Sign in to follow this  
General Duke

Villa Somalia: President on talks meeting opposition chiefs PICS + Audio

Recommended Posts

Madaxweynaha dowladda kMG ah C/laahi Yusuf oo sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu dhacayo.

 

July -12-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta uusan baaqan doonin xataa hadii lagu weeraro hubka Nuclear-ka.

 

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in uu qabsoomayo shirka dib u heshsiisiinta qaran isla markaana aan dhag jalaq loo siin doonin weerarada ka dhacaya Muqdisho

 

Madaxweyne ayaa waxaa garab taagnaa markii uu maanta hadalka soo saaray weeraradii xoogaan ee xalay gil gilay caasimada Gudoomiyaha dhaqanka Beelaha ****** iyo waliba siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan kuwaas iyana ugu baaqay dowladda fadaraalka soomaaliya inay gacan ka gaystaan nabada dalka.

 

Madaxweyne Yuusuf oo shir jaraa`id ku qabtay madaxooyada dowlada ee Viila Somalia ayaa sheegay in dowlada KMG marnaba dib u dhigi doonin shirkaasi xitaa haddii ay hub hobiye ka weyn lagu soo weeraro.

 

“Marnaba ma baaqanayo shirka xitaa haddii lagu soo weeraro hubka Nuclear, dhag jalaq uma siin doono weerarada”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf.

 

Waxaa kale uu sheegay Mr.Yuusuf in mar kale uu cafis u fidiyay dadkii la soo shaqeeyay maxaakimta isla markaana la sii deyn doono maxaabiista aan dambiga laheyn laakiin kuwa dambiga ku jira cadaalada la horkeeni doono mar dhaw isagoo intaasi ku daray inaan la cafin doonin kuwa xariirka la leh alqaacida caalamiga ah waxaana uu intaasi raaciyey madaxweynaha dowladda fadaraalka soomaaliya in cid walba oo ay u keenaan Mas'uuliyiinta uu hor kacayo xaaji cabdi Iimaan oo ah gudomiyaha dhaqanka beelaha ****** ay cafis yihiin.

 

Madaxweyne Yuusuf oo ay ka muuqatay carro iyo xanaaq fara badan wajigiisa ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Itoobiya marnaba aysan ka bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta xaalada dalka soomaaliya ay ku soo celinayaan sidii la rabay.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa soo baxay ka dib markii habeenimadii xalayto hoobiyaal lagu weeraray goobta shirka loo madlay in lagu qabto waliba iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this