Sign in to follow this  
Liibaan

Waftigii SSC oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Soomalia Sheikh Sharif

Recommended Posts

Liibaan   

Waftigii ka socotay SSC ee uu horkaycyey Hogaamiyaha ugu weyn ee dhaqanka Garad Jamac Garad cali ayna ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Siyaasadeed ee SSC iyo qaar ka tirsan Madaxdda Haayadaha Hogaanka SSC ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed

 

kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha iyo waftigan waxaa ku wa heliyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo xildhibaano DFKM ah kana soo jeeda SSC

 

Waftigan ayaa madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed uga warbixinaysay xaaladda uu Gobaladda SSC iyada oo dulucda shirkuna uu ahaa sidii Maamulka SSC u heli lahaa taageeradda DFKM-ka ahi iyo dadka ku dhaqan mandaqadan caawimooyinka ay xaqa u leeyihii iyada Hogaanka SSC uu taagero hagar la’aan ah u ahayo Dawladda Shiikh Shariif

 

Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu taageero hagar la’aan ahi uu siin doono Hogaanka SSC isla markaasna rabitaanka Shacabka SSC uu aqoonsan yahay hogaanka ay soo samaynteena uu tixgalinteeda siinayo, waxana Madaxweynuhu sheegay in wixii horay looga gaabiyey aan dib looga gaabin doonin oo Hogaanka SSC uu noqonayo garabka ugu weyn ee Dawladdiisa

 

kulankaas markii uu soo gabo gaboobay ayaa waxaa la hadlay Saxaafadda Hogaamiyaha SSC isaga oo ku sugan xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay inay madaxweynaha kawada hadleen xaalada ka taagan Gobolada Sool,sanaag iyo Cayn islamrkaana tilmaamay in ay doonayaan in dowlada FKMG ah ee soomaaliya gaadho deegaanada sool,sanaag iyo cayn si loo helo ayuu yiri midnimada umada soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay muqadas tahay

 

Mud ,xagla toosiye ayaa *****lka ka qaaday in madaxeweynaha iyo wafdiga Gobolada SSC ay oo kulankoodu qaatay mudo saacado ah uu sheegay inay kaloo ka wada hadleen madaxweynaha sidii loo heli lahaa midnimo soomaaliyeed oo uu sheegay inay taariikhda baal dahab ah kaga jiraan gobolada SSC sida ay ugu taagan yihiin midnimada dalka iyo dadka .

 

Hogaamiyaha SSC saleebaan xagla toosiye ayaa gebgebadii saxaafada u sheegay inay guud ahaan isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen madaxweynaha dowlada FKMG ah ee soomaaliya .

 

Si kastaba ha ahaatee wafdigan ka socda gobolada sool ,sanaag iyo Cayn oo soo gaaray magaalada muqdisho maalin ka hor ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo ay garoonka aadan cade airport ay kusoo dhoweeyeen khamiistii reysalwasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya maxamed ca/laahi farmaajo iyo raxan xildhibaano ah oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya iyadoo durba ay soo baxayaan ifafaale ku aadan kulamada ay la qaateen masuulkii ugu sareeye dowlada FKMG ah madaxweyne sh,shariif sh,axmed

 

waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo la qaadan doonaan Raysulwasaare Farmaajo, Golaha Wasiiradda ka dibna u dhoofi doona dalka Kenya

 

allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garad-Jama1-300x224.jpg

 

 

 

Hogaanka SSC oo Taageerey Golaha Wasiirada uu Prime Minister Farmaajo Magacaabey

 

Hogaanka SSC ayaa wuxuu shir jaraa,id uu ku qabtey caasimadda Somalia Muqdisho uu ku sheegay in Hogaanka SSC iyo shacabka SSC ay si buuxda u taagersan yihiin dowladda uu dhawaan soo magacaabey R/wasaare Farmaajo.

 

Prime Minister Farmaajo ayaa wuxuu shalay ku dhawaaqey golahiisa wasiiradda oo ka kooban 18 wasiir, taas oo ka dhigeysay dowladii ugu tirada yareyd ee dhawaanahan lagu dhawaaqo iyadoo lagu soo xulay karti iyo aqoon.

 

Dowladan ayaa waxaa hor yaala caqabaddo badan oo ah xagga amaanka, Caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta iyo Midnimadda umadda Somaliyeed oo muddo ku dhow 20 sanno ku jirtey burbur iyo dagaalo sameeyey qof walba oo Somali ah. Dowladdan cusub ayaa la hor keeni doonaaa dhawaan golaha baarlamaanka si loo ansixiyo.

 

 

Dhageyso: Hogaanka ssc oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waftihii Hogaanka SSC oo Lakulmay Madaxda Sarsare ee Somalia(Daawo sawiro)

 

 

Waftigii ka socotay SSC ee uu horkaycyey Garad Jamac Garad cali ayna ka mid ahaayeen Hogaamiyaha SSC iyo qaar ka tirsan Madaxdda Haayadaha Hogaanka SSC ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed

 

kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha iyo waftigan waxaa ku wa heliyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo xildhibaano DFKM ah kana soo jeeda SSC

 

Waftigan ayaa madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed uga warbixinaysay xaaladda uu Gobaladda SSC iyada oo dulucda shirkuna uu ahaa sidii Maamulka SSC u heli lahaa taageeradda DFKM-ka ahi iyo dadka ku dhaqan mandaqadan caawimooyinka ay xaqa u leeyihii iyada Hogaanka SSC uu taagero hagar la’aan ah u ahayo Dawladda Shiikh Shariif

 

Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu taageero hagar la’aan ahi uu siin doono Hogaanka SSC isla markaasna rabitaanka Shacabka SSC uu aqoonsan yahay hogaanka ay soo samaynteena uu tixgalinteeda siinayo, waxana Madaxweynuhu sheegay in wixii horay looga gaabiyey aan dib looga gaabin doonin oo Hogaanka SSC uu noqonayo garabka ugu weyn ee Dawladdiisa

 

kulankaas markii uu soo gabo gaboobay ayaa waxaa la hadlay Saxaafadda Hogaamiyaha SSC isaga oo ku sugan xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay inay madaxweynaha kawada hadleen xaalada ka taagan Gobolada Sool,sanaag iyo Cayn islamrkaana tilmaamay in ay doonayaan in dowlada FKMG ah ee soomaaliya gaadho deegaanada sool,sanaag iyo cayn si loo helo ayuu yiri midnimada umada soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay muqadas tahay

 

Mud ,xagla toosiye ayaa *****lka ka qaaday in madaxeweynaha iyo wafdiga Gobolada SSC ay oo kulankoodu qaatay mudo saacado ah uu sheegay inay kaloo ka wada hadleen madaxweynaha sidii loo heli lahaa midnimo soomaaliyeed oo uu sheegay inay taariikhda baal dahab ah kaga jiraan gobolada SSC sida ay ugu taagan yihiin midnimada dalka iyo dadka .

 

Hogaamiyaha SSC saleebaan xagla toosiye ayaa gebgebadii saxaafada u sheegay inay guud ahaan isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen madaxweynaha dowlada FKMG ah ee soomaaliya .

 

Si kastaba ha ahaatee wafdigan ka socda gobolada sool ,sanaag iyo Cayn oo soo gaaray magaalada muqdisho maalin ka hor ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo ay garoonka aadan cade airport ay kusoo dhoweeyeen khamiistii reysalwasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya maxamed ca/laahi farmaajo iyo raxan xildhibaano ah oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya iyadoo durba ay soo baxayaan ifafaale ku aadan kulamada ay la qaateen masuulkii ugu sareeye dowlada FKMG ah madaxweyne sh,shariif sh,axmed

 

waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo la qaadan doonaan Raysulwasaare Farmaajo, Golaha Wasiiradda ka dibna u dhoofi doona dalka Kenya

 

 

PB120327-1024x767.jpg

 

PB120319-1024x767.jpg

 

PB120316-1024x767.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ C'on now, don't change the subject. :D The chaps look downbeat and bothered, are you sure they met the Sherif?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

There is reason why those from NorthWest Triangle in Mogadishu started crying, when they realized Sheikh Sharif and TFG welcomed warmly SSC Delegation.

 

 

Thanks to the Federal Somali Government, all expenses of SSC officials are paid the private chartered plane, hotels etc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Hogaanka ugu Sareeyo SSC iyo Isimada oo Casuumaad ka Helay Dowlada Fadaraalka KMG Somaliya

 

 

Saleban Esse Ahmed (Xaglo-Toosiye) hogaamiyaha hogaanka mideynta iyo badbaadinta gobolada ssc iyo weftigii uu hogaaminayey oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho..

 

Wafdigaan oo ka socday deegaanada ay ka taliyaan maamulka SSC ( sool sanaang iyo ceyn ) ayaa kulamo gooni gooni ah waxay la leeyihiin Mudanayasha barlamanka dowlada fadaralka KMG somaliya iyo dhildhibaanada ay dowlada ku leeyihiin .

 

Wafdigaan ayaa ka kooban Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo ah madaxa wafdiga ,madaxweynaha maamulka Sol Sanaag iyo ceyn saleebaan Axmed Ciise ( xaglo Toosiye ) iyo mas’uuliyiin kale .

 

Wafidaga ayaa warbixin siiyey bahda saxaafada iyaga oo sheegay in uu safarkoodu ku aadanaa sidii dhinacyada dowlada iyo maamulka ssc isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyasada iyo dhaqaalaha

 

Hogaamiyaha maamulka SSC Saleban Esse Ahmed (Xaglo-Toosiye) hogaamiyaha hogaanka mideynta iyo badbaadinta gobolada ssc ayaa intaa ku daray in ay kala hadlayaan xaalada ka taagan deegaana maamulka ssc sidii ay wax uga qaban laheyd baahida ka jirta dowlada fadaraalka KMG somaliyeed ,isaga oo sheegay in ay dowlada ka dalbadeen imaanshiyaha magaalada Muqdisho lagana aqbalay si ay wax uga yiraahdaan arimaha mandiqada .

 

Dhanka kale Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo isne saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ssc dantoodu tahay ayaa saxafada u shegay in ay doonayaa in wadahalo ay la sameeyaan odoyasha dhaqanka ee somaliyeed sidii laga yeeli lahaa arimaha murugada leh ee heysata dadka reer koofureedka ah .

 

Wuxuu shegay in ay u yimadeen sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadkaa iyo dalkaan madaxduna ay yeeshaan wada shqeyn iyoxiriri joogto ah iyo in ay arkaan umadda somaliyeed eek u nool caasimada Muqdisho.

 

Garaadka ayaa sheegay in ay reer ssc aad uga xun yihiin colaada heysata reer Muqdisho oo uu ku tilamaay madaxii umaadda .

 

Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac “Hadiiaysan Muqdisho hagaagin oo aan nabad laga helin oo dadka joogaa nabad ku wada noolaan lagama yaabo intii kaleee somalida aheyd in ay hagaagto ,iyada oo uu madxu xanuunsanayo in jirka kale uu caafimaad helo oo uu nabad ku seexdo nabadna kusoo tooso “

 

Waxaan dooneynaa in aan gacmaha u hoorsano barino oo aan dhahno xabadahala joojiyo ,si qaranimadii dunta ee somaliyeed dib loogu yagleelo,in wadahal,heshiis iyo nabadga lagu soo dabaablo waxyaabaha lagu kala fikirduwan yahay

 

 

Waa markii uguhoreysay ee wafdi noocan oo kale ah magaadala Muqdisho ka soo gaaraan gobolada Sol sanaag iyo ceyn oo magaalo madaxdoodu tahay Buuhoodle

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

somalisan39@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666

00252-50-907666

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Mahadsanid Libaan. Guul iyo horumar ayaan inshAllah u rajaynaynaa SSC.

 

Qofkasta xaqiisa haduu u halgamo wuu helaya..wixi xaqdaro rabana meel dheer ma gaadhayaan.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dhageyso Somaalidiidkii oo calaacal iyo oohin isku darsay

 

 

CADOWGII SSC OO SHUBAN KU DHACAY

 

MAQAAL:- Kadib markuu dhowaan gaadhay Muqdishu wafdigii SSC ee uu horkacayay mundane Sulaymaan Xaglotoosiye uuna ka mid ahaa haybadle Garaad Jaamac Garaad Cali..

 

ayuu Jaahwareer iyo dhakofaar ku dhacay cadowgii shacabka SSC.

 

Waxaa shir jaraaid Muqdishu ku qabtay niman wasiiro ka ahaa dawladihii ku meelgaadhka ahaa ee tan hadda la dhisay ka horeeyey oo asal ahaan ka soojeeda maamulka jabhadda SNM iyo maamulka waqooyi bari ee Faroole, Nimankaasii iyagoo aad u cadhaysan bay afka furteen oo soo mantageen ama soo hunqaaceen wixii calooshooda ka buuxay oo ahaa sun iyo xiqdi iyo xasad iyo cadaawad iyo nacayb daran oo ay u hayeen shacabka SSC.

 

Waxay soo daayeen been abuurasho qaawan oo ay uga jeedeen inay dhibaato ugu abuuraan kuna wasakheeyaan magaca SSC ee nadiifta ah. Waxay dhaheen SSC waxay ka tirsantahay SHABAAB. Shacabka SSC kama tirsana wadaadadaas hubaysan ee dadkii nafta u keenay, mana dhici karto inay ka mid noqdaan ama wax la qabsadaan hadda iyo goor danbe midna. Islamaarkaa ma iman karaan dhulka SSC leedahay kana taliso. Caalamkuna xaqiiqada waa ogyahay lamana khaldi karo.

 

SSC dib bay u soo noolaatay, wayna hanaqaaday waxayna cagta saartay jidkii midnimada iyo xornimada, dibna u noqon mayso. Cid is-hortaagi kartakana ma jirto, wayna guulaysanaysaa dhowaan in shaa Allaah cadowgu ha rabo ama yuusan rabin, ha fado ama yuusan fadin. Cadowga SSC yuusan isdaalin oo karamo seegin. Hirkan ama mawjaddan wayn ama daadkan laxaadka wayn ee soo rogmaday yuusan idin qaadan ee ka carara intay goori goor tahay.

 

Reer SSC haddaad tihiin qurbajoog ama dalkii joog waad aragtaan in ladiin tashay oo ay isugu kiintageen labada maamul ee hareeraha idinka xigaa iyo kuwaa taageera. Markaa waxaa waajib ah in heerka halganka kor loo qaado, taakulo aan kala go’ lahayn iyo gacan la siiyo SSC da gudaha joogta. SSC ha noolaato oo ha jirto oo ha is-raacdo.

 

Maxamed Cali Daad

 

 

----

 

Faroole iyo Soomaalidiidka Xaalkoodii Wuxuu ku Dhammaaday Cali Geelii Ba’ay

 

 

Waynu ka dheregsanahay catawgii Faroole iyo wuxuu ku sheegay war-saxaafadeed iyo isagoo gebagabadii ku qoomamooday: “ Ilaahay hortii waxaan ahay Cali Geelii Ba’ay…” Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye, bal dayaay wadaadkii sii wakaa dabayshadaye… Cali-Dhuux Adan

 

 

 

 

Cali-ga kale ee isna geelii ba’ay waa Soomaalidiidka. Imaatinkii Hoggaanka SSC Xamar waxay daaha ka rogtay labo wajiilayntii qaar ka mid ah wakiillo shaadhka beenta ah huwan oo ka soo jeeda gobollada woqooyi galbeed. Halkan hoose waxaynu si kooban ugu iftiiminaynaa wixii shakhsiyaadkaas shaatiga beenta ah sitaa ay kaga hadleen shir jaraa’id oo ay shalay Xamar ku qabteen.

 

 

Qaran dumiskii u hormaray hadalka iyo qaran dumiskii kadaba hadlay wuxuu nuxurka hadalkoodu ahaa in:

 

 

 

* madaxda SSC aanay la xaajoon Karin madaxda dawladda Soomaaliyeed

* in aanu jirin maamulka SSC

* In SSC tahay Al-Shabaab

* In aan dawladdu xidhiidh la samayn Karin

* in aan hub, rasaas, iyo lacag la siin Karin

* In daba-******yada la socda soomaaliddidku ka taliyaan Sool, Sanaag, iyo Cayn

* Iyo in SSC u hoggaansato maamulka Soomaalidiidka ah ee dalka kala goyn raba.

 

 

Labadan qaran dumiye waxay digniin cad u soo jeediyeen madaxweynaha iyo ra;iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya inay faraha kala baxaan gudashada xilkooda qarameed oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya, oggolaadaanna in dalka la kala jaro.

 

 

 

Qaran dumiskan hadalladooda ayaa si cad isu burinaya. Waxay leeyihiin waxaanu taageersanahay midnimada iyo federaalka, waxayna ka soo horjeedaan SSC oo mabda’aas ku shaqaynaysa isla markaana daafacaysa. Waxay u doodayaan una dagaallamayaan yaan la is hortaagin maamulka soomaalidiidka ah ee dalka kala jaraya, in la aqoonsadona geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay. Maamulka Somaliland la baxay ee ay qabiil ahaanta ku difaacayaan waa kan burburinaya dawladda federaalka ay sheeganayaan inay ka mid yihiin, waxayna madaxda sare ee qaranka ugu goodiyayaan in aan la soo faro gelin gardarrada, dhaca, boobka, iyo cadaadiska gooni-u-goosatada Hargeysa ka waddo dhulyawga SSC.

 

Hadalladii maadda lahaa ee ya ka siidaayeen warbaahinta waxaa kale oo ka mid ahaa:

 

“Qabiil aragnay waxba tari-waa qabiil, Soomaali uunbaa u dhimanayee… nin aan waxba noqon Karin uunbaa qabiilka dabada saara qofka Soomaliyeed maanta waa ka ugu ihaanaysan adduunyada guudkeeda, sharafna ma leh qofka somaliga ahi, had iyo jeer Dadka fidnada wadaa baal bay cararaan ma ogtahay, Dadku dad walaalo ah weeye soomaalidu waa family, laakiin in yar baa fidnada bilawda oo shidda, ma aha in qori dab leh la qaado meel nabad ahna lagu gubo....!!”

 

 

 

 

 

Haddaba su'aashu waxay: yaa qabiil ahaan gooni ugu baxay, yaa qabiil dabada saaray, yaa ka masuul ah sharaf darrada shacabka Soomaaliyeed, yaa fidnada bilaabay oo wada, yaa baal cararaya kana baqaya inuusan waxba noqon Karin oo Soomaali inuu wax la qaybsado ka baqaya, qori dablena la wareegaya? Intaas oo dhan jawaabteedu Waa SNM iyo maamulka gooni goosadka ah.

 

 

 

Waxaa laba jeer afku ka xaday waxa uurkooda ku jira dadkuna wada ogyahay. Qaran dumiyaha hor hadlay ayaa mar isagoo hadalka wata yidh: “dadka nala deggan waqooyiga…,” taasoo uu ula jeedo in waqooyiga iyagu iska leeyihiin, dadka kalena la deggan yahay. Qaran burburiyaha ka daba hadlay ayaa isna mar ku cataabay: “Laba maamul baa waqooyiga ka jira, labada midna ma nihin bay yidhaahdeen, xaggay ku socdaan. Annagu waxaanu leenahay waar kii aad walaalnimada iyo wax wada haysateen arrinkaa waa ka cudur daaranayaa(???)”

 

 

 

Mar kalena waxay leeyihiin iyagoo riyo maalmeed ku jira: “Somaliland waa hal ‘State’ oo lama taabtaan ah, ee qoladani (SSC) waa inay Hargeysa ka degaan..." Macnaheeduna yahay haddii xataa Soomaali is-raacayso, xadkii Ingiriis ka tegey ee lixdankii la baabi’iyey ayaa la soo noolaynayaa, waxaana lagala xisaabtamayaa SNM. Tanii waxay kuu caddaynaysaa inaan labadan nin fahamsanayn dhibaatada iyo waxa ka dhexeeya Soomaalida iyo xalka ku habboon.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in la sheego cidda ku digata dhibaatada Xamar ka jirta ee muddo dheer rabta inay ka faa’iiddo. Soomaalidiidka waxaa ka go’an inaan Xamar degin si gooni-goosadku u helaan dal madax bannaan oo la aqoonsan yahay. Ma qarsoona in Soomaalida reer koonfurta ah ee u qaxday waqooyiga lagu hayo ihaano iyo dullayn joogto ah, iyadoo beesha caalamka uu maamulkaasi ku cadaadinayo in loo aqoonsado qaxooti. Arrintaas oo laba ujeeddo ay ka leeyihiin. Tan hore, waa inay lacag ku helaan; tan labaadna inay ku helaan aqoonsi caalami ah. Waxay isku maaweelinayaan haddii qaxooti dadkaas koonfurta ka yimid loo aqoonsado, waa waqooyiga oo loo aqoonsaday dal gaara ah.

 

 

SSC kama rabto dawladda federaalka hub, rasaas, iyo dhaqaale. Balse dawladda federaalka ah ayay waajib qaran ku tahay inay difaacdo meel kasta oo ka tirsan ciidda Jamhuuriyadda Soomaaliya isna hortaagto ujeedada gurracan ee wax-magaratada in ka badan 20 sannadood qoriga dabka leh la wareegaysa, doonaysana in dalka qurub-qurub loo jarjaro. Waxay sheegteen in yihiin mudanayaal ka tirsan nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya. Haddii ay sidaasi dhab ka tahay waxaa nimankan warbaahinta ka hadlay laga doonayaa inay diidaan oo ka qayliyaan hubka, rasaasta, iyo lacagta ku qulqulaya Hargeysa ee lagu abuurayo fidnada, colaadda beelaha walaalaha ah, iyo kala go’a dalka. In ay ka hadlaan oo cambaareeyaan gooni-isu-taagga ay rabaan maamulayaasha Hargeysa. In ay runta u sheegaan dadweynaha ku nool woqooyi-galbeed in wadajir iyo Soomaalinimo wax lagu raadiyo.

 

 

Madaxda siyaasadda iyo tan dhaqanka SSC ee hadda ku sugan Muqdishu iyo guud ahaanba shacabka Sool, Sanaag, iyo Cayn waxay ku baaqayaan in xabbadda iyo dagaallada Muqdisho iyo koonfurta la joojiyo, xasilloonidii iyo nabaddii la soo celiyo, maamulka dawladnimo ee Soomaaliyeedna ka shaqeeyo nabadda, caddaaladda, iyo horumarka. Sidoo kale SSC waxay mar kale ku baaqaysaa in beelaha waqooyi galbeed kala baxaan malayshiyadooda deegaanada SSC, ayna ilaaliyaan nabadda iyo deris wanaagga. Intaas marka la helo ayay fududaan kartaa wax wada qabsiga iyo wada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Waxaannu leenahay Cali Geelii ba’ay caqligu ha u kordho…

 

 

 

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

PresidentSharif290909.jpg

 

 

Dowladda oo wafdiga SSC ku wareejisay hub iyo saanad Melleteri

 

Wafdiga Maamulka SSC ee Muqdisho jooga ayey dowladda labada Shariif ku wareejisay hub iyo saanad melleteri oo loogu tala galay in lagu qalabeeyo Ciidamo sharciyan ay saxiixeen inay hoos tagaan dowladda ,tiro ahaana dhan laba kun oo askari.

 

Gudoomiyaha siyaasadda ee SSC Mr Saleebaan Xaglatoosiye ayaa hubka iyo saanada Melleteri lagu wareejiyay waxyar kadib markii uu idlaaday kulan uu la qaatay Ra'isulwasarre Farmaajo.

 

Madaxweyne Shariif ayaa la xaqiijiyay inuu bixiyay amarka SSC lagu gudoonsiiyay hubka iyo saanadda Melleteri.

Socdaalka Xasaasiyadda dhaliyay ee wafdiga SSC ku joogaan Muqdisho uuna ka soo dhexmuuqdo garaadka guud ee beelaha Sool,Sanaag iyo Ceeyn Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa la soo weriyay inuu ka shaqeeyay Wasiirka cusub ee warfaafinta,boostaha iyo isgaarsiinta Mr Cabdi Kariim Jaamac.

Somaliland iyo Puntland ayaa xasaasiyad xoogan ka qaaday safarka wafdiga culus ee SSC ka jooga Muqdisho.

Taariikhda waa markii ugu horeysay ee wafdi uu ka mid yahay garaadka guud ee beesha *********** uu tago Muqdisho.

Socdaalka Garaad Jaamac ku jooga Muqdisho iyo soo dhaweeynta loogu sameeyay degaanka ay ku badan yihiin beelaha Hawiyaha ayaa noqonaya mid samir siiyay Puntland iyo Somaliland oo rajo ka qabay inay wax kama jiraan ka soo qaadaan Maamulka SSC.

Dhulbahantaha sida muuqato waxay doonayaan inay labaatan sano kadib helaan maamul ay u madax banaan yihiin,waxaana la rumeeysan in socdaalka wafdiga SSC ee jooga Muqdisho riixay isku duubni iyo midnimo ay ku dhiiradaan Jaaliyadaha beesha ***********.

Wafdiga SSC waxaa ay degan yihiin Hotelka Amiira oo KM5 halkaas oo amaankeeda aad loo adkeeyay,ayna ku wareegsan yihiin Ciidamo u daacadda Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Jeneral Qaybdiid oo la hadlay Waagacusub wuxuu sheegay inuu Garaad Jaamac iyo Xaglatoosiye kala hadlay sidii iskaashi iyo gaashaanbuur loogu sameeyn lahaa Galmudug iyo SSC,wuxuuna xusay in wafdiga SSC lagu casuumay Magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug.

Si kastaba ha ahaatee,Wafdiga ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan degaanadda SSC waxaana garoonka Muqdisho ka qaadi doonta diyaarad qaasa oo dowlada labada Shariif u diyaarisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

farmaajo.jpg?w=286&h=247

 

 

Wafuudii SSC oo Shir Albaabada loo Laabay maanta Muqdisho kula Yeeshay Ra'iisal wasaaraha Somalia.

 

 

Waxaa maanta xafiiska Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kulan albaabada loo xidhay ku wada yeeshay waftigii SSC ee ay hogaaminayeen Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Garaadka guud ee SSC iyo Hogaamiyaha SSC Dr: Suleymaan Ciise Axmed Kaar{Xagla-toosiye}.

 

 

 

Shirkan oo ahaa mid aan Tafaasiil laga siin warbaahinta, isla markaana albaabadu u xidhnaayeen ayaa wuxuu ahaa mid qaatay saacado fara badan. Sida uu noo sheegay sarkaal ka shaqeeye Xafiiska Ra'iisal wasaaraha oo macagiisa ka cudur daartay, waxay laba dhinac si weyn u lafa gureen siyaasada Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan SSC.

 

Hogaamiyaha SSC ayaa la sheegay inuu u gudbiyey Ra'iisal wasaaraha taageerada Balaadhan ee shacabka iyo maamulka SSCba u hayaan dawladda Soomaaliya io siyaasadiisa debecsan ee ku aadan sidii dalka Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa. Wuxuuna hogaamiyuhu sheegay in dawladda Soomaaliya ay garab taagan yihiin shacab weynaha SSC.

 

Wuxuuna dhankooda ka dalbaday wada shaqayn, wararka kulanka ka soo baxaya oo ah kuw xadidan ayaa sheegaya in Ra'isal wasaare Maxamed Abdullaahi Maxamed{Farmaajo} ku booriyey wuufada SSC dedaalkooda ay ugu jiraan sidii ay dadkooda ugu qaban laahaayeen iyo weliba siyaasadooda ku aadan dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed, taasoo ah mid hufan oo cadaan ah.

 

Wararku waxay sheegayaan in kulanku ugu danbeyntii ku soo gebo gaboobay is afgarad iyo wada shaqayn labada dhinacba ah, taasoo lagu wada balamay.

 

Mudada shanta maalmood ahayd ee ay waftiga SSC joogeen magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemay guud ahaan Caasimada Soomaaliya, ayadoo dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay aad u hadal hayaan waftigan balaadhan ee SSC ka yimid kuwaasoo ah ilaaliyaal midnimada Soomaaliya, waxaana taasi ay dhalisay in guuxa magaalada Muqdisho ee ugu badan laguna qaxweeyo ay noqotay hadal haynta waftiga SSC, oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho.

 

Dhanka kale waxaa iska soo dabadhacayaa Casuumaado fara badan oo ay ka helayaan shacabka, beelaha iyo weliba Siyaasiyiinta Muqdisho ku dhaqan, kuwaasoo qolokastaaba dhankeeda casuumaad uga fidinayso wufuuda SSC.

 

Isku soo wada xooriyo booqasha Muqdisho ee SSC, wuxuu daaha ka rogey in shacabka SSC si weyn looga jecel yahay magaalada Muqdisho, taasoo ay ku mutaysteen midnimda umadda Soomaaliyeed ee ay markastaba difaacayaan, laga soo bilaa xiligii daraawiishta oo ay dirir adag la galeen Saancadihii duulaanka iyo Doollaalada ku yimid dalkeena Hooyo.

 

Abdi Abdlle.

 

Xamar,Cadeey , Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this