madaxwaynaha somalia wuxuu siwayn uga hadlay shirwaynaha qaran isagoo sheegay inuusan hakad kale gali doonin xiliga loo qabtay shirka hadii wax kasta dhacaan isagoo sheegay inaysan jirin cabsi amaan oo markale shirka loo baajiyo kooxaha wax rabshayana ay hada soo tabar dhigeen.

 

Cabdullaahi yuusuf wuxuu sidoo kale cafis u fidiyay marlabaad ragii ka tirsanaan jiray maxkamadihii laga itaal roonaaday isagoo sheegay inay shirwaynaha ka soo qayb gali karaan iyagoon wadan magac siyaasadeed balse ay beelohooda ku iman karaan.

 

Dhanka kale Xaaji Cabdi Iimaan oo isna ka hadlay warsaxaafadeedkaasi ayaa ku amaanay madaxwaynaha sida ay uga go'an tahay in wadanku xasilo isagoo taageeray shirwaynaha qaran ee lagu wado in lagu qabto magaalada muqdisho.

 

Xaaji Cabdi Iimaan wuxuu siwayn ugu dheeraaday in dadwaynaha caasimadu ay danahooda ilaashadaan lana shaqeeyaan dawlada isagoo sheegay in hadii ay dawlada la shaqeeyaan ay naftooda iyo hantidooduba badbaadi doonaan balse aan xal lagu gaarayn in qarax lawado aan macno ku fadhiyin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada KMG Ah Ee Soomaaliya Oo Sheegay In Marnaba Uusan Baaqan Doonin Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran(Shir Jaraa`id)

Posted to the MOL July 12, 2007, 9:49 am

 

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in uu qabsoomayo shirka dib u heshsiisiinta qaran isla markaana aan dhag jalaq loo siin doonin weerarada ka dhacaya Muqdisho.

 

Madaxweyne Yuusuf oo shir jaraa`id ku qabtay madaxooyada dowlada KMG ayaa sheegay in dowlada KMG marnaba baajin doonin shirkaasi xitaa haddii ay hub hobiye ka weyn lagu soo weeraro.

“Marnaba ma baaqanayo shirka xittaa haddii lagu soo weeraro hubka Nuclear, dhag jalaq uma siin doono weerarada”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa ka dambeeyay ka dib markii habeenkii xalay hoobiyaal lagu weeraray goobta shirka loo qooneeyay iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Madaxweyne Yuusuf oo ay ka muuqatay carro wajigiisa ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Itoobiya marnaba ka bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta amaanka wax ay iska badalayaan .

 

Waxaa kale uu sheegay Mr.Yuusuf in mar kale uu cafis u fidiyay dadkii la soo shaqeeyay maxaakimta isla markaana la sii deyn doono maxaabiista aan dambiga laheyn laakiin kuwa dambiga ku jira cadaalada la marsiin doono.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia

 

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah.

 

Madaxweynaha ayaa ka hadlay saddex qodod oo kala ah.

 

1. Cafis loo fidiyey Kooxdii Maxkamadaha intooda aan xiriirka la lahayn argagixisada caalamiga ah.

 

2. Sii joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka oo uu sheegay in ay sii joogi doonaan tan iyo inta dalka laga xasilinayo.

 

3. Iyo qabsoomidda shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo uu sheegay in uu ku qabsoomi doono xilligii loogu tala galay.

 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan dawladda keli ah ee dalka ka hana qaadday muddadii 17 sano ahayd ee la soo dhaafay.

 

Markii uu shirka jaraa'id qabanayey waxaa garab fadhiyey Xaaji Cabdi Iimaan iyo Cabdullaahi Shiikh Xasan oo kamid ah odayaasha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee dhowaan bilaabay taageerada dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Soomaali

 

SBC Muqdisho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this