Sign in to follow this  
Liibaan

Waftigii SSC oo Kulan La Qaatay Madaxweynaha Soomalia Sheikh Sharif

Recommended Posts

Ibtisam   

Sharif went Hajji, unless they followed him to Hajj, they got fob off with hotels and charted planes.

 

Better luck in Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Dawlada Federaalka oo Maamul Goboleedka SSC U Ansixisay Labo Kun OO Askari

 

(Riinji.com)Warar hordhac oo ka soo baxaya Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Dawlada Federaalka iyo Hogaanka SSC ee Muqdisho jooga in ay heshiisyo waafaqsan dastuurka Faralisimka ah ay isla gaadheen isla markaana ay Dawladu taakulooyin kala duwan ay siin doonana Maamulka SSC.

 

Hogaanka Maamulka SSC Mr Saleebaan Xaglatoosiye ayaa hubka iyo saanada Melleteri lagu wareejiyay waxyar kadib markii uu idlaaday kulan uu la qaatay Madaxda Dawadala Federaalka . Madaxweyne Shariif ayaa la xaqiijiyay inuu bixiyay amarka SSC lagu gudoonsiiyay hubka iyo saanadda Melleteri. Socdaalka Xasaasiyadda dhaliyay ee wafdiga SSC ku joogaan Muqdisho uuna ka soo dhexmuuqdo garaadka guud ee beelaha Sool,Sanaag iyo Ceeyn Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa la soo weriyay inuu ka shaqeeyay Wasiirka cusub ee warfaafinta,boostaha iyo isgaarsiinta Mr Cabdi Kariim Jaamac. Somaliland iyo Puntland ayaa xasaasiyad xoogan ka qaaday safarka wafdiga culus ee SSC ka jooga Muqdisho. Taariikhda waa markii ugu horeysay ee wafdi uu ka mid yahay garaadka guud ee beesha SSC uu tago Muqdisho. Socdaalka Garaad Jaamac ku jooga Muqdisho iyo soo dhaweeynta loogu sameeyay degaanka ay ku badan yihiin beelaha Hawiyaha ayaa noqonaya mid samir siiyay Puntland iyo Somaliland oo rajo ka qabay inay wax kama jiraan ka soo qaadaan Maamulka SSC. Dhulbahantaha sida muuqato waxay doonayaan inay labaatan sano kadib helaan maamul ay u madax banaan yihiin,waxaana la rumeeysan in socdaalka wafdiga SSC ee jooga Muqdisho riixay isku duubni iyo midnimo ay ku dhiiradaan Jaaliyadaha beesha SSC. Wafdiga SSC waxaa ay degan yihiin Hotelka Amiira oo KM5 halkaas oo amaankeeda aad loo adkeeyay,ayna ku wareegsan yihiin Ciidamo u daacadda Jeneral Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. Jeneral Qaybdiid oo la hadlay Waagacusub wuxuu sheegay inuu Garaad Jaamac iyo Xaglatoosiye kala hadlay sidii iskaashi iyo gaashaanbuur loogu sameeyn lahaa Galmudug iyo SSC,wuxuuna xusay in wafdiga SSC lagu casuumay Magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug. Si kastaba ha ahaatee,Wafdiga ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan degaanadda SSC waxaana garoonka Muqdisho ka qaadi doonta diyaarad qaasa oo dowlada labada Shariif u diyaarisay. YASIN MAXAMED AXMED

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this